Home » News »

Akhri: Shan qodob oo xal u noqon kara isfahan-waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada


Qore: Aden Colujoog, qoraa madax banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.


Sidaan dhowr mar oo hore qoraalo aan soo saaray ku xusayba, wax sahlan ma ahan nidaam kala badalashada Soomaaliya ee ah – ka guuridda kii ay horay mudada dheer ugu dhaqmi jireen ee ahaa  “Republic” iyo u guuridda kan cusub ee ah “Federalism.”

Farqiga u dhaxeeya labadaan nidaam maamul dowladeed, dowladaha ku kala dhaqma, iyo baahida keenta in mid walba loo doorto, waa mid laga heli karo buugaag gaar ah oo la xriira maamul dowladeedka, iyo wlaiba rugta keydka ee barta “google-ka.”

Sida ku cad cinwaanka qormadaan, waxaan maanta rabaa in aan bahda Qalinleyda wax ka qora arrimaha Soomaaliya, dowladda dhexe iyo shacabkaba la wadaago SHAN qodob oo aan is leeyahay haddii la fuliyo waxaa suurtagal ah in xal loo helo isfahan waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ah:

1. In dastuurka dalka u yaala si DEG-DEG ah dib loogu noqdo, si cad oo uusan mugdi ku jirina loo kala cayimo awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo tan Gobolada oo hadda u muuqda mid aan qeexneyn, iyo kuwa ay wadaagayaan (sharing powers.)

2.  In Dastuurka Qaranka lagu xuso TITILE-ka ama magaca loogu yeerayo mas’uulka ugu sareeya maamul goboleedka in uu yahay Guddoomiye “Governor” ee uusan sheegan karin madaxweyne “president.”

3.  Si loo xakameeyo isbar-bar-yaaca iyo fawdada ay wadaan mas’uuliyiinta maamul goboleedyada, waa in dastuurka (the constitution) lagu xuso in uusan Guddoomiye Goboleedka xaq u aheyn in uu jabiyo go’aan dastuuri ah oo ay dowladda dhexe la gashay “dowlad ama Hay’ad”, isla markaana, uusan jiri karin cid sharciga ka sareysa. Sidaas awgeedna, ciddii ku xad gudubta sharciga la waafajin doono danbiga uu ka galay Qaranka.

4.  In Raadiyaha, wargeysyada iyo baraha kulanka “social media” ee ku hadla afka Qaranka ay laba-laabaan wacyi gelinta iyo baraarujinta bulshada, diiraddana la saaro sidii loo kasban lahaa quluubta shacabka, umadda ayada oo isku duuban ay si wada jir ah isaga qaban laheyd u adeege-yaasha cadowga gudaha iyo dibadda ee doonaya in ay bur-buriyaan Qaranimadooda.

5.  In shacabka la baro in ay yihiin kuwa loo shaqeeyo, iyo in ay awood u leeyihiin qofkii ka hor yimaada danta guud in ay si wada jir ah isaga qabtaan.

Waxaan rumeysnahay haddii shantaas qodob dhaqsiyo loo fuliyo in ay wax badan iska badali doonaan isfahan waaga intii muddo ah ka jiray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.