Home » News »

Dhageyso dhawaqa xabadaha iyo Oromo oo qiratay in ay ku jabtay dagaalkii duleedka degmada Dheeka Suftu

Taariikhdu markay aheyd February 14, 2017 waxaa deegaano hoos yimaada degmada Dheeka Suuftu ee gobolka Liibaan ee dhulka Soomaalida Itoobiya ka dhacay dagaal aad u kharaar oo u dhaxeeyay Oromadii duulaanka aheyd iyo shacabkii Soomaaliyeed ee deganaa deegaanka degmada Dheeka.

Dagaalkaas kaddib, Oromadu waxay baro ay akhbaaraadka isugu gudbiyaan ee ay ku leeyihiin baraha kulanka bulshada iyo mareego u gaar ah (websites) ku sheegeen in dagaalka maalintaas dhacay ay dhinaca Soomaalida ka qeyb qaateen maleeshiyaadka Liyu police ee Kililka 5aad, hase yeeshee, warkaas waxaa beeninaaya dhawaqa xabadaha aan kala go’a laheyn ee dhanka hoose ku jira, waayo ciidamada Liyu police oo ah kuwo si weyn u tababaran ayaa aalaaba ku dagaalama noocyada kala duwan ee hubka (mid culus iyo mid fududba), balse dhawaqa hubka ee hoos laga maqli karo waa mid fudud oo muujinaaya waxa goobta isku fara saaray in ay ahaayeen Oromadii duulaanka soo qaaday iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa deegaanka degmada Dheeka Suftu.

Codka hoos ku jira oo in muddo ah soconaya ayaa waxaa duubay mid ka mid ah Oromadii duulaanka soo qaaday, kaasoo la filaayo in uu ahaa hogaamiyihii ciidamada dagaalgalinayay, waayo waxuu leeyahay “war xabadaha yaanay idinka dhamaane yar-yareysta iyo war ciidanka iska celiya”, aakhirkiina markuu arkay in Oromadii laga taag roonaaday oo la jabiyay ayaa waxuu ku calaacalayaa “Alla, way nagu dul alalaasayaan, war Oromo way jabtay iwm.”

Haddaba, codka oo maanta shaqsi ku sugnaa goobtii uu dagaalka ka dhacay uu AOL usoo gudbiyay waa kan hoose ee dhageyso.

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.