Home » News »

Dagaal xoogan oo ka socda gudaha magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo

Gudaha magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa hadda ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamadii amniga degmada ee halkaas ku sugnaa.

Dagaalka ayaa waxuu ku bilowday kaddib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar gaadmo ah magaalada kusoo qaadeen aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah.

Dagaalka oo ilaa iyo saacaddaan la joogo oo uu waqtiga Balad-xaawo yahay 7 am wali si xoog leh uga socdoa gudaha magaalada Balad-xaawo ayaa xoogagga ay dirirta u dhaxeyso waxay isu adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca iyo hubka waaweyn oo dhawaqooda si weyn looga maqlaayo gudaha iyo agagaarka degmada Balad-xaawo.

Warar aan sugneyn oo naga soo gaaraya gudaha Balad-xaawo ayaa sheegaya in inta badan magaalada ay hadda gacanta ku hayaan maleeshiyada weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.

Dagaalka oo wali si kulul uga socda qeybo ka mid ah gudaha magaalada iyo waqtiga oo wali ah aroornimo hore awgeed, lama oga inta uu dhan yahay qasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Maxamed Cabdi Salaad, Doolow/Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.