Home » News »

Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo ku dhalliley Madaxweynaha Jubbaland inuu kaga baxay balan qadyo xilligii uu ku sugnaa Gobolka Gedo (Dhageyso Wareysi)

Ugaas Maxamed Ugaas XasanYarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa ku dhaliiley Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu kaga baxay balanqaadyo uu la galey Odoyaasha dhaqanka Gobolka, xilli dhowaan Odoyaasha iyo waxgarad kale  kulan ay kula qaateen degmada Dolow ee Gobolka Gedo.

Ugaas Maxamed oo u wareysi siiyey Warbaahinta ayaa  tilmaamay Balanqaadyada uu uga baxay Madaxweyne Axmed Madoobe in ay ka mid ahaayeen in shaqada lagu soo celiyo Diyaad cabdi kaliil oo ahaa Taliyahii Saldhiga Booliska degmada Luuq oo shaqada uu ka fariisiyey Wasiirka Amniga Jubbaland, taasoo uu sheegay in ay u arkaan mid sharci daro ahsharci daro ah.

“Waxaa nasiib daro ah kulankii aan la yeelanay madaxweynaha ee aan isku afgaranay taliyahaasi inuu shaqadiisa dib ugu laabto in madaweynaha isagon arintaasi wax ka qaban uu ka tago gobolka, islamarkaana uu aado Kismaayo.  Waxaa kale oo wax lala yaabo ah in aan maqalney Col. Diyaad in loo masaafurinayo Muqdisho, taasi ma ahan wax aan aqbali doono, waayo sharci dhigaya ma jiro in muwaadin Soomaaliyeed oo aan dambi lahayn laga masaafuriyo deegaankiisa”, sidaasi waxaa yiri Ugaas Maxamed Ugaas XasanYarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso codka Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo dhameystiran.

 

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere – Soomaalia.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.