Home » Faallo, Rayi »

Bayaan: Shabaab iyo dowladda oo laga codsanayo inay wadahal furaan

C/Waaxid C/Laahi Khaliif
abdulwahidkhalif@hotmail.com

 

 

 

 


Allaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Shabaab iyo dowladdaa wadahadal laysugu keenayaa? Dadka isu keenaya ma UN bey ka socdaan? Maya! Jaamacadda Carabta? Maya! Ururka Midowga Africa? Maya!   Maraykan? Maya! Midowga Yurub? Maya! Amisom? Maya! Haddaa ma Itoobiyey ka socdaan? Waxaan saas u leennahay waa iyadoo la arkayo dad abaaro iyo colaado daashadeen oo leh adduunku hanaga soo gaaro! Sidoo kale, sida marar badan la sheego oo laga hadlo, wixii ka dhacaya xaafadaha magaalooyinka Soomaaliya waxaa naga og BBC iyo VOA! Iyagaa sidii wax u dhaceen naga shaafin kara! Innaga goobjooga ka ah dhacdooyinkaas ma cabbiri karnno siday wax u dhaheen!

Halabuurro Soomaaliyeed baa riwaayad u baxshay dunidu maskaxday magan u tahay! Ama magac saas oo kale ah. Waxaa nagu dhacay garaad-guur maskaxeed! Wadnaha iyo maskaxdu hadday kaa wasakhoobaan waxaa is beddelaya fikirka qofka iyo miisaanka uu wax ku saleeyo. Mararka qaarkood wax dadkii gaalada ah oo shirkiga ku jiray ka raadgataan baa dad muslim sheeganaya sameeyaan! Tusaale ahaan marka gaaladii shirkiga ku jirtay naftooda u yaabaan sida iyadoo badda ku kacdo waxay u qeyshan jireen Allaah. Dad Muslim sheeganaya waxay hadda u qeyshadaan UN! Sidoo kale wixii ka dhacaya luuqluuqyada iyo xaafadaha magaalooyinka Soomaaliyeed waxaa naga badsha BBC iyo VoA!

Shabaabka waan ku halqabsannee waxaa kaloo ku jira kooxda sheekh C/Qaadir Muumin ee ISIS u nisbo sheegata. Dad badan baa qaba inaan laga dhaadhicin karin Shabaabka iyo saaxiibbadood inay la hadlaan qolyaha Farmaajo iyo Kheyre horboodayaan! Waa dhacdaa in wadahadal laysku mari waayo laakiin badanaa lama arki jirin cid dhahda lama hadleynno ergo. Waagiii hore dowladaha ama qabiillooyinka iska soo horjeeda waxay isu diri jireen ergo! Lama oran jirin ma maqleynno akhbaarta ergadu waddo sidoo kalana qof ergey ah lama dili jirin! Wey dhici jirtay in genefka lagu dhufto hindise ergo waddo laakiin waa mar la fahmay waxa ergadu la socoto. Beryahan dambe baa laga maqlaa reer Galbeedka oo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaha lama hadleynno “argagixiso!” Waxaad arkeysaa isla reer Galbeedkii oo kooxaas ay leeyihiin lama hadleynno la xaajoonaya!

Qof kastoo Soomaaliyeed waa ogyahay xaaladda dadka iyo dalka Soomaaliyeed marayo. Haddii Diintu noo badbaadi lahayd waa lagu samri karaa colaadaha iyo abaaraha nadaashaday laakiin saan kor ku xusay Caqiiddadeenii baa khatar ku jirta! Sidoo kale Shacaa’irta Islaamka waaba laga sii raadgadanayaa! Heer waxaa la gaaray asbuucyo ka hor dad badan oo Soomaaliyeed iska dhaadhiciyeen in doorashadii madaxweynenimada uu ku guuleysan doono ninkii heysta taageerada askari ka socda mid ka mid ah waddamada dhulka naga heysta ee dariskeenna ah! Sidaas darteed waa arrin tuseysa inaan fadhi noo oolin, nagu khasabtay inaan soo jeedinno hindisihaan – wadahadal loogu yeero Shabaab iyo dowladda – oo dad badan khiyaali ula eg.

Yaa u dhego nuglaan doona hindisahayagan wadahadalka ah? Ma Shabaabka mise dowladda! Mise labadaba? Dad badan waxaa u fudud inay dhahaan cidda aan gar qaadaneyn waa Shabaabka iyo kooxda sheekh C/Qaadir! Annaga xaggayaga waxaa nagala sii daran dhanka dowladda! Sabab?! Horta dowladda meesha waa lagu hayaa! Waa lagu waardiyeeyaa! Sidaas darteed ma qaadan karaan go’aan u gooniya! Waxaa arrinta wax ku leh Maraykan, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabka, iyo Midowga Afrika oo IGAD ku jirto. Kooxahaas daacad iyo raalli maka noqon doonaan Soomaali wadahadasha?

Waa muuqataa in Farmaajo & Kheyre quddaha ligligga lala heysto. Nin tuur leh waa yaqaan suu u seexdo sidaas darteed Farmaajo & Kheyre baa laga rabaa inay dowladahaas ka soo dhammeystaan in loo daayo inay la hadli karaan kooxaha kasoo horjeeda! Waxaana la rabaa in Kheyre ku dhawaaqo inuu ogol yahay inuu wadahadal geli karo! Laakiin haddii Kheyre soo bowsado halheyska reer Galbeedka iyo Bariga, dhahana “argagixiso” lama hadleynno ama ku hadaaqo halheyskii saaxiibbadii kursiga uga horreeyey oran jireen “dhowr sanaan Shabaab uga sifeyneynnaa gobollada dalka” waxay noqoneysaa jug jug meeshaadii joog dabadeedna sannado kaddib bey madaxtooyada ka huleeli doonaan iyagoon sidii kuwii ka horreeyey waxba u qabsoomin! Sidii horay loo yiri: hal ficil oo intaas oo jeer lagu celceshay ma soo saaro natiijo hor leh!

Horta sideedaba waa in dadka Soomaaliyeed fahmaan oo sida Shabaabka laftoodu sheegeen aysan jirin wax faraq ah oo Farmaajo uga duwan yahay saaxiibbadiisii hore waa marka la fiirsho Shabaab iyo kooxda ISIS ee sheekh C/Qaadir hogaamiyo! Sidaas darteed dumarka iyo carruurta bannaanbaxa ku taageeraya Farmaajo ma aha waxa weyn marka laga hadlayo xaaladda waddanka ku jiro iyo hindisahan wadahadalka ah! Siduu Farmaajo u magacaabay Kheyraba wax badan baa iska beddelay bannaanbaxyadii dumarka iyo carruurtu ku taageerayeen Farmaajo! Waxaa dhici karta in dadkii qabiilkooda u rabay in reysalwasaare loo magacaabo dabadeedna waayey mar dambe dumarkooda iyo carruurtoodu u bannaanbixin Farmaajo.

Waxaan Shabaabka iyo sheekh C/Qaadir u sheegeynnaa inaan hindisahani ka imaan UN, Maraykan, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo ururo kale toona! Wuxuu ka yimid dadkayagan muslimka ah ee Soomaaliyeed een xitaa ku jirin dowladda! Inkastoon nahay muslimiin iska daciif ah haddana xaq baan u leennahay in hindisahan ay naga aqbalaan Shabaabka iyo ISIS ba! Culumo badan baa qabta in Xaddiiska soo socda ee ka hadlaya in dammaanaqaadka Muslimiintu bixiyaan sida iyagoo qof aan muslim ahayn ammaan siiya in loo fuliyo, kuna ku koobneyn keliya dimada ay bixiyaan kuwa Jihaadaya k laakiin ay la qabaan muslimiinta kale. Abu Xaniifa (RC) baa qaba in kuwa dagaalaya keliya ay arrintaas ka go’do! Xaddiiska qaarkiis baa ah:

وذمة المسلمين واحدة ، فمن أخفر مسلما فعليه مثل ذلك

Imaamu Bukhaari (RC) baa wariyey.

Xaddiisku wuxuu kaloo ku yimid qaabkan.

ذمة المسلمين واحدة يسعى بها أدناهم،

Macnaha Xaddiisku waa ammaan-bixinta dadka muslimiinta ah waa isku mid . Micnuhu waa haddii qof muslim ah cid ammaan siiyo waa in loo fuliyo. Ma aha qofka shariifka ah oo keliya ee xitaa muslimiinta iska danyarta ah een badanaa wajiga ku lahayn bulshada dhexdeeda xitaa waa loo yeelayaa. Sidoo kale Xaddiis labada sheekhba wariyeen baa midkood nasoo gaarsiiyey in Nabigu (NNKHA) ku yiri Umu Haani binti Abii Daalib (RC) mar walaalkeed Cali (RC) damcay inuu dilo niman dumaashiyaasheed ah ooy badbaadisay dabadeedna Nabiga (SCW) u dacwootay iyadoo Nabigu (SCW) yiri:

 مَرْحَباً بِأُمِّ هَانِئٍ .. قدْ أَجَرنَا مَنْ أَجَرتِ يَا أُمَّ هَانِئ

Soow dhowoow Umu Haani,  waa xaqiiqo inaan magangelineynno ciddaad magangelisay.

Maaddaama aan ergo nahay, rabnana inaan dhinacyadaas is haya wadahadal loogu yeero ma dhahaynno qaarkood baa gaalaa. Arrintu wadahadal bey joogtaa ee xukun ma joogto, hadday rabaan qaarkood ha gaaleeyo qaarka kale! Sidaas darteed annaga muslimiinta Soomaaliyeed ah baa dimo wadahadal ah siiney dowladda oo Shabaab murtadiin u arkaan sidaas la adligeed waa in Shabaabku xeeriyaan ammaanbixinta shacabka Soomaaliyeed ooy ku dhawaaqaan inay wadahadal ogolyihiin.

Arrinta wadahadalku wax sahlan maaha. Dhanka kale haddii laga fiirshana ma aha wax mustaxiil ah! Sidaas darteed waxaa dhammaanteen la gudboon in loo guntado sidii arrintaas loo bilaabi lahaa. Horta marka Ilaahay deeqdiisa shubo baan rabnnaa inaan arrinta bilownno laakiin waxaan dowladda ka codsaneynnaa in iyagu si dhaqso ah hindisahan uga jawaabaan oo ay ka waantoobaan halheysyadaan kasoo hadalnnay sida lama hadleynno argagixiso ama dhowaan baan gobollada dalka ka sifeyneynnaa! Shabaabka iyo sheekh C/Qaadir waxaan ka filaynnaa saas oo kale.

Mashruucan waa mashruuc Soomaaliyeed. Wuu ka madaxbannaan yahay UN, USA, Midowga Yurub iyo cid kale toonna. Waa inneynnu innagu maalgashanno oo qof walba meeshii kaga aaddan ka qabto. Wey jiraan dad wajiyo badan ku duulla oo marka la damco in wax la qabto la soo istaagaya dacaayad. Qaarkood hadday rabaan daliil Diini ah bay u keenayaan inuusan hindisahan saas u culus ka imaan karin annagoo kale laakiin ka imaan karo oo keliya dad khaas ah! Laakiin waxaan ku leennahay oon maanta booskeedii dhigeynnaa oraahdii ahayd:

أهل مكة أدرى بشعابها

Inshaa Allaahu wuxuu guddigu qoraalkan kaddib arrinta wadahadalka la tegi doonaa golayaaha bulshadu ku kulanto, idaacadaha iyo taleefishinnada. War walaalayaaloow yaa dadka Soomaaliyeed ka mudan inay isagu yeeraan wadahadal Soomaalidaas is heysa?!

F.G. Nasuusta qaarkood waxaan usoo qaadannay iyadoo loo daliishanayo fikirka kooxaha soo kala horjeeda qaarkood ka qabaan kuwa kale ee kama turjumeyso aaraa ay guddiga dhexdhexaadintu qabaan sidaas darteed yaan layska gaarin go’aanno eedeyn ah oon guddigani shuqul ku laheyn!

Guddiga wadahadalsiinta Shabaab iyo dowladda.

Soo-gudbiye qoraal C/Waaxid C/Laahi Khaliif
abdulwahidkhalif@hotmail.com

 

F.G: Fariinta uu xambaarsan yahay maqaalkaan waxuu gooni u yahay qoraha ku saxiixan, sidaas awgeedna AOL wax shaqo ah kuma lahan aragti cabirka iyo ra’yiga qofeed ee loo soo gudbiyo.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.