Home » News »

Tacsi: Allaha u naxariisto Maxamuud Cilmi oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay

Rabbi ha u naxariisto, marxuum Maxamuud Cilmi


Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun.  Geeridu waa xaq (كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْت).  Waxaa maalinimadii shalay oo aheyd, Sabti, October 14, 2017 magaalada Muqdisho ka dhacay qarax aad u balaaran oo ay ku naf waayeen birmageydo Soomaaliyeed oo wax ay xasuuqaas bilaa lmacnaha ah ku galabsadeen aanay jirin.

Geeridu kala xanuun badane, dadkii weerarkaas aragagixisonimo naftooda ku waayay waxaa ka mid ahaa, Maxamuud Cilmi oo sida la sheegay ku dhex gubtay baabuurkii uu watay ee ka ag dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Haddaba, aniga oo si weyn uga tiiraanyeysan masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho, lana qeybsanaya guud ahaan umadda Soomaaliyeed xanuunka uu falkaas munaafaqnimo ku reebay, ayaa waxaan marka hore si guud halkaan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan intii qaar ka mid ah qoyskooda ku weysay Qaraxaas, waxaana leeyahay “Rabbi ha u wada naxariisto birmageydada naftooda qaraxaas ku weysay, dhamaanteedna samir iyo iimaan hanaga siiyo.

Sidoo kale, waxaan halkaan tacsi gaar ah ugu dirayaa qoyska reer Cilmi ee uu ka baxay Maxamuud Cilmi, waxaana leeyahay “Rabbi marxuumka qabariga waasac ha uga dhigo, Janatul Fardowsana ha’ugu bishaareeyo, dhamaanteena samir iyo iimaan hanaga wada siiyo. Amin.”

 

Tacsidaan waxaa diraya aniga oo ah Aden Colujoog.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.