Home » News »

Deeq ka timid Adar Foundation oo ay ku Tabaruceen jaaliyada VA/DC/MD oo ku sugan dalka Mareykanka (U.S.A) oo Loo qeybiyey Barakacayaasha Baardhere (Sawwiro)

ku dhowaad ilaa 200 oo qoys una badan Dumar iyo Rag,Wayeelo ayaa
maanta waxaa loo qeybiyey deeq lacageed oo dhan $2000,taasi oo ka
timid Adar Foundation oo ay ku Tabaruceen jaaliyada VA/DC/MD oo ku
sugan dalka Mareykanka (U.S.A) oo Loo qeybiyey Barakacayaasha
Baardhere.

Qoyskiiba waxaa la gudoonsiiyey lacag dhan 200 oo kun oo sh.so,waxaana
goobtii lacagtaasi lagu bixinayey goob joog ka ahaa Gudiga Gurmadka
Abaaraha Baardheere,Culimada,Maamulka degmada iyo waxgarda kale.

Xubnahii ka hadley goobta lagu bixiniyey lacagta kaalmada ah ayaa
waxay ku amaaneen ADAR FOUNDATION iyo  jaaliyada VA/DC/MD oo ku sugan dalka Mareykanka (U.S.A)kaalmada ay soo gaarsiiyyeen degmada
Baardheere,

Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani lacageed  ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu wax ka tari doono noloshooda ,waxuuna ku amaanay ADAR FOUNDATION, sida ay jawaabta ugu bixiyeen  Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey.

Qaar ka mid ah Qoysaskii la siiyey deeqda lacageed ayaa waxay ka mahad celiyeen Gargaarka la soo gaarsiiyey.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.