Home » News »

From Kaayaneey to Kansas: Wax ka baro Hayyaankii Axmed Caafi


Axmed Maxamed Caafi (Axmed Gaaruf), shaqsi ku dayasho mudan.


Axmed Caafi wuxuu geel ku raaci jiray buuraha waaweyn ee loo yaqaan Kaayaneey ee ku yaal gobalka Gedo. Wuxuu tababar ku tagayaa jaamacadda caanka ah ee Kansas ee ku taal dalka Maraykanka. Arintaasu mucjiso nabi iyo karaamo awliyaad maahan ee wuxuu ku gaaray keynaan kabaallo jabis ah.

 

 Inta aanan billaabin qoraalka, waxaan jeclahay inaan iraahdo ujeedka qoraalkaan maahan in lagu ammaano Axmed Maxamed Caafi (Axmed Gaaruf) ama lagu dhaliilo. sidoo kale, maahan mid lagu caan bixinayo si uu wax ugu helo ee ujeedka qormadaan ayaa ah in uu tusaale u noqdo dhalinta soomaaliyeed ee duruufaha adag ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qormadan qalbi furan oo diyaar u ah inuu barto casharada ficliga ah ee noloshu bixiso.

Axmed Maxamed Caafi waxuu ku dhashay meel aan ka dheerayn miyiga ‘Seere’ oo ka tirsan deegaanka Ceel-gaduud ee hoostago Garbahaareey. Meesha u ku dhashay waa miyyi, reerkooduna wuxuu ahaa reer miyyi xoolo dhaqata reer guuraa ah. intii dalku nabadda ahaa, Axmed qaraabo badan oo wax haysata kuma uusan lahayn magaalooyinka waaweyn ee dadku aadi jireen sida Xamar, waalidkiina dadaal uma galin inay helaan cid ay daranyo uga dhigaan wiilkooda si uu wax ugu soo barto.

Waalidkiis wuxuu u ahaa wiil yar oo ay u toog hayeen inuu mar un si buuxdo ula wareegi doono dhaqidda xoolaha. Sida dadka kale ee ay ood-wadaagta ahaayeenba, waalidkii waxay ku hammin jireen in ay mar un arkaan Axmed oo geel kurusyo waawayn oo darmo qabo ka darmiyay dowda Diggaal.

Waalidku arrintaa kuma uusan qaldanayn oo waxa ay yaqaaneen waxa ugu fiican ayaa ahaa in uu noqdo waxtar dhiniciisa aysan wadaanta  ka liicin, taasoo mustaqbalka u horseedi doonto tabcidda geel badan oo bahdiisu ku faanto.

Si hadafkaasi ay uga dhabeeyaan waalidkiisa waxay Axmed oo aad u da’ yar daba-dhabe ooga dhigeen geel horweyn ah. marki uu noqday mid ku filan qaadida dhagalka iyo dhalada sunta geela loogu kaydiyo, ayuu Axmed hir kale u bidhaamay. wuxuu ku hamiyay inuu meesha isaga tago aadana meel uu ku baran karo  Qur’aanka kariimka ah oo aad ugu weynaa qalbigiisa.

Subax ayuu ka dhuuntay geeli lagu ogaa, safar dheer, guuro-bahalayn iyo silic rafaad ka dibna wuxuu gaaray Buurdhuubo oo uu qaraabo tiisa ah ku ogaa. Halkaas ayuu ka bilaabay Qur’aanka iyo iskooladdi qaxootiyada ee loo yaqaanay AAT. Nasiib darro, waqti yar ka dib, dowladdi ayaa dhacday dantuna waxay ku qasabtay inuu reerkoodi iyo miyigii dib ugu laabto.

Sanadki 1993-di ayuu maqlay sheekh kutub ka aqriyo Ceel-cadde oo aan ka dheerayn deegaanki uu ku noolaa. sidaas ayuu Ceel-cadde ku yimid oogana mid noqday xertii ugu horaysay ee hoos fadhiisatay Sheekh Xuseen Ibraam Axmed-Nuur Allaha dhowree. 1994-ti, sheekha iyo xertiisiba oo Axmed uu ku jiro ayaa usoo wareegay dagmada Garbahaareey.

Imaatanki Garbahaareey, Axmed waxay u ahayd dhib iyo dareen kusoo kordhay noloshiisa, sababtoo ah kuma uusan lahayn qaraabo dhow oo uu la noolaado. Ma uusan haysan waalid maal qabeen ah oo halkiisa lacag ugu soo diro. Sidoo kale, ma uusan lahayn qaraabo dibadda u jirtay oo taageero u fidiso. Wuxuu wajahay nolol xerownimo ah iyo ku tiirsanaasho reero qalaad oo iyaga qudhoodu aan jeeb waynayn.

Habayn-qadka, arradka iyo diifta dhaban ku taalka ah waxay noqotay qayb noloshiia ka mid. Dhakkafaar iyo dhafar joogta ah oo ay keentay dhinaca dhulka diiday, dhibaato awgeed, ayaa hareeyay noloshiisa. Hase yeeshee walaahowgaas ma uusan noqon mid kala dhantaalo hiigsigiisi, hoosna uma dhigin himmadiisi saraysay.

xanuunka xagaaga waxaa ilowsiiyay ujeedkiisi ahaa inuu maalin noqdo sheekh caalim oo xambaaro cilimiga sheekha uu la joogay markaas. sidaas ayuuna ku waday ilaa uu wada xambaaray culuumti carabiyada ee sheekhu aqrin jiray sida naxwaha iyo sarfiga. Axmedna wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee sheekhu ijaazada siiyay (u fasaxay in uu bare ka noqon karo cilmigaas.)

Sanadihii uu ku jiray barashada carabiyada, Axmed niyadiisa kama bixin inuu helo aqoon kororsi kale. wuxuu jeclaa inuu barashada diinta ku daro midda maadiga. Nasiib darro, deegaanka uu ku noolaa maahayn mid wax-barasho ka jirto. waxay ahayd meel indhaha isku haysata si ba’anna ay u saameeyeen dagaaladii sokeeye. ma lahayn iskoollo wax laga barto marki laga reebo mid hoose/dhexe oo caruurta da’da yar lagu baro Soomaaliga. Axmed samir ayuu dugsaday halkiisi ayuuna rabbi ku sugay ilaa laga soo gaaray 2001-di.

waxaan xasuustaa maalinti uu ii yimid horaanti 2001-di isagoo xog doon ah. Waqtigaas waxaan qol yar ku dhigi jiray luuqada Ingiriiska oo aan anigu naftayda aqoon badani u lahayn balse aan go’aansaday in afarta eray ee aan aqaanay usii gudbiyo kuwa aan afartaba aqoon ee jecel inay wax bartaan maciin kalana aanan haysan.

Axmed markii uu ii yimid, wuxuu i waydiiyay su’aal yaab leh taasoo ahayd, Ma u malaynaysaa inaan baran karo luuqadda Ingiriiska? Su’aasha Axmed waxaa ka muuqatay in ay barashada luuqadda Ingiriisku la ahayd mid aad u adag, suura-galnimadda in la bartana ay tahay mid cariiri ah. Fakarka ceynkaas ah Axmed kali kuma ahayn ee wuxuu ahaa mid si baahsan wadanka ooga jiray ilaa maantana caqabad ku ah dad badan oo wax baran lahaa.

Duruufaha adag ee ku xeeran gayiga soomaaliyeed, waqtiga seegay yaraanti iyo dhiiri galin la’aanta hayso dhalinta ayaa dad badan ku qasabtay in ay aaminaan in aysan gaari karin hadafkooda inta ay ku nool yihiin deegaan xaalkiisu sidaas yahay.

Waxaan ugu jawaabay: haa waad baran kartaa, waliba adiga oo kale ayaa ugu fiican qof barta, waayo waxaad taqaan carabiga iyo naxwadiisa, luuqaduhuna waa isa-shabahaan. waxaan intaas oogu daray in aan caawin doono haddii uu diyaar yahay. Maalintaas ayuu Axmed soo diyaar garoobay, buug cad iyo qalinna soo qaatay.

Hayyaankii dheeraa ee uu Axmed usoo galay wax barashada waxay dhashay miro dhaxal gal ah oo u horseeday maqaam sare iyo magac taariikhda galay. Wuxuu noqday aqoonyahayn dhinac walba ka dhisan, madax sare oo maamulo tiro dad ah. Tusaale, Maanta wuxuu haystaa labo ‘Degree’ oo midna diini tahay midna maadi tahay. wuxuu xafidsanyahay Qur’aanka kariimka ah. Wuxuu madax ka yahay hay’ad uu isagu asaasay taaso ay u shaqayso in ka badan afartan qof isla markaana  gargaar u fidiso kumannaan dad ah.

waxay in badan oo inaga mid ah bad iyo birriba u jeexaan inay mar un Maraykan tagaan, wuxuu isagu tagay isagoo wato baasaaboor Soomaali ah oo fiise looga saaray caasimadda Soomaaliya. Waxa lagu casuumay aqalka cad ee maraykanka waxaana fursad loo siiyay in uu la kulmo madax badan oo Maraykan ah iyo hay’ado ka badan boqol iyo konton. Dhammaan hadafyadi uu lahaa, haday ahaan layad aqoon, maal, magac, ama dhoofid wuxuu xaqqiijiyay isagoon dhinac u dhaafin Soomaaliya.

Sida ka muuqata fiidiyow kooban oo dhawaanahan lagu baahiyay baraha bulshada, nin ka mid ah dadka ugu magac dheer dalka maraykanka oo la yiraah Gen. Myres, ayaa ka sheegay shir lagu qabtay Washington oo ay kasoo qayb galeen 1500 hoggaamiye in Axmed uu tusaale fiican u yahay aragtida fog ee dhallinta hoggaamiyayasha da’da yare e Africa. Waxuu yiri: ‘Axmed waxuu hadda ku hamminayaa in uu xaqiijiyo Soomaaliya oo xasilloon, midaysan, xooggan, madax bannaan oo barwaaqa-sooran ah’’. Waxuu intaa ku daray ‘ Axmed, waan kaaga mahadcelinaynaa himmadaada iyo dadaalkaada’’. Hoos ka eeg lifaaq.

https://www.facebook.com/cnajiib.aar/videos/1128150720655494/

                                                   Maxaan ka baran karnaa?

Ka guul-gaarida ujeedooyinkaadu waxay rabaan dadaal, dulqaad iyo adkaysi. sadex arimood ayaa sal u ah guusha uu gaaray Axmed:

Kow: in uu lahaa han sare. himmadaada oo saraysa waxay sababaysaa inaad u adkaysato wax badan oo aan ku qaban, qaarkoodna ihaano iyo foolxumo yihiin. Hadii aadan lahayn himma sare waxaad ku raali noqon soor maalin aad cuntay iyo shaxaad nin kula mid ah ku siiyay.

Labadadaal: Dadaalku waa saldhiga guusha. ma jiro qof xaqqiijin karo hal hadaf oo qur ah dadaal la’aan. Dadaalka laga hadlayo maahan mid dhowr maalin aad oraday ama wax isku dayday ka dibna aad ka caajistay ee waa inuu noqdaa mid joogta ah oo aysan joojin karin bir iyo buur toona.

Sadex, waxaad heli karto horta meel saar. ma jirto meel aduunka ku taal oo aysan waxba oolin, waxa aduun yaal ayaa kala badan ee Eebe meel uusan wax dhigin ma jiraan. Axmed isma uusan oran waxbarasho meeshaan ma taal ee wuxuu ku dadaalay inuu barto wixii yaraa ee ka ak dhawaa, iyadii ayaana u furtay waddooyin cusub. Dadka Axmed oo kala ah waxay ahaayeen tiro aad u yar. inta badan dhalintu waxay isku qanciyeen inuu waqtigu ka hiiliyay, waqti qaldan ay ku dhasheen meel qaldan, noloshuna ay ka hiilisay. Sidaa darteedna aysan jirin waxay qaban karaan, waxayna isu dhiibeen duruufaha ku xeeran.

Sideed sano ka dib, ayaan tagay Garbahaareey 2009-ki.. Waqtigaas, Axmed wuxuu u shaqaynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxuna qaadanayay mushaar fiican. Waxaan la kulmay oo aan xog waraystay nin dhalinta magaalada ka mid ah oo sidii aan ooga tagay magaalada ugu sii nagaa. Warran maxaa iiga kaa danbeeyay ayaan waydiiyay?

Wuxuu ku jabaaway “maxaad iga waraysanaysaa wataa Axmed Gaarufki cimaamada dhusuqa badan wadan jiray oo masaajidka gaajada kula dhici jiray kun doolar igu dulqaadanayee! aduunka caynkaas ah ayaan ku noolahay”. Saaxiibkeey hadalkiisa waxaa ka muuqatay in uu eedaynayo aduunka uu joogo iyo waqtiga ay kusoo aaday noloshiisa balse aysan u muuqan in dadaal xumadiisu meesha dhigtay.

Waxaan ugu jawaabay: ‘Axmed sababta uu cimaamada dhusuqa badan u watay carrada masaajidkana u fadhiyay ciyaar maahayn ee wuxuu isu diyaarinayay inuu gaaro meesha uu maanta joogo, adiguna waagaasna waad joogtay howsha uu ku jirayna waxaad u arkaysay mid lugooyo ah oo aan laga lib gaarayn. Wali fursad ayaad haysataa ee masaajidka horay u gaar, ayaan ugu soo koobay’’.

waxaan ooga tagayaa qof walba oo farriintaan aqriyo “… qayrkaa darajaduu helay, dayaxana ha gaartee, Rabbi kaama daahine, dadaal gaari doontide”. 

Talo ku socoto Axmed Caafi

Axmed waxaan leeyahay noqo sidii Cumar Ibnu Cabdi-Caziiz. Wuxuu yiri Cumar waxaan leeyahay naf jamasho badan waxay jamatana aan ka seexan ilaa ay ka dhabayso. Waxaan jantay inaan guursado Faadumo Cabdi-Malik waana ku guulaystay, ka dib waxaan jantay inaan guddomiye ka noqdo Madiina (magaaladi nabiga SCW) waana ku guulaystay, ka dib waxaan jantay inaan noqdo khaliifka Muslimiinta iyadiina waan ku guulaystay oo haddan hayaa, hadda waxay naftaydu jeclaatay Janno jidki aan ku tagi lahaa ayaana ku dadaalayaa.

Axmadow Eebe waa kugu guuleeyay in badan oo ka mid ah waxaad jamatay. waxaad xaqqijisay hadafyo badan hadana waxaad leedahy kuwo kasii sarreeyo kuwii hore ee kan ugu sarreyo ha noqdo kuu ku khatimay Cumar. Jidka aad u marayso Jannada ha noqdo u shaqaynta diinta, dalka iyo taakulaynta dan yarta.

W/Q Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.