Home » News »

Shirkadda Dahabshiil oo deeq Raashin ah gaarsiisey Barakacayaasha Abaaraha ee degan Duleedka Baardheere (Sawiro)

Shirkada Dahabshiil Xafiiskeeda Baardheere ayaa maanta waxay deeqraashin ah ay gaasiiyeen Boqolaal qoys oo Barakacayaal ah, degana duleedka Magaalada Baardheere  kana kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bay iyo J/Dhexe, kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga nolosha ah.


Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan ayaa isugu irey Bariis iyoSaliid, Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha, kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay kutiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha, waxaana goobtii lagu qeybinayeyraashinka goob joog ka ahaa Maamulka degmada, Mas’uuliyiinta Dahabshiil Baardheere iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.Cali Maxamuud Garaad oo ah Maamulaha Xarunta Shirkada Dahabhiil Baardheere ayaa sheegay Gargaarkani raashineed inuu yahay deeqlacageed oo ka timid Xarunta dhexe ee Dabashiil si loogu gargaarodadka ku barakacay Abaaraha ee degan Xeryaha barakacayaasha eek uyaala duleedka degmada.Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu yahay kii ugu badnaa ee la soo gaarsiiyodeegaanka,waxuuna Dahabshiil ku amaanay sida ay jawaabta ugu bixiseyBaaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey.  Waxuuna ugu baaqey Shirkadaha kale ee ganacsiga kana  howlgala degmadain ay ka qeyb qaatan gurmadka bini,aadinimo eeloo fidiniyo dadka ku barakacay abaaraha ee la daala dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia
saalixi77@gmail.com
 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.