Home » Faallo, Rayi »

Musuq-maasuqa Qarsoon iyo kan muuqdo keebaa halis badan – W.Q. Ibrahim Aden Shire

Dalka soomaaliya wuxuu ku caan baxay musuq-maasuq iyo wax is dabamarin, wuxuuna dhowr sano ah oo xariir ah qaatay koobka musuqa aduunka. Arintaan maahan  mid ay moogyihiin dadka soomaaliyeed balse waxay u arkaan caqabada ugu weyn ee horumarka iyo amniga dalka haysato inay tahay musuqa baahsan ee ka jira dalka iyo lunsashada xoolaha shacabka ee ay caadaysteen madaxdu.

Balse waxaan lagu baraarugsanayn inuu musuqa hadda noo muuqdo uu yahay mid faaiido leh, halisna yar marki la garab dhigo kan aan inoo muuqan ee saameeyay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Inta aanan u gudbin musuqa qarsoon bal marka hore aynu qeexno waxa la yiraahdo musuq-maasuq.

Musuq-maasuq waa daacad la’aan iyo khiyaamo ay galaan kuwa awooda leh gaar ahaan kuwa ku jiro xafiisyada dowlada iyo adeega dad-weynaha. Wuxuu noqon karaa mid laaluush maaliyadeed lagu kala qaato ama waji garad, macrifo loo maro qof kale iyo nin jeclaysi loogu sad buriyo wax uusan qof xaq u lahayn. Waxaa sidoo kale, musuq ah gudasho la’aanta xil ama shaqo laguu igmaday taasoo ay dhici karto inuusan qof ku qaadan wax maal ah balse uu lunsado waqtigii uu dadka ugu adeegi lahaa. Waa midaan danbe tan aan rabo inaan halkaan kaga hadlo.

Lunshada waqtiga dad waynahu waa mid ka halis badan lunsasho maaliyadeed. Dadku uma arkaan inay tahay danbi xak Eebe, sidoo kale uma arkaan khiyaamo qaran iyo mid dad-weyne toona. Taas waxay keentay in qof walba uu ku tagri falo waqtigii loogu talagalay inuu ummada ugu adeego cid kula yaabtana aysan jirin. Meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan lunsashada waqtigu waxaa ka mid ah isbitaalada dowlada yo kuwa ay ha’adahuhu gacanta ku hayaan (war badan kama hayo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay), iyo dhamaan goobaha wax barashada.

Waxaan sanadkii hore safar gaaban ku tagay dalkeena meelo ka mid ah. Waxaan booqday dhowr dugsi oo kala duwan anigoo waliba sii ogaysiiyay inaan imaan doono barri. Waxaa I yaab galiyay in maamulaha iskoolka ahaa qofkii ugu danbeeyay ee yimaado iskoolka. Sidoo kale, waxaan booqdday mid kale waqtigii laga soo noqon lahaa fasaxa quraacda. Markii ay ardadu kusoo noqdeen fasalada ayna sii amba qaadi lahaayeen casharadooda, macalimiinta qaar ayaa wali sii maqnaa. Wax yaabaha iga yaabiyay ayaa ahaa in maamulaha iyo macalimiinti toona aysan u arag inay wax qalad ah ku jiraan. Markaan isku dayay inaan u iftiimiyo inay musuq iyo is-dhaadhaafis ku hayaan iskoolka, arada, waalidiintood iyo dhamaan dalka, waxay igala hor yimaadeen diidmo iyo dood ah inaan tanoo kale la dhihin musuq.

Bal aan is garab dhigno qof ka shaqeeyo xafiis dowladeed oo laaluush ku qaato shaqadii uu mushaarka ku qaadanayay iyo macalin maalin walba hal saac iyo ka badan lunsado. Kan hore, xigta uu qaatay waxay dib ugu noqon dalka. Waxaa laga yaabaa inuu caruurta dhar, cunto ama wax kale oo daruuri ah oogu soo iibsado. Waxa ugu xun oo uu ku samayn karo waa inuu qaad ku iibsado iyaduna dad unbaa ka faaiidi. Sidoo kale dhibkiisa ilaa xad waa mid kooban oo aan lahayn saamayn xun oo raad fog reebto. Balse macalinka lusaday waqtiga, musuqiisu waa mid aan sinaba faa’iido ku lahayn. Ma jiro dhaqaalo uu kordhinayo. sidoo kale dhibkiisu waa mid cirib danbe xun u leh dadka iyo dalkaba. Waxaa la mid ah dhaqtar aan shaqadiisa imaan iyadoon bukaanku tuban yahay isbitaalka hortiisa lagana yaabo inay qaar u geeriyoodaan la’aantiis. Waqtigu waa lacag sidaa darteed waxay xadayaan waxaa ku jiro lacag labo dhinac ah: mushaar ay qaateen iyagoon shaqo hufan aan qabanin iyo waqtigii dad-weynaha oo ay xadeen.

Wareegtadi kasoo baxday xafiiska waraysul-wasaaraha dhawaan ee lagu cadaynayay waqtiyada shaqada ee shaqaalaha dowlada waa mid tusayso inuu jiro baraarug ku aadan arintaan. Hadii sida loo qoray loo dhaqan galiyo, waxay wax badan ka badali doontaa wax soo saarka shaqaalaha dowlada. Laakiin waxaad moodaa wareegtadu inay la hadlaysay kaliya kuwa ka shaqeeyo xafiisyada dowlada ee aanay xisaabta lagu darin kuwa hayo adeega dad weynaha. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la balaariyo la xisaabtanka shaqaalaga dowlada nooc walba oo ay yihiinba.

Ujeedka qoraalkaan maahan inaan u qiil bixiyo laaluush qaadashada iyo boobka hantida dad-weynaha balse waxaan ooga gol leeyahay in lagu baraarugo inuu jiro mid kasii dhib badan oo nagu habsaday hadana aynan dhib u arag. Waxaa muhiim inaan fahamno in waqti la-lunsaday uu la mid yahay lacag la-lunsaday kana sii dhibaato badan yahay marar badan.

Xadida waqtigu waa xaraam wuxuuna wasaqaynayaa mushaarki aan qaadan lahayn. Wuxuu keenayaa inaan caruurta ku korsano xoolo aan ku kasbanay qaab xaraam ah taasina waxay horseedi caro Eebe ka sokow inay ubadkeenu noqdaan kuwa caasiyaal ah oo aan intifaac lahayn. Wuxuu sidoo kale dib dhac ku yahay dalkeena wuxuuna baabi’inayaa jiritaanka bulshada iyo dhaqanka suuban.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
11/04/2017

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.