Home » News »

Tartan Ciyaar kubada Cagta oo Maanta Baardheere ku dhex martey Xulalka Kismaayo iyo Baardheere (Daawo Sawirro)

Waxaa galabta magaalada Baardheere lagu qabtey Tartan Ciyaar kubada Cagta ah oo u dhaxeysay Xulalka Ciyaartooyda degmooyinka Ksmaayo iyo Baardheere, iyadoo Ciyaartani oo ahayd tii ugu xiisaha badneyd ee lagu qabto degmada Bardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno ayaa waxaa ka

qeyb galey dad  ka badan ilaa 3 kun oo ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada Baardheere.

Tartankani oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen Ciyaar xiiso leh ayaa, waxaa taabageliyey Xariirka Kubada Cagta Jubbaland oo taageero ka helaya Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiska Jubbaland iyo  Mashruuca Dalbile, ujeedada Ciyaartani oo wareeg kale lagu qaban doono dhowaan

Kismaayo ayaa ahayd is dhexgalka Bulshada iyo horomarinta Nabada.

Wejigii hore ee Ciyaarta ayaa Ciyaarotydii ku Ciyaareyday  Baardheere waxay dhaliyeen 3 gool, iyadoo kismaayana ay dhalisey hal goo oo keliyal,balse wareegii labaad ayaa Ciyaartoydii ki ciyaareysay Magaca kismaayo oo la yimid isbedel ayaa daqiiqadahii ugu dambeeyey waxay

dhaliyeen 3 gool oo deg deg ah, taasi oo keentay in Ciyaarta at xilligii loogu tala galey ay ku dhamaatey 4 gool oo ay dhaliyeen Ksmaayo, halka Kooxdii Baardheerena ay la yimaadeen 3 gool,sidaasina at guusha ku raacdey ciyaartoydii ka socotey Xulka Kismaayo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa gudoonsiiyey Koobkii Ciyaartoydii ka socotey degmada Kismaayo, isagoo u mahadceliyey Ciyaartoydii ka kala socotey xulalka labada Magaalo oo uu ku amaaney ciyaar wanaaga ay la yimaadeen.

Sidoo kale Mas,uuliyiintii kale ee ka hadashey xaflada loo qabtey Ciyaartooyda ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Nuur Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere, Sh. Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G/ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo iyo Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiska Jubbaland.

Ciyaarta  galabta lagu qabtey Garoonka  kubada Cagta ee degmada Baardheere oo ahayd tii ugu balaarneyda ee ka dhacda degmadan muddo badan 30 sanno, waxayna  ku soo beegmaysaa xilli garoonka dhismahiisa la soo gaba gabeeyey bartamahii bishii afaraad ee sanadkan, taasi oo

suurta gal ka dhigtey in tartamo heer degmo iyo mid Gobol  lagu qabto.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.