Home » News »

Magaalada Kismaayo oo lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ganacsatada soomaaliya.


Waxa magalaada Kismaayo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa lagu soo gunaanaday shir weynihii ganacsatada soomaaliyeed ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga Socday magaalada kismaayo, shirkan ayaa looga hadlaayey arimaha dhinaca ganacsiga soomaaliya iyo u diyaar garowga ka qeybgalka shirka dhawaan ka dhici doono dalka ingiriiska oo ay ku casuuman yihiin madax badan oo ka socda Dowlada Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada iyo waliba ganacsato.

Shirweynahan ayaa waxa iskugu yimid in badan oo ka mid ah ganacsatada soomaaliyeed, kuwaas oo ka kala imaaday guud ahaan Gobalada Dalka, waxayna isla fahmeen xoojinta ganacsiga dalka iyo waliba midnimada ganacsatada dhexdeeda.

Masuuliyiinta jubbaland ee ka qeyb galay shirka ayaa xusay in ganacsiga iyo maalgalintuba keenaan horumar wanaagsan, sidoo kale waxay sheegeen in magaalada kismaayo tahay xarun ganacsi oo u dhaxaysa dhamaan ganacsatada soomaaliyeed.


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.