Home » Faallo »

Hardanka Lacag Daabacashada iyo Saameynta uu ku yeeshay Puntland

Sidii dowladdii Siyaad Barre u burburtay, waxaa Somaliya ka jiray tartan daabacaad lacagaha ah. Dad badan baa waxay ku doodaan in lacagta ay duugoobayso. Sidaa daraadeed ay muhiim tahay in la sameeyo lacag. Dowladdii KACAANka waxa ay uruurisay lacagtii duugoowday si ay u gubto. Uma suuroobin oo tii uun baa lagu soo fasaxay ka dib burburkii.

Lacagtii Caydiid ee dowladdiisii Sal-Ballaar.

Intii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre, waxaa ugu horreeyey lacag la daabaco General Caydiid. Lacagta uu daabacay waxa ay ahayd oo keliya KUN-ka Shillin (Kunaa u weyn Kunaa u yar, Makki X. Banaadir). Waxaa igu maqaalo ah in uu qandaraaska daabacaadda la siiyey Darmaan oo ka taajiray.Warshaddaas lacagta daabici jirtay waxaa burburiyey MAXAAKIIMta. Illaa waa dhoweyd wuxuu sheegan jiray Madaxweynaha Somalia.

Lacagta uu daabacay, waxaa laga diidi jiray Puntland oo ay ku oolli jirtay dekedda keliya oo ay Soomaali wax kala soo degi jireen kana dhoofsan jireen. Marka waxa ay ahayd, haddana tahay, suuqa ugu weyn oo loo beec-geeyo waraaqaha ku tilmaaman inay yihiin LACAG. Lacagta Caydiid waxa ay lahayd calaamad gaar ah. Waxaa ku saxiixnaa qof aanan ahayn kii ku saxiixnaa KUN-ka Shillin ee Kacaankii. Sidaas daraadeed, waxa ay ka socon jirtay oo keliya Koonfurta Somalia. Puntland, si ay u joojiso, waxaa dadka lagu jajuubin jiray, caga-jugleyn jiray inaysan qaadan Karin lacagtaas. Lacagta Caydiid wax badan bay ka tayo fiicneyd waxa hadda la daabacayo. In kastoo aysan lahaan jirin BAC-da diilinta ah ee gudaha lacagaha ku jira, misana tayada waraaqaha waxay wax badan ka wacnaayeen tan Somaliland uu Cigaal daanacday.

Lacagta LAANDka ee SOMALIAND

Waxaa u suuro gashay Dowladdii Cigaal in ay daabacdaan lacag. Lacagtaasi waxa ay martay BANGIGA DHEXE. Waxa uu Cigaal u dejiyey qiime. Marka uu ka soo xareynayey Shacabka waxa uu ugu qiimeeyey sidatan hoose:

Qofkii keena 200,000ShS waxaa la siinayaa 20,000ShL ah.
Si kale haddii loo dhigo wuxuu ku yiri shacabka “waxaa la jarayaa hal EBER”. Arrinkaas oo u hir galay illaa imminka.

Giimbaarta SHILIN Soomaaliga iyo Burco.

Markii uu Cigaal daabacday lacagta LAAND-ka loo yaqaanno, waxaa laga diiday isticmaalkeeda magaalada Burco oo iyadu fallaago joogto ah ku ahayd SOMALILAND iyo QADDIYADDA. Waxaa ku yaal suuq weyn oo ku xiran Puntland iyo KILLINKA SHANAAD. Sidaa daraadeed, waxa ay ku kahsbanaayeen isticmaalka Sh Soomaaliga. Laakiin, waxa ay keeneen caqli! Waxa ay diideen wixii ka yar SHAN-BOQOL (500) ee Kacaankii. Waxa ay hal mar ka gurteen suuqyada Boosaaso (oo ah magaalada ganacsiga ugu weynaa berigaas). Waxaa hal mar suuqyada laga waayey lacagtii yaryareyd sida 50, 100 iyo 500. Lacagtaasu waxa ay xakameyn jirtay qiimaha sarrifka. Shaaha waxaa lagu cabbi 300ShS berigaas. Haddaad 500 u dhiibto, waxaa laguugu soo celinayaa 50ka ama 100ka. Hal mar baa waxaa qiimihu isku beddelay in 500 la siisto shaaha. BURCO, qiimaha sarrifka wuxuu noqday inuu noqdo mid aanan dhaafin 1,500ShS sababtoo ah waxaa culeyska u yeelaayey GIIMBAARTA. Giimbaarta waxay can ku ayad in aanan xirmada la kala furi jirin. Waxay can ku ahayd oraahda ah “ha tirin”. Mar haddaad tiriso oo ay dhimmanaato adigay kaa dhimman tahay. Marka waa inaad sideeda u gudbisaa.

Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland iyo Federaalka

Madaxweynihii hore wuxuu u diray wafdi sare oo uu hoggaaminaayey Xasharo waddanka Malaysia si uu ganacsi ula soo furo shirkad daneyneysa GANACSI ay la yeelato Puntland. Xasharo wuxuu ka soo dhaadhiciyey in ay u sameeyaan Puntland lacag FAALSO ah. Lacagtii u horreysay waxaa lagu keenay dayuurad uu lahaa Khaliif Ciise Mudan. Lacagtii ay soo sameeyeen waxaa lagu bixin jiray mushahaarka shaqaalaha. Dowladdu iyadoo lacagta qalaad, DOOLLAR-ka, ka soo galaan meelo badan bay misana ku bixin jirtay lacagta Shillin ka lagu soo daabacay MALAYSIA adeegyadeeda yaryar. Taas waxa ay faa’ido weyn u noqotay rag la shaqeysan jiray Cabdullaahi Yuusuf oo xeyndaabkiisa ku jiray. Lacagtaas waxaa laga diiday Koonfurta Somalia. Iyagu waxa ay qaadan jireen tii Caydiid sameeyey oo weli adkeysi fiican leh. Suuqii baa mar qura kacay oo sicir-bararkii ugu horreeyey markaas baa la dareemay. Illaa markii dambe la joojiyey. Mararka qaar uma xisaabsaneyn waraaqaha loo soo iibiyey oo waxaa suuqa ku jirtay in raga qaar ay iyagu qaadan jireen. Wiil baa jiray xattaa xoogaa isku dubba rittay oo dibadda ku dhoofay.

Markuu Madaxweyne ka noqday TFG, ayaa ugu horreysay in la daabaco. Waxaa laga soo daabaci jiray Malaysia oo waxaa sidoo kale keeni jiray isla Khaliif. Dollar-ka ayaa loogu diri jiray Baydhabo oo markaas ay dowladdu degganayd. Diyaarado badan ka dib oo iska daba yimaada, waxa ay shacabka Puntland dareemeen culeys aad u weyn iyo suuqa oo aan fadhin. Suuqa mar hadduu muddo meel ku negaado, waxaa u sahlanaan jirtay ganacsatada in badeeco la soo degaan. Marka uu khalkhalka yimaadana ay xareysan jireen labada lacagood hadba tan markaas qiimaha leh.

Daabacaaddii Gudaha PUNTLAND ee lacagta.

Xilliguu Cadde Madaxweynaha ka noqday baa waxaa la beddelay fikraddii oo waxaa rag u sawirantay in ay WARSHADDA la yimaadaan gudaha Puntland oo Meesha ka saaraan “middle-man”! Waxaa warshadda lacagta lagu rakibay guri ku yaalla xaafad Boosaaso ku taalla. Waxaa loo qabtay waardiyayaal badan. Berigaas waa xilligii baqdintu ka bilaabatay Puntland. Waxaa heshiis wada galay Cadde oo Puntland Madaxweyne ka ah, ganacsato iyo shirkadda DAHABSHIIL oo u qaabilsaneyd SARRIF. Lacagta la daabaco waxaa loo qabtay hool weyn oo u dhow Dahabshiil. Hal mar baa sarrifka lacagta wuxuu gaaray heerkii ugu sarreeyey berigaas, 42,000ShS halkii Doollar. Mudaaharaadyo badan baa ka dhacay geyyiga oo gilgiley dowladda oo dhan. Wuxuu Golaha Wasiirradu isku raacay in la xiro warshadda.

Hadalka Cabdullaahi Siciid Samatar.

Ganacsatada warshadda iska leh waxay ka dhaadhiciyeen Dowladda in Dubai lagu celiyo. Markii Dekedda Bosaso laga dhoofinaayey, wuxuu General Cabdullahi S. Samatar ka sheegay goorbta hadal aad u cajab geliyey bulshada.
“Sameynta lacagta in badan oo Golaha Wasiirrada ku jira waanu ogayn in aysan XAQ ahayn in shakhsi shacab ah uu daabacdo lacag ee taasi ay leedahay oo keliya dowlad. Kulligayaga (Golaha Wasiirrada yacnii) isku si’ uma aynaan arag qaddiyaddaas. Waxaa nagu jira kuwo badan oo u arkaayey khalad. Maadaama aynu Dowladda ka tirsannahay ay khaldkaas ku kaceysay, waxaba kama aynaan qaban Karin”

Xilligii FAROOLE 

Shantii sano ee uu joogay Faroole wax isku day ah oo lacag lagu sameynayo ma jirin. Waxa uu ku guuleystay in dhaqaaluhu noqdo mid fadhiya. Waa xilligii ugu fiicnaa DHAQAALAHA Puntland. KALSOONIDA Ganacsatada aad buu u sarreeyey. In kastoo cillado kale ay jireen sida CANSHUUR qaaliyowday oo ka sara martay Dekedda BERBERA *sababtay in ganacsato badan u wareegto). Dhaqaalaha aad buu u fadhiyey muddadaas uu xilka hayey. Wuxuu ka dhigay canshuurta in qeyb ka mid ah lagu qaado Dollar inta kalena Shillin.

Soo noqoshadda WARSHADDA ee Xilliga Gaas.

Markuu Madaxweynaha ku guuleystay Cabdiweli Gaas, waxaa u furantay fursad ganacsatadii lahayd warshadda. Waxa ay la xiriireen Madaxweynaha oo ka dhaadhiciyeen in ay soo ceshaan. Waxaa markaan ku soo biiray rag kale oo fududeeyey lacag sameyntaas.

Warshado kale oo IS-GAAD GAAD ah.

Waxaa makiinado kale la dhigay CADAADO iyo Waqooyi meel ka mid ah. Waxa ay daabacaan lacagta Sh Soomaaliga ah. Waxa ay dhuumaaleysi ku soo gashaan suuqyada Puntland. Waxa ay ku soo aaddiyaan xilliga ay Puntland daabacdo lacagta. Warqad ahaan waa isku mid tan Puntland. Waxa uun ay ku kala duwan yihiin xagga midabka warqadda oo ka yara MADOOW. Haddii ay taas sixi lahaayeen sinna looma kala garteen. Si ay u difaacdo lacagteeda, Dowladda Puntland way la dagaashay lacagtaas. Meelo badan baa Shacabka loo soo bandhigay iyadoo la gubayo. Baabuurta ka yimaada xudduudaha baa ku soo qariya badeecadaha kala duwan ee ay sidaan.

Diidmadii Lacagta ee SHABAAB (Hiiraan).

Ganacsiga ugu weyn ee Puntland waxa ay kula jirtaa Hiiraan iyo Galgaduud. Waxaa is daba mara dhoofka XOOLAHA laga keeno Hiiraan iyo badeecada u noqota. Waxaa Shabaab ay amar ku bixisay in aan la qaadan Karin lacagta ay Puntland daabacdo. Shabaab waxay amar ku bixisay in dhulka ay xukumaan ee Hiiraan iyo Galgaduud aanan laga isticmaali Karin lacagtaas. Beddelkeeda waxa oggolaatay isticmaalka EVC (HORMUUD Money transfer). Sida la wada ogsoon yahay, Shabaab waxa ay horay u mamnuucday isticmaalka lacagtaas. In kastoo markii dambe ay khasab ku noqotay in ay fasaxdo si ay howlaheeda ugu fushato.

SHACABKA Puntland ee DULMANAHA ah.

Waxaa hadda sidii hore oo kale galay ciriiri nolosha kumanaan qof oo reer Puntland ah oo ka xamaasha, shaqeysta ama laga soo biilo dibadda Somalia. Waxay sababsatay mudaaharaadyo joogto ah oolagu diiddan yahay lacagtaas oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn oo dhan. Sarrifka ugu badan waxaa isticmaala QAADKA iyo DEKEDDA. Dekeddu waxay 80% ku qaadataa Doollar inta kalena ShS. Halka Qaadku uu Malaayiin Doollar sanadkii dibadda u dhoofsho. Marka culeyska iyo dheellitirkii inuu dhumo waxaa sababay lacagtaas la sameeyey.

Lacagta CUSUB ee FEDERAALku damacsan yahay inuu soo Daabaco.

Waxay Dowladda Federalka hadal hayaan daabacaadda lacag cusub oo Soomaali ah. Magaca loo bixin doono iyo qiimaheeda baa weli dood ka taagan tahay. Laakiin waxaan la iska indha tiri Karin in iyadoo lacagtii suuqa gashay weli la daabici karo in aysan sahlaneen in la yiraahdo “waa la XAREYNAYAA lacagtii hore”. Marka si taas looga gaashaanto waa in ay Puntland xaqiijisaa in la soo wareejiyo warshadda daabacda lacagtaas.

Mabda’a ku xeeran in qof ama shakhsi daabacan karo lacag ay habar maskiin ah oo qorraxda u fadhida siday u korsan lahayd in waxa ay shaqeysato uu qof kale u ROGTO waraaqo waa wax ka weyn qof kasta oo FIKIR u saaxiib ah.

Rage Abdulkadir Mohamud
Puntland Somalia Garowe
hayaan30@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.