Home » News »

Dhagar qabe intuusan is qarxin lagu toogtay magaalada Kismaayo


Ciidamanka Nabad-sugidda Dawlad Gobaledka Jubaland ayaa fashiliyay nin isku soo xiray Qarax oo damacsanaa in uu dhibaato geysto, ciidanka ayaa Dhagar Qabahaan Rasaas la dhacay kaddibna waa uu Qarxay mana jirin cid kale oo waxyeelo soo gaadhay.

Ciidaamada Nabad Sugida maamulka Jubbaland ayaa ah kuwo marar badan fashiliyay qaraxyo noocaan oo kale ah oo ay dhagar qabayaashu la damacsanaayeen Shacabka iyo xarumaha Maamulka Jubbaland.

Sarkaal u hadlay ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa sheegay in naftii haligahaas ay toogashu kudileen kadib markuu iskudayay inuu isku qarxiyo maqaayada Sahan ee kutaala isgoyska Xaaji Jaamac ee magaalada Kismaayo , waxuuna sheegay inay dabagal ku hayeen dhagar qabahan ayadoo ugu danbeyn maanta halkaas lagu toogtay.

Xaamud Cabdi Maxamed, Kismaayo/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.