Home » News »

Shirkadda Hormuud Foundation oo deeq Raashin iyo lacago gaarsiisey Barakacayaasha Abaaraha iyo bukaano degan Duleedka Baardheere (Sawwiro)

Shirkada Hormuud Foundation Xafiiskeeda Baardheere ayaa maanta waxay deeq isugu jirta raashin iyo lacago  waxaa ay gaasiiyeen Boqolaal qoys oo Barakacayaal ah, degana duleedka Magaalada Baardheere  kana kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bay iyo J/Dhexe iyo bukaano la liita cudurka shuban biyoodka eek u jira Isbitaalka Baardheere.


Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan Brakacayaasha ee degan duleedka Baardheere  ayaa isugu irey Bariis iyo Saliid, Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha, kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen abaaraha, waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka iyo lacagta la siiyey bukaanada goob joog ka ahaa Maamulka degmada, Mas’uuliyiinta HORMUUD baardheere iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Xareed Xuseen C/salaam  oo ah Wakiilka shirkada Hormuud  Baardheere ayaa sheegay Gargaarkani raashineed inuu yahay deeq lacageed oo ka timid Xarunta dhexe ee HORMUUD FOUNDATION  si loogu gargaaro dadka ku barakacay Abaaraha ee degan Xeryaha barakacayaasha ee k u yaala duleedka degmada iyo bukaanada  ku jira Isbitaalka Baardheere ee la liita Cudurka shuabn biyoodka.

Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed iyo mida  lacageed ee loo qeybiyey Barakacayaasha iyo bukaanada  uu yahay mid wax ka tari doono nolosha dadka liita, xilligan oo uu tilmaamay dadka deegaanka in ay isugu darsameen barakac iyo cuduro, waxuuna Hormuud uu ku amaanay sida ay jawaabta ugu bixisey Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey, waxuuna ugu baaqey Shirkadaha kale ee ganacsiga kana  howlgala degmada in ay ka qeyb qaatan gurmadka bini’aadinimo eeloo fidiniyo dadka ku barakacay abaaraha ee la daala dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.

  

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.