Home » Archive Daily April 22nd, 2017

Laba Nin oo walaalo ah oo lagu dilay Deegaan u dhow Degmada Dhabad ee Gobalka Galgaduud.

Apr 22, 2017
Demgada Dhabad ee Gobalka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in aano Qabiil loogu dilay labo Nin oo Walaalo ah islamarkaana ahaa dad reer miyi ah oo ayagoo xoolahooda la jooga koox maleeshiyo beeleed kala ah ay dileen. Dadkaan dilka loo geystay ayaa waxay ka soo jeedaan Degaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud kooxihii dilka gaystay ayaa ufakaday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, wararka qaarkood ayaa... 

Caruur aad u yaryar oo ciidamada Kenya ku Xasuuqeen Gobalka Gedo.

Apr 22, 2017
Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobalka Gedo gaar ahaan Deegaanka Ceelwaaq ayaa tuulada Gariley waxay ku dileen Sadex Caruur ah oo aad u yaryar, Caruurtan la xasuuqay ayaa kan ugu weyn dadiisa waxa lagu sheegay 12 sano jir halka kuwa kalana ay kasii yaryihiin dadaas. Mahan markii ugu horeysay oo ciidamada Kenya geystaan xasuuq sidan oo kala ah, ayagoo marar badan laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan... 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada hoose.

Apr 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Taariikhi ah ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo mudo kahor laga xoreeyay Kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha Dowlada ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin Ciidamada qalabka sida waxaana uu Kismaayo u jiraa 45 KM. Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka... 

Digniin: Daawo ama dhageyso Abwaan Nageeye oo Maanso Digniin ah U Diray Farmaajo

Apr 22, 2017
Aftahanimadu waa hibo uu Rabbi qofkii uu doono siiyo ee hoos ka daawo ama dhageyso abwaan Soomaaliyeed oo da’ yar, waa Nageeye Cali Khaliif oo xaqiiqdii la oran karo mar waa abwaan suugaan yahan ah, mar waa suxufi, marna waa aqoon yahan bare ka ah qaar ka mid ah Jaamacado ku yaal geeska Afrika. Haddaba, bal hoos ka daawo ama ka dhageyso Maanso uu abwaanku kula dar-daarmayo madaxweynaha Soomaaliya,... 

Ogeysiis: Waa gabay uu abwaan Nageeye ku sheegay waxa sababay abaaraha soo noq-noqday

Apr 22, 2017
Video-ga hoose ka dhageyso ama ka daawo waxa uu ka yiri abwaan Nageeye Cali Khaliif abaaraha ba’an ee ga’yiga Soomaaliyeed kusoo noq-noqday, iyo qodobo muhiim ah oo uu abwaanku sheegay haddii aanay Soomaalida ka bixin in aanay marnaba macquul aheyn in abaaraha laga baxo.  Read More →

Daawo fanaanadii ugu horeysay ee Af Soomaali ku heestay Shamso Abukar (Gaduudo Carwo) oo fanka ka towbad keentay

Apr 22, 2017
Hoos waxaad ka daawan kartaa, fanaanaddii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo afka Soomaaliga hees ku qaada, taasoo ah Shamso Abukar (Gaduudo Carwo) oo hadda ku nool magaalada Hargeysa ee maamulka la magic baxay Somaliland. Hooyo Gaduudo Carwo oo waa hore ka towbad keentay fankii ay mudada dheer kusoo jirtay oo hadda ah qof da’ ah ayaa waxaa hadalkeeda ka muuqda jaceylka weyn ee ay u qabta umadda...