Home » News »

Soomaalidu ma Carab baa mise siyaasada ayaa nala gashay???


Soomaalidu waa dad madow kuna nool qaraada dadka madow ee Africa. Dhamaan dalalka dariska nala ah waxaa ku nool dad madow kuna qanacsan midabkooda iyo asalkooda. Laakiin soomaalidu inteeda badan way ka duwan yihiin dariskooda iyo dadka ku nool qaarada inteeda kale. Inkastoo ay ogolyihiin inay ku nool yihiin Afrika qaarad ahaan, ma ogola inay yihiin dad Afrikaan ah. Waxay isu arkaan inya yihiin carab asal ahaan wallow aysan isku midab ahayn afka carbeedna aysan ku hadal. Hadaba xagee ayay ka timid sheegashada carabnimada? Ma dhabbaa mise waa arin ay bilaabeen dad doonayay inay ku gaaraan mansab iyo maqaam sare?

Ka jawaabida su’aalahaas maahan kuwa fakar lagu salayn karo iyo waxay ila tahay. Waa kuwo baahan cilmi baaris dheer oo ay sameeyaan dad ku takhasusay asal-jinsiyadeedka bulshooyinka aduunka. Inta la ogyahay aqoonyahanada wax ka qortay asaalada soomaalida ma jirto cid tiri soomaalidu carab ayay ka soo jeedaan. Kuwa ugu dhow oo dad midab cad noo dhaweeyay waa kuwa yiri soomaalida waxay kasoo jeedaan qabiilooyinka Barbarka ee daga waqooyiga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro cadaymo badan oo tilmaamayo inay arimo siyaasadeen ay ka danbaysay sheegashada carabnimada. Sida lada ogyahay soomaalidu waa ummad Islaam ah, aadna u jecel diinta iyo dadkeeda gaar ahaan ahlu-baydka suubanaha SCW. Jacaylka Soomaalidu u qabtay Ahlu-baydka waxaa fursad u arkay dad soomaaliyeed oo mansab doon ahaa kuwaasoo gartay hadii ay sheegtaan inay ku abtirsidaan Suubanaha SCW ay heli doonaan mudnaan iyo qadarin gaar ah taasoo u ogalaanayso inay hantaan hogaan bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Waxaad arki kartaa in dhamaan beelaha sheegto carabtu aysan ku abtirsan carab oo dhan ee ay wada galaan banuu Haashim oo ah qoyska uu Suubanuhu kasoo jeedo. Sidoo kale waxaa xusid mudan in beel waliba ay aaminsantahay inay iyadu kaligeed tahay carab Ahlu-bayd ah kuwa kalana u arkaan sheegad qasab wax ku doonayo.

In la sheegto Ahlu-bayd si loogu gaaro dano siyaasadeed maahan mid ay soomaalidu ku kali tahay. Balse wa arin kasoo bilaabatay caalamka carabta soona jirtay muddo qarniyaal ah ilaa maantana jirto. Madaxweynaha Suuriya waxaa uu ka dhashay beel la yiraahdo Calawiyiin. Calawiyiintu waxaa laga wadaa Reer Cali waxaa loogu abtiriyaa Sayiid Cali Abii-Dhaalib. Sidoo kale waxaa quruumihii dhexe xukumi jiray caalamka Islaam dowlad xoog badnayd oo la baxday Faatimyiin tasoo ay ula jeedeen inay kasoo jeedeen firkii faadumo rasuul.

Qaar ka mid ah dad muslimiinta ahaa ee daganaa galbeedka Afrika ayaa iyaguna fursadaan arkay si wacana uga faaiidaystay. Maadaama ay ahaayeen dad madow oo aan sinaba carab iyo ahlu-bayd ku sheegan Karin, waxay raadiyeen qof ay sheegan karaan kana gadmayo bulshada ay la noolaayeen. Sidaa darteed waxay sheegteen inay kasoo jeedaan Bilaan binu Rabaax Mu’adim Rasuulka SCW. Dowladan ku abtirsado Bilaal ayaa ka talin jirtay inta badan galbeedka Afrika waxaana saldhig u ahaa dalka Maali mudo ka badan shan boqol oo sano.

Runtii farsamdaas waxay ahayd mid u shaqaysay dhamaan dadkii sheegtay. Tusaale, taariikhyanada muslimiinta iyo jinsi yaqaanku  waxay la isku waafaqeen inay sheegashada cali iyo faadumo ay ahayd mid laga been sheegay. Gaar ahaan kuwii shegtay faadumo madaxdoodu waxaa la sheegay inaysanba carab ahayn, diinta islaamkana aysan haysan. Suyuudi ayaa ka mid ah culumada diiday islaamnimadooda, kuna dooday inaysan ahayn Khulufu kitaabkiisa Taariikhul Khulafaa. Sidaas oo ay tahay waxay dhiseen dowlad xoog badan oo Masar fadhigeedu ahaa taasoo dadku jeclaayeen, waayo waxaa loo arkayay Ahlu-baydki rasuulka SCW. Sidoo kale, Reer Maali inaysan Bilaal galin inta caqli leh waa ogayd hadana dad weynuhu run ayay u qaateen sidaa darteed waxay taageero buuxdo siiyeen dadki ay u arkayeen inuu dhalay Mu’adimkii rasuulka SCW.

Waxaad moodaa inay reer Maali naga talo fiicnaayeen waayo waxay sheegteen wax laga qaadan karo iyo nin la midab iyo jinsi ah. Isku soo wada duudooboo, wixii ku bilowday owr ku kacsiga ayaa noo noqday asal iyo jinsiyad noo hogaamisay inaan sheegano qowmiyad aysan naga dhaxayn waxaan diinta ahayn.

 

W/Q Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
16/05/2017

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.