Home » News »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Germany ahna ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Tr. May 01, 2017
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel oo booqasho ku yimid Muqdisho ayaa waxaa uu ugu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Wasiirka kala hadlay sidii ay Dowladda Jarmalka u noqon lahayd codka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo in Soomaaliya laga taageero dhinaca horumarinta, shaqo abuuridda iyo sugidda amniga dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in Soomaalya ay ku talaabsatay horumar, wuxuuna sheegay in ay Dowladda Jarmalku xiriir dhow la yeelan doonto Soomaaliya. Beesha caalamka wuxuu ku booriyay in ay laba laabto dadaalkeeda ku wajahan horumarinta Soomaaliya.

Wadahadalka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru Dowlada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale.

Muqdisho ka dib, wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalku wuxuu booqday magaalada Baydhaba oo ka mid ah deegaannada ay abaaruhu aadka u saameeyeen.

Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation ppr@mfa.gov.so

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.