Home » News »

Wasiirka Amniga Jubaland C/rasiid Janan oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Degmada Luuq.


Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubaland C/rasiid Xasan C/nuur C/rashiid Janan ayaa maanta gaaray Degmada Luuq ee Gobalka Gedo, isgoona shir looga hadlayey amniga degmada iyo deegaanada hoos yimaada la yeeshay ciidamada amisoon ee Itoobiya, odayaal dhaqmeedka iyo maamulka magaalada Luuq, Gudoomiyaha degmada luuq Maxamad Xuseen Cusmaan Ganey oo si diiran u soo dhaweeyay wafidiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado amniga gobalka isla markaasna laga sifeeyaa haraaga kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale Gudoomiyaha iyo wafdigii wasiirka Amniga Jubbland ayaa booqday goobaha caafimaad ee ay jiifaan bukaanada uu soo ritay cudurka shuban biyoodka waxaana Wasiirku uu maamulka iyo gudiga caafimadka ee goobtaas ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa $8000 (8 kun) oo Dollar, waxa uuna sheegay inay deeqdaasi ka timid Maamulka jubbaland.


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.