Home » News »

Wasaaradda Arriamaha Dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Cabdiraxmaan Jaamac Barre


Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre


Muqdisho, August 16, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Abdirahman Jama Barre oo hore u noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumaddii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.

Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa Wasiirka lixaad (6,aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo ku siman 11 sano, waxa uu u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
ppr@mfa.gov.so

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Wasaaradda Arriamaha Dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Cabdiraxmaan Jaamac Barre "

  1. بسم الله الرحمن الرحيم

    Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre Allaha u naxariisto, qoyskiisana Samir ka siiyo. Dr. Cabdu Al Raxmaan wuxuu ahaa saaxiibkay iyo seedigay. Waxaan isku klass ahayn 1953 skoolka dugsiga hoose ee “Cardinal Massaia” oo kaddib loo bixiyay “Macallin Jaamac” ee Muqdisho, kana soo horjeeday Teatarka Qaranka. Kaddibna wuxuu u wareegay “Scuola Magistrale” oo macallimiinta lagu diyaarin jiray, kaasoo ku oolli jiray Xamar Jabjab, kana soo horjeeday albaabka dekedda Muqdisho. Kaddibna wuxuu macallin ka noqday Buur Hakaba, halkaasoo uu aabahay Qaalli ka ahaa. Halkaasuu walaashay ku guursaday oo saaxiibnimadii xididnimo ku kordhiyay. Saaxiib iyo seedi ka fiican noloshayda ima soo marin.
    Kaddib labadeennuba waxaan jaamacad u tagnay dalka talyaaniga, isaguna magaalada Padova aniguna Roma.
    Markaan dalka ku wada noqonay wuxuu ii doortay inaan, anigoo markaas dalkaba ma maqan, inaan noqdo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Bonn, dalka Jarmanka Galbeed.
    Waxaan la shaqatynayay 1980-1994 (Anigoo 1990 – 1994 ku wareegay Jaamacadda Dawladaha Carabta oo noqday safiirkeeda, Nairobi, kaddibna UNO ee Vienna).

    Wasiirku wuxuu ahaa nin shaqaalaha iyo danjirayaalkaba caddaalad iyo waji furan ku dhaqa, shaqadoodana u fududeeya.
    Subax walba halka saac oo aroornimo, intayan shaqadu bilaaban wuxuu xafiiskiis ku shirin jiray Agaasimayaalka Guud ee Wasaaradda, warbixinna ka siin wixii tan iyo shalay adduunka ka dhacay, go’aannaday dawladdeennu gaartay, hadday markaas jiraan, safiirrada shisheeyey oo uu madaxweynuhu tan iyo shalay la kulmay iyo waxay isku yiraahdeen, wararka ka yimid safaaradeheenna dibadda fadhiya, safiirrada qorshaysan inay maalintaas isaga iyo Agaasimayaasha Guud la kulmaan iyo mawqikay dawladdeennu ka qabto ajeendooyinka dawladahaas, iyo xaaladda dalkoo idil.

    Wuxuu ahaa nin masaakiinta iyo dan yarta u roon, umuurtoodana u quma. Hal tusaale oo uu isaga laftiisu iiga sheekeeye wuxuu ahaa sidatan:
    “Maalin ayaa waxaa xafiiska iigu timid, waana markaan shaqada ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo aan shaqaale hoose ahay, haweeney aanan ayada iyo cidday tahahay midna aqoon u lahayn waxayna igu tiri:
    “Caruurbaa guriga ii joogta, maantana waxaan dabka u saaro oo ay ku qadeeyaan ma hayo.”
    Waan ka naxday warkeeda, markaasaan intaan khasnajiga wasaaradda u tegay ayaan lacagtii mushaarkayga wax kasoo amaahday, oo intaan bakh-shad ku riday xafiiska kusoo laabtay oo aan gacanta u geliyay. Kaddibna ayadaan waday oo aan khasnajiga u geeyey una sheegay inuu bil walba mushaarkayga intaas iyo intaas ka siiyo. Waa dambe ayaa afar irdoodka dukaan ku yaalla galay, aan doonayay inaan wax ka gato, markaasay haweenta gadaysay waxay i tiri:
    “Ma i taqaannaa” anna aan maya iri. Waxay tiri:
    “Waxaan ahay haweenta maalin hebla xafiiskaaga kuugu timid oo aad sidaas iyo sidaas u wanaajisay. Bil walba lacagtaad ii qortay caruurtaan ku korsaday, curadkaygana jaamacad ayaan u diray oo uu dalka talyaaniga wax kusoo bartay oo uu hadda noo shaqeeya.”

    Tan iyo waagaan isku klaaska ahayn ee 1953 ma aanan arag isagoo salaadi ka tegeyso oo salaad walba waqtigeeda ayuu ku tukan jiray, ha joogo dalka gudihiisa ama dibaddiisa, ama ha fadhiyo Golaha Wasiirrada ama Baarlamaanka.

    Wuxuu ahaa nin muslin ah oo Ilaahay ka baqa oo, Quraan akhris bandanna. Shaqaalaha wasaaradda qabiil kuma dhiqi jireen, oo Agaasimayaasha Guud iyo la taliyeyaalkiisa waxaa ku jiray qabiil kasta. La taliyihiisa dawladaha carabtu wuxuu ahaa nin Habargidir ah oo danjire ah oo Cayr ka sii ah; midkiisa dawladaha galbeed waxay ahaayeen rag Dhulbahante ah; amxaaro iyo Kenya iyo Afrikaba waxaa u qaabilsanaa nin danjire ah ee Majeerteen/Maxamuud Saleebaan ah. Dhammaantoodna waxay ahaayeen rag inhere garato ah oo cilmi sare wada leh oo wadaniyiin wada ah..
    Wuxuu jeclaa oo xiriirin jiray carabta iyo dawladohooda, uuna aaminsanaa inay soomaalidu dhammaan wada carab tahay. Danjirayaalkana waxaa magacaaba madaxweynaha.
    Wuxuu ahaa nin soon badan, mana arag nin soomaaliyeed oo dawladda ku jira oo intaas sooma.

    Wuxuu ahaa waddani, oo wuxuu jeclaa dalkiisa oo uu daafici jiray, amxaarana wuuu necbaa, inay dhulna naga haysato, dad soomaali ahna gumaysato.

    Wuxuu ahaa geesi aan hadalka la biqin, ha la hadlayo muslin ama gale, boqorro iyo madaxweynayaal iyo wasiirro shisheeye iyo kuwo kaleba. Mar walba danta Soomaaliya ayuu hor marin jiray.

    Waxaan Cabdu Al Raxmaan aqiinnay in 60 sano ka badan, wuxuuna ahaa nin muslin ah oo fiican. Shabiga soomaaliyeed nin baa ka baxay!

    Allaha u naxariisto, jannada fardawsana geeyo. Ilaahuu ka biqi jiray wuu wanaajinayaa inshaa’a Allaahu.

    Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
    Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\
    Sabti 27 Thoo Al Qacdahذوالقعدة\ 1438 Hijriiهجري\/19 Agoosto 2017

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.