Home » News »

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi Raajicuun. Tacsi ku socota Qoyska uu ka tagay marxuum Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax)

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi Raajicuun. AUN Marxuum Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax) waxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo isku darsaday fir-fircoonaan, howl-karnimo, iyo wadaninimo.

Ma ahan intaas oo kaliya, ee marxuumku waxuu kaloo ahaa nin culimo ah oo diinta Islaamka wax ka yaqaan, ayada oo ey taasina u dheereyd asaga oo intii muddo ah kusoo dhex jiray arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa xaqiiqo ah in geerida naxdinta leh ee ku timid Aw-libaax ey umadda Soomaaliyeed meel ey joogtaba dareemi doonto, gaar ahaana booskii uu ku jiray si weyn looga tebi doono deegaanada gobolada Jubbooyinka.

Rabbi ha u naxariisto marxuum Aw-libaax, Janatul Fardowsana ha geeyo, qoyskii, qaraabadii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka tagayna Samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

Maamulka AOL.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.