Home » News »

Diyaaradaha Kenya oo Duqeyn ka geystey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa duqeyn khasaare geystay waxaa ay xaley saqdii dhexe ay ka fuliyeen deegaan hoos taga degmada Baardheere oo ay deganaayeen Qoysas xoolo dhaqato ah.

Duqeynta oo ka dhacday Tuulada Garas Dulan oo qiyaastii 55-km dhanka galbeed kaga beegan degmada Baardheere ayaa inta la xaqiijiyey Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay.

Wariyaha Allgedo  ee gobolka Gedo ayaa soo sheegaya in dadka dhaawaca ah la geeyey Isbitaalka degmada Baardheere,iyadoo dhaawaca mid ka mid ahna uu halis yahay

Deegaanka Garas Dulan waxaa fariisin ku leh dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo weli dhankooda aanay wax war ah kasoo saarin duqeyntan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaaray.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa marar badan waxay sidan oo kale u duqeeyeen deegaanno ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo Gedo iyo Jubbooyinka ah, waxaana khasaare uu soo gaaraa inta badan dadka shacabka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in weerar ay ku qaadday degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ku burburiyeen saldhig weyn oo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Cabdisamad Cabdulahi, Baydhabo/Somalia.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.