Home » News »

Qoysas ee ku Barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ee degan Degmada Luuq oo ka cabanaya Daruufo nolol xumo.

Baardheere, Somalia (AOL) – Ku dhowaad ilaa 7 kun oo qoys oo ku barakacay abaaraha iyo Colaadaha ee degan Xeryo ku yaala duleedka degmada Luuq ayaa xilligani waxay ka cabanayaan Daruufaha Qalafsani ee xaga nololsha ah, dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan ayaa waxaa ugu weyn Cunno la’aan, Hoy la’aan iyo adeegii caafimaad oo aad u liita.

Cabdi Daahir Aden waxaa uu ka mid yahay Guddi ay ku midaysan yahiin Barakacayaasha degmada Luuq, waxaana uu Warbaahinta Allgedo uu u sheegay Barakacayaasha luuq oo degan ilaa 12 xero muddo ka badan ilaa 5 sanno in ay wajahayaan daruufo qalafsan oo xaga nolosha ah,barakacayaashani  ayuu sheegay markoodii hore in ay ka kala yimaadeen  deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bay iyo Bakool, ilaa iyo hadda cid si rasmi ah uga caawisa adeegyada xaga nolosha ee ay u baahan yihiin.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.