Home » News »

AUN Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax) oo dhaawac culus oo maanta soo gaaray ugu geeriyooday Muqdisho

Muqdisho, Somalia (AOL) – Allaha u naxariistee, wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska maamulka Jubbaland, Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax) ayaa ka mid noqday dad maanta naftooda ku waayay qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay.

Warka ayaa waxuu intaas ku darayaa in kaddib markii uu qaraxu dhacay uu wasiirku dhaawac culus kasoo gaaray madaxa, taasoo keentay in lagula cararo Isbitaalka isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, taasoo ugu danbeyntiina keentay in dhaawacaas soo gaaray awgiis uu u geeriyoodo.

Inta la xaqiijiyay tirada dadka maanta ku dhimatay qaraxa ayaa gaaraya 10 qof, ayada oo tiro aanan la sheegina ay ku dhawaacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay saldhiga degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

—————–
Cabdulqaadir Maxamuud, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.