Home » News »

A/Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo la kulmay Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda USA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta la kulmay Elizabeth Shackelford oo ah Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka (U.S. Mission to Somalia).

Labada masuul waxa ay kawada hadaleen horumarka baaxadda leh ee muddo aad u yar gudaheed laga gaaray arrimaha Dastuurka gaar ahaan dhanka latashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ka qeybgelin loo dhanyahay ee ku aadan hanaanka dib u eegista Dastuurka.

Mudane Zubeeyr oo warbixin ka siiyay Elizabeth hawlaha ay Wasaaradda qabatay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diiradda saartay sidii loo heli lahaa fikradaha shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, islamarkaana Wasaaraddu ay sameeysay kulamo wadatashi ah oo qaarkood ku qaabsoomay caasimadaha Dawlad Goboleedyada.

Elizabeth waxey aad u bogaadisay dadaalka ay Wasaaradda wado taasoo aad u soo jiidatay dhammaan indhaha iyo niyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, sidoo kale waxa ay sheegtay in shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona dabayaaqada bisha September magaalada New York ee dalka Mareykanka qeyb ka mid ah looga hadli doono arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Elizabeth iyo Safaaradda Mareeykanka ee Soomaaliya sida ay u daneeynayaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Ministry of Constitutional Affairs
media@moca.gov.so

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.