Home » News »

Roobab dad iyo duunyo ay ku diirsadeen oo ka da,ay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Saacadahii la soo dhaafey ayaa roobab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen waxay ka kala da’een deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo kuwaasi oo bilahii ugu dambeeyey ay ka taagnaayeen abaabro kulul oo saameeyey nolasha dadka iyo duunyada.

Aden Maxamed Axmed oo ka mid ah Odoyaasha degmada Garbahaarey ayaa Allgedo u sheegay Deegaanada Roobabka ay ka da’een in ay ka mid yahiin: gudaha Garbahaarey, tuullooyinka Caanomaal, Reysqode, Buraa, Ceelgaduud, Qodoxley iyo kuwo kale.

Waxuuna tilmaamay warahii in ay biyo galeen, dadkuna ay bilaabeen tacabka Beeraha, inkastoo uu sheegay Xoolahii weli in ay jilacsan yahiin oo ay adag tahay ka soo kabashada Abaarta.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.