Home » News »

Muhiim: Akhri 200 sano ka hor Isfahan la’aantii ka jirtay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Mareykanka oo si weyn ugu eg halka ay maanta Soomaaliya mareyso

Kala saaridda awoodaha dowladda dhexe iyo tan gobolada
“Separating Powers between the Federal Government and the States”



Turjume: Aden Colujoog, qoraa madax-banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.


200 oo sano kor, dalka Mareykanka ayaa waxuu ahaa mid uu ka jiro marxalad jahawareer ah (chaotic state) kaddib kacaankii Mareykanka.

Sida uu dhigayay sharcigii midowga, dhamaan saddex iyo tobankii gobol ee Mareykanka ugu horeeyay ee midoobay (Confederate States), ayaa ahaa kuwo uu xiriirkooda aad u hooseeyo.

Waxay ahaayeen sidii ay ahaayeen saddex iyo toban gobol oo kala madax banaan, kuwaasoo uu mid walba howlahiisa siduu rabo u qabsan jiray.

Goboladaasi waxay ahaayeen kuwo mid walba uu leleyahay nidaam iyo dastuur isagu uu sameystay oo u gaar ah, kuwo sameystay nidaam dhaqaale, ganacsi, canshuur iyo xataa nidaam lacageed ayaga u gaar ah, kuwaasoo ay yareyd in ay aqbalaan awaamiirta uga imaanayay dowladda dhexe.  

Xildhibaanadii gobolada (State Congress) oo arrimahooda hoose ku qanacsan ayaa waxay caqabad ku noqdeen isu socodkii iyo kala badalashadii ganacsiga gobolada kale, taasoo aakhirkiina keentay in uu socon waayo xiriirkii ganacsi ee u dhaxeeyay gobolada.

Sidoo kale, dowladdii dhexe ayaanan awood u laheyn in ay si habsami leh u koontaroosho maamul goboleedyada.

Mar kasta oo uu waqtiga sii socdaba, nidaamkii hore ee gaboobay ayaa waxuu noqday mid qatar ku ah deganaashaha iyo horumarka wadankaan yar.

In badan oo Mareykan ah ayaa waxay u arkayeen halka ay mushkiladda adag ka jirtay in ay aheyd daciifnimadii midowga (the weakness of the confederation.)

Waxay u maleynayeen marba haddii uu Midowga daciif yahay, in ay taasi keeni karto qatar dalka uga imaada in uu qeybo u kala jajabo, taasoo ay keeni karto faragelin uga imaada shisheeye iyo cadaadis gudaha ah.

Waxay dadku dalbadeen in la sameeyo isbedel dhanka dowladda ah iyo in la dhiso dowlad dhexe oo xoog leh.  Dowladani oo ay majaraha u qaban doonaan dad macquul ah oo lagu kalsoon yahay, kuwaas oo fulin doono siyaasadaha dowladda, kana dhowri doona jiritaanka Qaranimada in ay quwado shisheeye soo farageliyaan, isla markaana la dhowro danaha dadka.

Fekerkaan ayaa waxaa lagu qoray dastuurka dalka Mareykanka. Waxaa jirtay in awoodaha dalka ee heer Qaran iyo heer Gobol loo qeybiyo.

Dowladda dhexe ayaa waxaa si gaar ah loo siiyay awoodo gaar ah oo muhiim ah, halka dhanka kale, awoodaha Gobolada la xadiday, aydada oo sidoo kalena ay jiraan awoodo labada dhinac ay wadaagayaan.

Dhamaan awoodahaas la siiyay Dowladda Wadaagga ah (Federal Government) ee uu siiyay Dastuurka dalka Mareykanka ayaa waxaa si rasmi ah loogu xusay awoodaha Xildhibaanada ee ku xusan Sharciga I, Farqaddiisa 8.

Awoodahani ayaa waxaa loo kala qeybin karaa kuwo dhaqaale iyo kuwo milatari. Sida la wada ogyahayba, awoodaha dhaqaalaha iyo milatariga ayaa ah kuwo aas-aasi ah muhiimna u ah dowladda.

Haysashada awoodaha noocaas ah kaddib, dowladda dhexe ee dalka Mareykanka ayaa waxay ka dhigtay in uu noqdo mid si habsami leh u kontarooli kara dalka, sidaas awgeedna, meel marin kara sidii loo heli lahaa deganaasho siyaasadeed iyo horumarinta dhaqaalaha.

Awoodda dhaqaalaha ee lagu wareejiyay Dowladda dhexe ayaa waxaa ka mid ah: tan canshuur dejinta, lacag soo deynsashada, koontaroolidda dhaqaalaha, lacag sameynta, iyo dejinta sharciyada bur-burka ganacsiga (bankruptcy laws).

Qodobka I, Farqaddiisa 8, ee Dastuurka ayaa u qoran, “Xildhibaanada ayaa waxay awood u leeyihiin dejinta shariciga canshuuraha iyo soo xareyntiisa, saarista iyo sixir u dajinta adeegyada kala duwan ee qeyraadka dalka kasoo xarooda iyo kuwa dibadaha laga keeno, bixinta deymanka, kuwaasoo loo isticmaali doono difaaca danta guud iyo daryeelka danyarta dalka Mareykanka; soo deynsasho lacag lagu soo qaadayo magaca dalka Mareykanka, dejinta sharciyada la xariira dhinaca ganacsiga ee u dhanka dalka iyo kan dowladaha shisheeye, kan gobolada Mareykanka iyo waliba kan dejinta miisaanka iyo cabiraadda (weights and measures.”)

Ayada oo laga duulayo hab qorsheedkaan, dowladda Midowga (Federal Government) ayaa waxay aruurisay gacmaheedana soo galay awood dhaqaale oo muhiim ah.

Kaddib markii ay dowladda wadaagga heshay awoodda sharci aruurinta canshuuraha, Dowladda Wadaagga waxay awoodi kartaa in ay iska bixiso deymanka lagu leeyahay iyo qarashaadka ku baxa difaaca dalka iyo daryeelka bulshada; iyo sidoo kale, in ay dowladdu tahay tan xaqa u leh sharciyan in ay nidaam qorsheysan u dajiso lacagaha, go’aamisana xadeynta sarifka lacagaha qalaad.

Dowladda Wadaagga waxay awood u leedahay koontaroolidda iyo qeybinta lacagaha iyo ilaalinta sicir bararka; in ay dowladdu tahay tan heshiisyada ganacsi ee u dhaxeeya ayada iyo dowladaha shisheeye iyo tan gobolada geli karto; kaddib ayada oo qodobadaas muhiimka ah laga duulaayo awgood, Dowladda Wadaaga ah waxay awoodi kartaa in ay koontaroosho xaaladaha dhaqaale ee dalka.

Xaaladaha heshiisyada jaan-goynta qorshaha ganacsi ee la gaaray awgood, waxaa dhacday in ay taageerada ugu weyn dowladda ka hesho magaalooyinka waaweyn, xarumaha warshadaha wax soo saarka iyo kuwa ganacsiga sida kuwa ku yaala: New York, Philadelphia iyo Boston, maxaa yeelay, waxay ogaayeen in jaanjogeynta sharciyada ee dowladda dhexe ay tahay kuwo faa’iido u leh iib geynta badeecada ay soo saaraan.

Alexander Hamilton, oo ka mid ah xubnaha wakiilada ugu fir-fircoon Xarun Sharciyeedka (Constitutional Convention,) ayaa tilmaamay in ganacsiga xorta ah ee dalka oo dhan uu ahaa mid miradhal ah marka loo eego guud ahaan qeybaha kala gedisan ee ganacsiga oo dhan. Tusaale, marka uu mid ka mid ah suuqyada maxaliga ah hoos u dhac ku yimaado, suuqyada kale ee gobolada iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ayaa uu iibka wax soo saarkoodu kor u kacayaa, sidaas awgeedna, ganacsigu waxuu noqonayaa mid mar walba kor u kaca. Hamilton ayaa warkiisa kusoo gebagabeeyay, in ganacsade kasta oo leh aragti fog ee ganacsi uu sii arki karo awoodda ka dhalan karta midnimada dalka, taasoo uu macnaheedu yahay, in midowga guud ahaan dalka oo dhan uu aad uga faa’iido badan yahay in ay kala tagaan saddex iyo tobanka gobol.

Saddex iyo tobankii gobol ee Mareykanka ee ugu horeeyay ee ku midoobay dowlad dhexe (Confederate States) ee uu qoraalka sare ee aan turjumay ka hadlaayo waxay ahaayeen: Delaware, Pennsylvania, New Jersey, Georgia, Connecticut, Massachusetts Bay, Maryland, South Carolina, New Hampshire, Virginia, New York, North Carolina, and Rhode Island.


Xigasho: Xuquuqda qoraalka aan turjumay waxaa iska leh: Prof. Xiaohong Wei oo ah gabar wax ka dhigta Jaamacadda caalamiga ah ee Sichuan Normal University, qormada aan tujumayna waxaa daabacay website-ka www.varsitytutors.com, waxuuna uga jiraa xiriiriyaha – the below link: https://www.varsitytutors.com/earlyamerica/early-america-review/volume-13/constitution-separates-power, baaragaraafka 11-aad.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Muhiim: Akhri 200 sano ka hor Isfahan la’aantii ka jirtay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Mareykanka oo si weyn ugu eg halka ay maanta Soomaaliya mareyso "

  1. Mohamud says:

    SA
    State yaqaan hore bay u jireen intaanay I sug imaan.
    Qolo walbana xeerkeeda iyo dastuurkeeda bay lahaayeen intaanay midoobin. Jahawareerka iska daayaya. Dowladda jirta oo gumaysi kala qaybinayo jid ha u samaynina oo khilaafka ay abuureen qofka abuuray u daayay.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.