Home » Faallo, Rayi »

Talo ku socota Ra’isal Wasaare Khayre

KHAYRE U GEEYA:DAD, DAWLAD IYO DAL DHIS

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha. Waxaan rabaa halkaan inaan hambalyo uga diro Raysal Wasaaraha cusub Mudane Khayre, waxaana ilaah uga baryayaa inuu u fududeeyo xilka cusub ee uu ummada u qabtay. Waxaad moodaa inuu Madaxwayne Farmaajo qaaday wado ka duwan wadooyinkii hore ee ay qaadi jireen madax waynayaashii ka horeeyay; ha noqoto Raysul Wasaaraha uu soo magacaabay iyo sidii uu u soo magacaabay isagoo isticmaalay shax ka duwan kuwii ay horey u mari jireen madaxdii ka horeysay(Waa in Raysul Wasaarahu noqdaa reer hebal ama reer hebal oo kaliya); dhaqsaha uu u soo magacaabay RW cusub taasoo markiiba damisay xamaasadihii, xasaradii iyo fadhi ku didirkii ku salaysnaa qabyaalada oo aan horey uga baranay dawladihii hore. Waxaa runtii muuqata rajo iyo kalsooni cusub oo ah inay dawlada cusubi ay mari karto wado ka duwan kuwii hore, waxaana filayaa inuu RW cusub uu maro wado taa la mid ah oo uu soo dhiso dawlad tayo leh oo matali karta shacab ka Soomaaliyeed oo aan haba yaraatee wax raad ah ku lahayn qabyaalada iyo siyaasada qabiilaysan.

Cudur(Siyaasad qabiilaysan)  VS  Dawo (Siyaasad qabiilaysan)

Siyaasada qabiilaysan, qabyaalada iyo ku dhaqan keeda waxaan ka dhaxal nay dad, dal iyo dawlad la,aan. Dhaawaca ugu halista badan ee na soo gaaray waa bur bur maskaxeed kaa soo si sahlan noo gaarsiiyay inaynu dhumino jiritaankeenii, midnimadeenii iyo wada noolaansha heenii. Waxaan kaloo ka dhaxal nay maamul goboleedyo aan ku dhisnayn Soomaalinimo iyo wadaniyad; 4.5, sadbursi iyo siyaasad xaaraana; federal aanan ilaa iyo hada micnihiisan aynaan fahmin, cid na fahamsiisa waxa uu yahay iyo sababta aan ugu baahanahay federalna aan wali la hayn.

Suaasha aan runtii in badan iswaydiiyay, hadana aan jeclahay inaan la qaybsado akhristayaasha waxay tahay: Suurto gal ma tahay in cudurkii (qabyaalad iyo siyaasad qabiilaysan) ee na baday inaynu lumino jiritaan keenii iyo midnimadeenii, inuu is la isagii noo noqdo daawo (qabyaalad iyo siyaasad qabiilaysan) aynu dib ugu hantiyayno qaranimadeenii iyo dawladnimadeenii.

Wacyi Galin

Waxaa inaga burburay dad, dawlad, dal iyo hanti. Inaynu abuurno hanti iyo dhaqaale, waxaan u baahanahay dal nabad ah oo aan dhamaanteen aaminsanahay inaan wada leenahay waajib na ay tahay inaan wada ilaal sano. Sidoo kale inaynu dal dhisno, waxaan u baahanahay, dawlad leh sharci adag iyo kala dambayn; sinaan iyo cadaalad; hogaan daacad ah; qorshe iyo siyaasad horumarineed iyo waxqabad dhab ah. Hadaba dawlad dhisidu waxay u baahantahay dad fayow, midaysan (Soomaalinimo), wax wada leh (dal qura), isku dan ah(qaranimo iyo dawladnimo), isla markaana isku talo ah (dawlad wadaag). Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa oodo dhacameed say u kala sareeyaan baa loo kala qaadaa. Inta aynaan gaarin hanti iyo dhaqaale abuur, dal iyo dawlad dhisid, waxaa dawlada cusub laga
rabaa in dad ka Soomaaliyeed ee maskax burburku ku dhacay isla markaana dayaysan, ay u samayso qorshe ay ku gaarsiin lahayd inay isla fahmaan in xalka kaliya ee aan ugu bixi karno dhaibaatadii na soo gaartay 26 sano ee la soo dhaafay uu yahay raadinta midnimo, Soomaalinimo, qaranimo iyo dawladnimo.

Ardada iyo Dhalin yarada Soomaaliyeed

Dhalin yarada iyo ardydu waa awooda ay ummadi leedahay, isla markaana waa furaha mustaqbalka iyo madaxdii barito. Hadaba waxaa muhiim ah in dawlada cusub ay la timaado qorshe , siyaasad iyo shax dhamaystiran si dhalin yadau qayb libaax uga qaadato isbadalka cusub iyo dawlada cusub ba.

Burburkii 26 kii sano ee la soo dhaafay, wuxuu saamayn wayn ku yeeshay dhamaan ardada iyo dhalin yarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala qobqobnaa gobolo, degmooyin iyo tuulooyin, isla markaana aan  marnaba fursad u helin inay arkaan qaranimo, midnimo iyo dawladnimo Soomaaliyeed. Hadaba waxaa muhiim ah in dawlada cusubi ay si deg deg ah u samayso gudi quburaa oo isgu jira culumaa’udiin, aqoon yahano, qoraa iyo suugaan yahano, si loo sameeyo manhaj waxbasho ay dhamaan dugsiyada, iskuulada iyo jaamacaduhu ku midaydan yihiin si ardada iyo dhalin yarada loo baro: Dhaqanka, taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed Faa’iidada midnimada, qaranimada iyo dawladnimada  Dhibaatada qabyaalada iyo musuqmaasuqa Dhulka Soomaaliyeed, dhamaan xuduudihiisa iyo khayraadkiisa.

Shacabka Soomaaliyeed

Waxaa sidoo kale muhiim ah in dawlada cusub ay la timaado qorshe iyo siyaasad ku wajahan baraarujinta iyo wacyi galinta dad waynaha iyadoo adeegsanaysa dhamaan qalabka warfaafinta sida raadyaha, taleefishanka, wargaysyada iyo internet ka. Waa in la helo qoraalo tayo leh, heeso, ruwaayado, gabayo , waci diimeed , iyo eray bixin cusub oo ka turjumaya isbadalka iyo midnimada shacabka, wax qabadka dawlada iyo dhaliilaheeda, qorshayaasha horumarineed, iyo la dagaalanka qabyaalada iyo musuqmaasuqa. Waa in dawladu si toos ah ula socodsiiso shacab ka wax qabadkeeda uuna yahay mid muuqda oo la arki karo.

Shaqaalaha Dawlada

Shaqaalaha dawladu waa inay noqdaan kuwo lagu soo xulay aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo kartidooda si cadaalad ah oo muuqata. Tani waxay keenaysaa in la helo shaqaale fahamsan xaquuqdiisa iyo waajibaad ka saaran labadaba, isla markaana diyaar u ah ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, lehna kalsooni buuxda iyo waxqabad. Shaqaale tayo leh oo wadaniyiin is la abuuro waxay u baahan tahay in la helo: Hogaan fiican iyo ku dayasho Cadaalad iyo sinaan Haykal dawladnimo iyo luuqad isku mid ah Nidaam qoran iyo sharuuc la raaco oo loo wada siman yahay Tababaro tayo leh iyo abaalmarin.

Isdhex galka iyo Isku xirka Bulshada

Siyaasada qabiilaysan , qabyaalada iyo faragalin ta shisheeya waxay ummada Soomaaliyeed gaarsiisay in loo qayb qaybiyo gobolo, degmooyin iyo tuulooyin. Waxaa kaloo jira  in qayba qaybta kale aamin santahay inaysan waxba ku lahayn balse ay isku arkaan cadow duulaan midba midka kale ku ah. Waxaa muhiim ah in dawlada cusub ay keento qorshe iyo talooyin muuqda si loo soo celiyo isdhex galkii, xiriirkii, walaaltinimadii iyo midnimadii ummada.

Waxaan filayaa in talaabooyin ka soo socda iyo kuwo kaloo la mid ah ay noqon karaan bilow fiican oo keeni kara isdhex gal, midnimo iyo dawlad la wada leeyahay.

Tartan Aqooneed

In dhowrkii biloodba mar la qabto tartan aqooneed dhex mara dhamaan dugsiyada iyo jaamacadaha dalka , hadbana gobol lagu qabto. Arintaani waxay fududaynaysaa isku soo dhawaanshaha ummada Soomaaliyeed iyo isdhex gal ardada iyo dhalin yarada Soomaaliyeed. Waxay kaloo sahlaysaa inay ardada iyo dhalin yaradu soo bartaan dhamaan dhulka Soomaaliyeed oo ay ogaadaan isla markaana fahmaan inay wada leeyihiin. Waxaa kaloo meesha ka baxaya beentii ,dacaayadii, qabyaaladii iyo siyaasadii qaybinta ku salaysnayd oo manaxayaasha xukun doonka ah ay dhalin yarada iyo ardada u sheegi jireen. Waxaa halkaa ka dhalanaya arday iyo dhalin yaro Soomaaliyeed oo isku mabda ah aaminsana inay hal dal wada leeyihiin.

Hayadaha Dawlada

Dhawrkii dawlad (ku sheeg) ee na soo maray burburkii kadib, waxaan ugu baranay in madaxda, wasiirada iyo xubnaha golaha shacabka loo diro goboladii iyo qabiiladii ay ka
yimaadeen taasoo muujinaysa inay matalaan qabiilo iyo gobolo gaar ah oo aysan ahayn shaqaale qaran.Runtii taasi waa muuqaal aad u fool xun oo ku tusaysa inaysan jirin dawladnimo iyo haykal dawladnimo midna. Hadaba talo ahaan, si loo helo ummad talo iyo dawlad wadaag ah, waa in dawlada cusubi si deg deg ah uga samaysato xafiisyo dhamaan gobolada dalka , si dhamaan madaxda dalka, wasiirada, gudiyada labada gole ee shacabka ay ugu yaraan bishiiba hal asbuuc u goojaan gobol gobolada Soomaaliyeed ka mid ah halkaas na ay ku soo gutaan shaqadooda qaran. Waxaa halkaa ka dhalanaya in masuuliyiinta iyo madaxda dalku ay soo bartaan dad ka iyo dalka ay matalaan oo ka kooban dhamaan wadan ka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale shacabku fursad u helayaa inay bartaan madaxdooda, shaqada ay u hayaan qaran ka iyo waxqabad kooda. Waxaa kale oo yana muhiim ah in xafladaha, shirarka qaran, munaasabadaha maalmaha taariikhigaa ee ay madaxda sare ka qayb galaan in marba gobol iyo degmo lagu qabto si dawladnimadu u baahdo loona wadaago.

Waxaan qabaa hawsha muhiim ka ah ee ugu horaysa ee u taal dawlada cusub inay tahay sidii loo samayn lahaa wacyi galin dhab ah oo cilmiyaysan si loo helo ummad Soomaaliyeed oo isjecel, mid ah iskuna kalsoon, is aaminsan oo wada leh dawlad midnimo qaran oo ay dhamaantood ku kalsoon yihiin. Hadaba si taas loo gaaro waa in muhiimad gaar ah la siiyaa sidii loo heli lahaa in dhamaan dadka Soomaaliyeed(culumo, aqoon yahan, dhalin yaro , arday, haween) ka qaybtaan dib u dhis ka dalka ayagoo loo siinayo fursad sidii ay u soo gudbin lahaayeen taladooda, aragtiyadooda, fikirkooda, aqoontooda , khibradooda shaqo iyo inay si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Waxqabad ka afarta sano ee soo socda laga sugayo dawlada waa inay dhisto: Dad iyo dal midaysan isla markaana aaminsan, ku kalsoon una hogaansan sharciga dalka Ummad leh qab, sharaf, midnimo, wadaniyad iyo kala dambayn Soomaalinimo, Soomaalinimo, Soomaalinimo Ummad aaminsan isku tashi iyo isku filnaasho.

Ugu dambayn, waxaa muhiim ah in dawladu samayso gudi cilmi baaris oo wax ka qora burburkii iyo dhibaatooyinkii ina daashaday 26 ki sano ee la soo dhaafay oo cilmiyaysan, si dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo jiilka soo korayaba uga digtoonaadaan nidaam darada, qabyaalada, siyaasada qabiilaysan, ummaduna u ilaashato una xoojisato midnimadooda iyo jiritaankooda.

Abdi kani Abdullahi Khalif
abdi_kani@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.