Home » News »

Taariikh noolaleedkii Xalaawi Waadi Jaamac oo galabta ayada oo 110 sano jir ah ku geeriyootay Muqdisho

Allaha u naxariistee, Xalaawi Waadi Jaamac, oo qiyaastii ayada oo 110 sano jir ah galabta Muqdisho ku geeriyootay, ayaa subixii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan jabay lugtii ay kasoo bilowday deegaanka Ceelgaab oo hadda ka tirsan gobolka Qorraxey ee Killilka 5-aad ee dhulka Soomaalida Itoobiya ku timid gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya

Allaha u naxariistee, Xalaawi Waadi Jaamac ayaa sanadku markuu ahaa 1921 ayaa ayada oo qiyaastii 10 sano jir ah waxay gayiga Ceelgaab oo ka tirsan gobolka hadda loo yaqaan Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, horayna loo oran jiray “dhulka Howdka, keyd”, ama “Reserve Area/ the Ogaden or Hawd”, kasoo hayaantay ayada oo aad u da’ yar, waxayna lug ku timid gobolka Gedo oo ku yaal koofur galbeed Soomaaliya.

Hooyadaan oo ay socdaalkaas dheer ku wehliyeen aabaheed Waadi Jaamac Xuseen, hooyadeed Cusubo Cashir Samatar, adeerkeed Colujoog Jaamac Xuseen iyo qaar kale oo ka mid ahaa qoyska reer Jaamac Xuseen ayaa kasoo huleelay deegaanka Ceelgaabta ee ay ku dhasheen ayaga oo xoolo badan oo isugu jiray saddexda adduunyo halkaas uga soo tagay goor barqo ah ayada oo aanan wali ooda laga rogin, afkana soo saaray arla Gedo.

Inta aanan guda galin dhibkii weynaa ee ay qoyskaan kala soo kulmeen socdaalkaas dheer ee lugta ahaa ee ay isaga soo talaabeen lixda gobol ee maanta loo yaqaan Qorraxey oo ka tirsan Killalka shanaad ee dhulka Soomaalida Itoobiya, gobolka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Bay, kuna yimaadeen gobolka Gedo, aan yara dul istaago sababta keentay in uu qoyskan oo aanan xiligaas wadan gaadiid ay kusoo jid maraan lug kaga yimaadaan masaafo sidaas u dheer.

Waa maxay sababta keentay hayaanka iyo barakaca qoyskan?

Sida muuqata, hayaanka qoyskaan reer Jaamac Xuseen ay uga yimaadeen mid ka mid ah deegaanka Ceelgaab ayaa waxaa keenay kaddib markay indhahooda ku arkeen halyeygii weynaa ee Soomaaliyeed, Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo lasoo jabiyay uu dhex maray goobtii ay deganaayeen asaga oo baqo ah.

Subaxa uu qoyskaan go’aansaday in ay kasoo guuraan deegaanka Ceelgaabeed ee ay ku dhasheen, una dal doorsadaan deegaan aanay aqoon oo aad uga fog oo ah Gedo, ayaa noqotay subax murugo leh oo aan sina loo hilmaami karin.

Subaxaasi, waa markii uu jabay Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa hogaamiyihii weynaa ee taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka galay, waa subixii uu damay nuurkii iyo ileyskii mustaqbalka geyiga Soomaaliya, waa subixii ay qabiilooyinkii sida weyn u taageersanaa halgankii Sayid Maxamed Cabdille, isla markaana uu asagu difaac iyo gaashaanba u ahaa dhabarka ka jabeen, waa subixii ay gaalada iyo gaala raacii dagaalka kula jiray Sayidka guuleysteen, waana subixii qoyska reer Jaamac ee dugaashan jiray Darwiish iyo awowgood Sayid Maxamed Cabdille ay si hal-haleel ah uga soo ruqaansadeen arlo Ceelgaab una soo jiheysteen geyiga Gedood!.Xalaawi Waadi2

Inkasta oo aanan hal bog iyo laba toona lagu soo koobi karin dhibkii ay qoyska reer Jaamac Xuseen kasoo mareen safarkii dheeraa ee ay soo mareen, bal aan in yar ka xuso dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ay lasoo kulmeen intii ay safarka kusoo jireen.

Subaxa ay go’aansadeen in ay soo guuraan, dhamaan saddexdii adduunyo oo aad u badnaa oo xareysan ayaa waxay kasoo qabsadeen laba rati si ay maqasha ugu rartaan, haddii loo baahdana ay dhexda ugu sii qashaan iyo laba qowsaar oo xoolaha u raaci jiray.  Qoyska waxaa la socday wiil yar oo aabahey la dhashay oo la oran jiray Daahir Colujoog Jaamac oo 13 jir ahaa, kaasoo sida uu hadda ka hor aabahey ii sheegay uu daaf indha ka tuuray (blind.)  Waxaa la sheegay, inkasta oo aanay sababta rasmiga ah cadeyn, intii lasoo baqanayay ee dhexda lagu soo jiray in uu wiilkaas lumay, ilaa iyo haddana lama oga meel uu ku danbeeyay.

Waxaa kale oo la shegay, in intii dhexda lagu soo jiray ay is af-dhaafeen labadii nin ee qoyska reer Jaamac geedi galinayay ee isla dhashay oo kala ah: Colujoog Jaamac Xuseen iyo Waadi Jaamac Xuseen, kuwaasoo isfahanwaagoodii uu isu badalay gacan ka hadal, dabadeedna xabad uu Colujoog Jaamac ku riday walaalkiis Waadi Jaamac ay gacan ka haleeshay oo ay jajabisay.

Sida ay noo sheegtay AUN marxuumad Xalaawi Waadi Jaamac, in intii ay socdaalka kusoo jireen ay si aad u adag ula kulmeen oon iyo baahi, taasoo keentay in ay soo dhacaan lo’ ay leeyihiin dadka dega wabiga Shabeele dhinacyadiisa oo la yiraahdo “reer Shabeele”, kuwaasoo inta ay ka daba yimaadeen qoyska lo’dii kasoo ritay ayada oo aanay halkaasi cidina wax ku noqon.

Sidoo kale, safarka inta lagu soo jiray, waxaa ka war helay xukuumaddii Talyaaniga ee xiligaas ku sugneyd gobolka Hiiraan in qoyskaan oo hubeysan ay arlo Hiiraan ku jiraan, kuwaasoo intay soo raadiyeen labadii qori ee ay wateen ka qaatay.

Waxay sii socdaanba, qoyska reer Jaamac Xuseen waxay gaareen magaalada Luuq dhinaciisa Bay, halkaas oo sida ay marxuumad Xalaawi noo sheegtay ay u cid dirsadeen eheladooda gobolka Gedo uga soo horeysay oo markaas ku sugnaa deegaanka Daawo ee gobolka Gedo.

Allaha u naxariistee, nin ay marxuumad Xalaawi magaciisa ku xustay wareysi kooban oo lala yeeshay oo ay tiri marka uu na maqlay in aan Luuq joogno buu Rati noogu soo raray dhiilo caano ah oo Luuq nooga hor keenay, dabadeedna asaga ayaa halkaas gacanta naga qabtay oo dhinaca Gedo, gaar ahaan deegaanka Daawo na geeyay ayaa Rabbi ha u naxariistee waxaa la yiraahdaa Cali Sharmaake Foodey Xuseen Xeyle (Cali Madaxey), oo ah Reer Axmed, Reer Baale, Reer Xuseen Xeyle; waxuuna qabay Allaha u naxariistee marwo la oran jiray Cawrala Jaamac Xuseen oo eedo laxmi ah u aheyd Xalaawi Waadi Jaamac.

Allaha u naxariistee, Xalaawi Waadi waxay cimrigeeda intiisa badan kusoo qaadatay baadiyaha gobolka Gedo, waxaana aad u yareyd inta ay magaalo joogtay.

Waxaa la filayaa, in qoyska ay Xalaawi Waadi ka ka dhalatay ee reer Jaamac Xuseen ee jabkii Sayid Maxamed Cabdille kaddib Gedo usoo guuray in uu yahay qoyska kaliya ee Mareexaan ee la oran karo waxay ahaayeen kuwii ugu danbeeyay ee kasoo carara colaadihii ka socday geyigii uu Sayid Maxamed ka talinayay una soo dal doorsaday arlo Gedo.

 

Allaha u naariistee, marxuumad Xalaawi waxay ifka uga tagtay caruur ay dhashay iyo kuwo ay sii dhaleen oo aanan tiro ahaan la ogeyn inta ay yihiin.

Rabbi marxuumadda ha u naxriisto, Janatul Fardowso ha ugu bishaareeyo, kitaabkeeda gacanta midig ha ka siiyo, qabriga waasac ha uga dhigo, su’aalaha qabriga ha u fududeeyo, dambigeedana ha dhaafo, samir iyo iimaana haka wada siiyo dhamaa qoys, qaraabo iyo asxaabtii ay adduunka uga tagtayba.  Aamiin.

——————

Aden Colujoog, AOL – Muqdisho/Somalia.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.