Home » News »

Baaq nabadeed ku socda beelaha ku dhaqan degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Galgaduud

Anigoo ku hadlaya magacayga oo ah cabdinuur cabdulqaadir cabdi waxaan marka hore tacsi murugo iyo tiiraanyo badan xambaarsan halkaan uga dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadkii wax ku noqday iyo kuwii ku dhintay dhibkii arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Haddii aan usoo gudbo baaqa nabaded ee aan u diraayo dhamaan beelaha Daga degaanadda waqooyi ee gobolka galgaduud.

Walaalayaal waxa isku leedihiin Xuquuqo farabadan, oo kala ah;- -Xuquuqdii Islaamnimo,
Xuquuqdii Bini,aadnimo,
Xuquuqdii Soomaalinimo,
Xuquuqdii Jiiraannimo,
Xuquuqdii Ehelnimo & Abtinimo Intaba Illaahay waa idin waydiinayaa markaad hortiisa tagtaan, Diin islaam iyo tu kale Midnina idinma farayso Dagaal & Dhiig la daadiyo.
Walaalayaal Xaq maahan inaad is dagaashaan.

waxaa aad noo dhibtay wax laga xumaadana ah dhiig ruux Muslim ah in sabab la’aan iyo micno la’aan maalin walba dhulka loogu qubo.

dadka miyaa laga waayay wax fikira! dadkii diinta bartay ee culimada ahaa aawaye? aqoon yahannaddii meeye? aaway aradaydii? haween caqli fiyoow iyo dhalinyaro wanaag garanaysa miyeynanba jirin?

Yaan baaq nabadeed u diraa oo i maqlaya?

Waxaa nasiib darro aad u weyn ah dadku inay Qiimihii iyo sharaftii eey ka tageen oo dhaga laga furaystay

Maalin walba waxaan la diraa baaq nabadeed hadan ruuxna meeshiisa kama qaado

Waxaan ugu baaqayaa dadkaas walaalaha ah;

1. Waa in la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo xabadd iyo dagaal dhiig ku daato sababi si shuruud la’aan ah:-

Waxaan ugu baaqayaa, kana codsanayaa qof walba, koox walba iyo beel walba oo Colaadaha ama dagaalada deegaanka ku lug leh, inay ilaahay ka cabsadaan, joojiyaana dagaalka, colaadda, abaabulka iyo waliba gurmadka.

2. Xaaladaha abaaraha ee jira dartood yuusan dhib dambe u dhicin:-

Waxaan walaalaha xusuusinayaa ayadoo abaar dad iyo duunyaba saamaysay bulshada la soo deristay, lana daalaa-dhacayso, inayan suura-gal ahayn in dagaallo khasaaro mooyee aan faa’iido ka imaanayn dad walaalaa oo muslimiin ah ay dhibtoodaan ama ay ku hoobtaan. Sidaas daraadeed waxaan ku baaqayaa in xabbada lugu beddelo samir, dulqaad, wada-hadal nabadeed iyo roob-doon; rabbi danbi-dhaaf iyo naxariisti aan kaga dalbanno.

3. Waa in la kala wareejiyo ama la kala qaado hadii ay jiraan ciidan labada dhinac  is hor-fadhiya:-

Waxaan ugu baaqayaa, kana codsanayaa, dhammaan odyayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degaankaas ka soo jeeda inay sida ugu dhakhso badan u kala dhex-galaan beelaha ama kooxaha colaaddu u dhaxayso, ayna si Allah ka-cabsi iyo daacadnimo leh arrintaas ugu istaagaan (wey-awodaane).

4. Waa in si wada-jir ah looga shaqeeyo sugida amniga magaalada caabudwaaq, degmooyinka ku xeeran iyo guud ahaan gobolka.

5. Waa in gudi tayo iyo macno leh loo magacaabo xallinta dagaalka iyo khilaafka u dhaxeeya labada dhinacyada wada daga caabudwaaq iyo degmooyinka hoos yimaada.

6. Waa in ganacsatada, haweenka, dhallinyarada, odoyaasha, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay qeyb ka qaataan wada-hadalada

Walaalalaal Dagaalka Joojiya, Kana daaya Cadaabta aad ku guraysaan Curadada, ka Daaya Hooyooyinka aad Gablanka ka dhigaysaan, Ka Daaya Caruurta aad Agoonnimada Sababta ugu noqonaysaan, oo Dagaalkana Joojiya

Ugu dambeyntii dhamaan maamulka, odayaasha dhaqanka wax-garadka, culimada, haweenka, dhalinayarada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo cid walboo ay dhiigga joogtada u daadanaya ay damqinayso waxaa ku waajib ah inay raad shaan sidii lagu gaari lahaa xal waara kasoo lagu soo af-jaro dhibaatooyinka hari la’ ee mudada soo laalaabanayay.

NABADA WAA LAGU TARMAA COLAADANA WAA LAGU TIRTIRMAA.

WALAALO ISNACAY WAY XOOLO YARAADAAN WAYNA XABAALO BATAAN

Qoraa: cabdinuur cabdulqaadir cabdi Maxamud
abdinoorabdulqadir45@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.