Home » News »

Isbahaysiga RAJO oo soo bandhigay liiska magacyo 368 ka kooban oo ka hadli doona aayaha Soomaaliya

Akhriso ama dhageyso liis magacyo ay ku qoran yihiin 368 qof oo horudhac oo uu Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO soo gaarsiiyeen warbaahinta, iyaga oo sidoo kale qoraal ka soo baxay ku sheegay inay wadaan Ololo weyn oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka socda, taas oo looga dan leeyahay raadinta Qaranimada, iyadda oo Qodobadda ugu muhiimsan ay ka mid yihiin.
 
1. In la isku xiro qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
2. In dib loo soo nooleeyo xasuustii Qaranimada dalkeena.
3. In la ururiyo khibrada iyo Aqoonta balaaran ee dadkeenu leeyihiin si loogu diyaar garoobo bad-baadinta Qarankeena.  
4. In dib u heshiisiin dhab ah oo dan gaar ah aan laga lahayn la dhex dhigo Ummadeena.
 
 Dr. Cadow Jimcaale oo u hadlay Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO ayaa u sheegay Warbaahinta in Liiskaan hordhaca ah uu xambaarsan yahay macno fara badan. 
 
“Liiskaan kooban wuxuu tusayaa dhalinyaraddeena awooda, khibarda iyo Waayo-aragnimada faraha badan oo ay Ummadeenu leedahay, waxayna cadeyn u tahay in aysan suura gal markaan noqon doonin in ay sii socoto quursiga lagu hayo shacabkeena oo looga dan leeyahy kaliya in si fudud loo boobo mustaqbalka hantida faraha badan ee dahsoon ee dalkeenu leeyahay.” Ayuu yiri Dr. Cadow Jimcaale.
 
Dr. Jimcaale wuxuu kaloo raacshay hadalkiisi  “Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO  waxa uu dhawaan bilaabi doonaan shirarkii dib u heshiisiinta iyo Badbaadada Qaranka ay horey u balanqaadeen kuwaas oo qof kasta oo Soomaali ah, Wax ku ool ah aan laga xigsan doonin Hadii Alle idmo.”
Halkaan ku dhufo si aad u akhrisato liiska oo dhameystiran oo ku jira (PDF)
 
Video-ga hoose ka dhageyso cod ku jira Youtube:

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.