Home » News »

U mahad celin wadaniyiinta ku bahoobay Midnimo Qaran iyo Dhaq-dhaqaaqa Qabyaalad diidka (ATM) – WQ. Aden Colujoog

February 8, 2017 oo aheyd maalintii la doortay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa noqotay mid Soomaaliya bog cusub u furtay, waayo, umadda Soomaaliyeed oo muddo Rubuc Qarni ah kusoo jirtay dowlad la’aan iyo bur-bur baaxad weyn leh kaddib, waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal iyo dibad, gaar ahaan kuwooda da’ yarta ah garwaaqsadeen in mushkiladda Soomaaliya oo dhan uu aas-aas u yahay Qabiil si xun loo qabyaaladeeyay.

Maalmo ka hor inta aanay doorashada madaxweynaha dhicin, mudadii ay socotay doorashada iyo guushii madaxweyne Farmaajo kaddib ayaa waxaa si isdaba joog ah u dhacayay dhacdooyin aanan wali taariikhda Soomaaliya loogu arag wixii ka danbeeyay dhaq-dhaqaaqyadii xornima doonka Soomaaliya.

Dhacdooyinkii la yaabka laha ee soo bilowday wax yar ka hor inta aanay doorashada madaxweynaha dhicin ilaa iyo haddana socda ayaa waxaa ka mid ah: dhaq-dhaqaaqii xisbiga TAYO oo ay ku midoobeen siyaasiyiin wadani ah (populist movements) ee uu hormuud u ahaa mudane Farmaajo, aqoon yahano, xildhibaano, culumaa’u diin iyo dhalinyaro ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibadda, kuwaasoo si weyn isha ugu hayay natiijada kasoo bixi doonta doorashadii madaxweynaha ee ay ku tartamayeen musharaxiin dhowr ah, isla markaana doonayay in uu tartanka kusoo baxo mudane Farmaajo.

Waxaa la oran karaa, guushii taariikhiga aheyd ee madaxweyne Farmaajo lagu doortay waxaa aas-aas u ahaa kacdoon salka ku hayay rabitaan bulsho, gaar ahaan da’ yarta ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibaddaba.

Bulshada Soomaaliyeed oo la amba qaadeysa isbedelka taariikheed ee ay bulshooyinka caalamka ku talaabsanayaan, kana faa’ideysanaya adeegsiga teknolojiyada casriga ah ee dhanka isgaarsiinta (modern communications technology) ee ay ugu horeeyaan kuwa baraha kulanka bulshada (social media networks) sida:  Facebook, Twitter, YouTube, Instagram & etc, ayaa waxay intooda badan si aan kala har laheyn isu garab taageen dowladooda, halka dhanka kalena ay goobahaas lagu kulmo si waji gabax leh ilaa iyo hadda uga soo dhex muuqanayaan tiro yar oo la oran karo waa “ujeedo laawe-yaal” borabogaandooyin raqiis ah la daba socda dowladda curdunka ah ee durbaba kasbatay quluubta inta badan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan, halkaana aan jeclahay in aan si weyn ugu mahad celiyo, difaacayaasha dowladda wax tarka leh ee dalka Soomaaliya ka curatay oo ah dhalinyarada wadaniyiinta ah ee ku bahoobay Golaha Midnimo Qaran (GMQ) oo aanan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin oo figradahooda kusoo bandhiga rugta ay ku leeyihiin Facebook ee ah:  https://www.facebook.com/MidnimoQaranKds/

Inkastoo aanan bog iyo laba toona lagu soo bandhigi karin shaqsiyaadka wax ku oolka u ah bulshada Soomaaliyeed, haddana waxaa kale oo aanan hilmaami karin in aan qormadaan ku xuso Dhaq-dhaqaaqa Qabyaalad diidka – Anti-Tribalism Movement (ATM) ee uu website-koodu yahay http://theatm.org, kuwaasoo had iyo jeeraale isku taxluujiya sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu baraarujin lahaayeen fool xumada iyo dhibaatada ay qabyaaladda leedahay iyo wanaagga iyo wax tarka ay Qaranimada iyo midnimadu leeyihiin.

La soco qormada labaad oo aan kusoo bandhigi doono magacyo shaqsiyaad gaar ah oo aanan ku xirneyn Urur gaar ah, balse aan qabo in ay yihiin wadaniyiin bulshada wax ku ool u ah loona baahan yahay in aanan la hilmaamin.

Qormadaan waxaa soo diyaariyay: Aden Colujoog oo ah wariye madax banaan (freelance reporter). Aden waxaa lagala xariiri karaa email: adencolujoog@yahoo.com, ama barta twitter-ka @adencolujoog


Hoos ka daawo wariye Jamila Jama (JJ) oo daadihineysa barnaamij gaar ah oo uu Somali TV soo diyaariyay looguna magac daray Midnimo Qaran, ayada oo (JJ) qudheeda ay ka tirsan tahay dhalinta ku bahowday Midnimo Qaran.

Hoos ka daawo muuqaal Video qaar ka mid ah dhalinyarada ku bahoobay ATM oo macneynaya waxa uu ujeedkoodu yahay.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.