Home » News »

Xalaawi Waadi Jaamac oo 110 sano jir ku dhimatay

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi raajicuun. Allaha u naxariistee, waxaa fiidnimadii caawa oo ay ay taariikhdu tahay, Qamiis, August 31, 2017, saacadda Muqdisho markay aheyd 10:00 pm, magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee marxuumad Xalaawi Waadi Jaamac oo jirtay ugu yaraan da’ ah 110 sano.

Marxuumadda ayaa muddo 10 maalmood ah la dhul jiiftay xanuun aan la ogeyn waxa uu ahaa, taasoo keentay in ay galabta u geeriyooto.

Geerida marxuumadda ayaa waxaa la ogeysiinayaa ehelkeeda, qaraabadeeda iyo cid kasta oo taqiinay, waxaana Rabbi eedo Xalaawi uga baryayaa in uu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyska iyo qaraabada ay ka tagtay meel ay joogaana samir iyo iimaan uu ka wada siiyo.

 

Aden Colujoog, AOL – Muqdisho/Somalia.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.