Home » News »

Baardheere: Maamulka Gobolka Gedo oo soo dhaweeyey Afurin loo sameeyey Boqolaal Ruux oo Danyar ah ee (Sawwiro)

Baardheere, Somalia (AOL) – Tan iyo intii ay curatey Bisha Ramadaan ayaa gudaha degmada Baardheere waxaa ka soconayey  howl balaaran oo lagu afurinayey  in ka badan 450 Ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar, una badan Qoysas danyar  oo Sooman, islamarkaana aanan haysan waxay ku afuraan, waxaana shaqsi kastaaba la siinayay Raashin karsan oo leh Nooc walba leh iyo sharaab ku filan.

Mashruucan Afurinta ah,oo la soo bilaabay 1dii Bishan Ramadaan ayaa socon doono ilaa maalinta ugu dambeysa ee Bishan, waxaana howshan Afurinta ah degmada ka fulinaya Hay’adda Al-hudaa iyo Dalada Gedo oo iskashanaya.

Saadaq Sheekh Daahir oo ah Gudoomiyaha Dalada Gedo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in howshan Afurinta ah ay ka socoto qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah,waxaana uu sheegay in ay fulinayaan Ururka Iskaashiga Islaamka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan OIC, waxaana maalgelinaya ayuu yiri Xarunta Boqor Salmaan ee qaabilsan Gargaarka iyo Howlaha Bini’aadinimada.

Sh.Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo ah G/Ku xigeenka Gobolka Gedo oo goobjoog ka ahaa Afurin loo sameynayey Dadka danyarta ah ayaa u mahadceliyey  abaabulka afurinta ah ee ay sameeryeen Hay’adda Al-hudaa iyo Dalada Gedo oo iskashanaya, isagoo talaabadani ku tilmaamay mid wax weyn ka tartey gudashada waajibaadka Bisha soon  dadka liita

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galey afurinta ayaa waxay u mahad celiyeen Hay,adda Al-hudaa iyo Dalada Gedo oo degmada soo gaarsiiyey Barnaamijkan Afurinta ah oo ay sheegeen in ay ka faa’ideysteen Boqolaal Ruux oo ay ku adkeyd helista wax ay ku afuraan.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.