Home » News, Rayi »

Damacii Raila ku raadinayey Madaxeynanimda Kenya oo soo idlaaday

Kenya waxay taariikh u leedahay khilaaf dhanka doorashada, laga soo biloobo markii dalku qaatay nidaamka xisbiyada badan bilowga 1991-kii waxaana ilaa xiligaa dalka ka qabsoomay  lix doorasho oo ay u tartamayeen in ay ku hantaan xukunka dalka Odinga Odinga oo wiilkiisa Raila Odinga.

DEC, 1992- Waxaa tartamay Danial Arab Moi, Kibabki, Raila Aabihiis Odinga Odinga, Keneth Metebi oo galay kaalinta labaad, iyo musharixiin kale oo dhamaan ka socday xisbiyo kala duwan, waxaa doorashadaas ku guulaystay Arap Moi, waxaase ka dhashay rabshado iyo in ay mucaaradku qaadaceen, waxaase sheekadu ku dhamaatay in xaalku caadi ku soo noqodo maalmo kadib.

29, Dec, 1997 Doorashadii dhacday waxaa ku guulaystay Danial Arap Moi, waxaa ku xigay tiro ahaan Mawai Kibaki, Charty Inguli, Raila Oding, waxaa sidoo kale ka dhashay rabshado dad ku dhinteen, balse ma sii socon rabshadahaas.

27, Dec, 2002– Doorashadii la qabtay waxaa si weyn ugu guulastay Mawai Kibaki oo helay 62% guud ahaan cododkii la tiriyey, wuxuuna doorashadaas hogaaminayey isbahaysi ka kooban dhamaan qabiilada Kenya dega, Riala wuxuu qayb ka ahaa isbahaysigaas, waxaa tiro ahaan ku xigay Uhuru Kenyata, ma jirin wax rabshado ama diidma ah oo ka dhacay, waana doorashadii ugu xalaal sanayd ee dalkaa soo martaa ilaa markii uu xornimada qaatay.

30, Dec, 2007- Waxaa ku guulaystay  mar labaad Mawai Kibaaki, Waxaa ku xigay Riala Oding, waxaa si cad loogu shubtay doorashadaas, waxaana halkaas ka dhashay rabshado ay ku geeriyoodeen 1200 qof, halka 600,000 qof ay ku barkaceen.

04, March, 2013- Doorashadii dhacday waxaa ku guulaystay sida ay cadeeyeen gudiga doorashoyinka Uhuru Kenyata, oo helay 50.5% dhamaan cododkii la dhiibtay, waxaa  qaadacay natiijadii ka soo baxday mucaaradka oo uu Raila hogaaminayey oo helay 49%. 

08, Agust, 2017- Doorashadaan waxaa aad loo saadalinayey in xisbigaan talada haya ee Jubilee uu dib u soo noqonayo qiimo kasta oo ay ugu kacayso, waxaana jira heshiis ay wada galeen Wiliam Ruto iyo Uhur Kenyata kaas dhigaya in Uhuru lagu taageero qabashada xilka labo jeer oo sharciga dalku ogolyahay. halka marka sadexaad la soo sharaxayo Wiliam Ruto, waxaa arinkaas u gogol xaaray in qaab farsamaysan doorashada loo galo oo xataa hadii la dhaco aan la fahmi karin madaama u yahay qaab electoronic ah. Waxaa sidoo kale meesha ka muuqatay in Jubilee ku guulaysteen inay beesha caalamka oo korjoogto ka ahayd doorashada ay ku qanciyaan in doorashadan si xalaal ah u dhacday.

Ra’iila Aaabihiis Odning Odinga wuxuu geeriyooday isagoo ka miro dhalin riyadiisii uu ku doonayey inuu noqdo madaxweynaha Kenya, markii aabihiis geeriyooday kadib Raila Odinga ayaa meeshaas ka sii waday riyada Aabihiis, Raila oo hada 72 sano jir ah ayaa sida uu qorayo Dastuurka Kenya qofka haduu gaaro 76 sano inuusan isu soo sharixi karin madaxweynanimada dalka, taas oo ka hor istaagaysa Raila Oding inuu tartan u galo doorashada dhici doonto 2022. Sidii horey u soo dhacday mararbdan taageerayaasha mucaaradku waxay samayn doonaan rabshado socon doono dhowr maalmood.

Maxaa Raila Odinga ka hor istaagay inuu madaxweyne Noqdo?

  1. Markasta wuxuu la tartamaa xisbiga talada haya, oo leh awoodo uu ku hanan karo in dib loo doorto wada kasta ha u mare, madaama uu gacanta ku hayo dhaqaalihii dalka iyo siyaasadii, Kenyana waa dal musuq maasuqu aad u sareeyo, arintaas waxay sababtaa in loo isticmaalo doorashada awood xad dhaaf ah iyo khiyaabo qayaxan.
  2. Arinta labaad ayaa ah in doorashada Kenya ay ku salaysan tahay hab qabiil, waxaana arinkaas ka dheehan kartaa doorashaan caawa lagu kala baxay ayaa Raila Oding wuxuu ka helay magaalada reerkiisu dagaan ee Kisumu codad gaaraya 97%, taas waxay cadaynaysaa in qabiilkaas oo dhan ay isaga taageersan yihin, halka Kukuyo iyo Kalanjiin oo la isku daray ay ka codeeyaan 6,000,000 oo qof, waana shaki la’aan in 90% cododkaas ay aadeen  dhanka Uhuru Kenyata, waxaana aad ugu fudud musharax helay codod noocaas ah inuu qabiilada kale oo Soomaalidu ugu badan tahay uu ka helo inta dhiman.

Fikir ahaan waxaan aaminsanahay in Kenya dadkeedu aysan xamilin karin rabshado, iyo mudaharaadyo iska socda, maxaa yeelay waa dad 47% ah faqiir xoogsato ah, mana awoodi karaan mudo todoba maalin ah in aysan helin waxay Ugaali ku iibsadaan, waxaan aad u rajaynaa in ay ku qanci doonaan natiijada Uhuruna la siin doono waqtigiisa.

Diraac Fagaase
dhoodi222@gmail.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.