Home » Faallo »

Dagaalka Dawladaha Carbeed kaga saarayaan Soomaaliya walaakeen Turki miyaad dareenteen?

Waxaan ahayn dad musliim ah soomaali ah dagan bariga iyo geeska afrika.waxaanahay suniyiin haysta mad habta shaaficiyada 100% oo aan lahayn wax khilaaf diineed ah.Burburkii dalkeena ka dhacay iyo dawlad la aantii ayaa waxaa inaga faa iidaystay laba qolo oo ah cadawga soomaaliyeed kuwaas waa

1. DAWLAD DIID oo ah dad soomaaliyeed oo ku naaxa xaaranta,dilka,dhaca,fawdada,nidaam la aanta,dawlad la aanta,diin la aanta,oo diidan dawlad.

2. DAWLADO SHISHEEYE sida ethiopia iyo carabta kuwani majecla soomaaliya oo leh magac iyo muuqaal dawladnimo oo xor ah xasad xagooda ahaaday dartiis,kuwani waxay ku tiirsan yihiin oo u adeegaan danaha reer galbeedka oo uugu horeeyo maraykanka iyo ingiriisku.waligoodba waa cadaw soomaaliyeed iyagu.

Hadaba mudo dheer waxaa dalkeena gudihiisa qasaayay labadan qolo oo ethiopia gudaha ayay ka dagaalamaysay,ina kala qaybinaysay hubkana isugu keen dhiibi jirtay sida dagaal oogayaashii iyo ururo diimeedkii afka inoo soo duubtay.wadamada carabtu waxay bixinayeen dhaqaalaha oo ay siinayeen afduubka diinta sheegtay iyo ethiopianka fulinaya hawlaha kala qaybinta iyo qabaa ilada isku dirkooda. lacagta baxaysay oo dhan waxaa bixinaayay sucuudiga iyo dalalka khaliijka carabna waa u dhamayd dhibka soomaaliya.

Madaxwayna yaashii ina soomaray oo dhami waxay la shaqay nayeen eithipia iyo carab sidaas ayay mar walba u ahaayeen fadhiid xoogaa shilimaan ah ka aruusda kadibna iska taga isagoon waxba ka qaban dalkiisii.cabar iyo ethiopia waxay hortaagan yihiin in la dhiso ciidamo qaran oo soomaaliyeed oo dalka difaaca amaankiisana la wareega.

Hadaba iyadoo arin sidaa tahay ayaa waxaa inoo yimid walaal keen turki oo hadafkiisu yahay in uu dalkeena kasaaro fawdada iyo dawlad la aanta.Turki waxa uu doonayaa in uu inoo dhiso dawlad shaqaysa oo sugta amaanka dalkeena oo dhan,oo soo celisa dawlad nimadii soomaaliyeed.waxa uu inoo dhisay isbitaalo,iskuulo,wadooyinkii iyo goobo dawladu ku shaqayso iyo dakadii iyo garoonkii diyaarada casimada soomaaliyeed.waxa uu dalkiisa inoo geeyay arday soomaaliyeed oo siiyay tacliinta noocyadeeda kala duwan wiilal iyo gabdhaba waa inoo qaaday.lama soo koobi karo wax tarka Walaalkeen Turki inoo galay.

Turki waxa uu wacad ku maray in uu soomaali u dhisaa ciidankoodii qaran oo uu hubkiina u dhamaystiraa waxa uuna furay saldhig milatari oo lagu tababarayo ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.Walaalkeen Turki waxa uu doonayaa in uu inaga qaado dhulka oo ina istaajiyo wuuna fahmay sida laynoo burburiyay oo laynoo bahdilay oo karaamadeenii u luntay,markaa wuu ina dhisayaa maanta Walaalkeen Turki.Laakiin walaalkeen waxa uu leeyahay cadaw ee aan fahano.

CADAWGA WALAALKEEN TURKI

Walaalkeen waxa uu ahaan jiray dawlad aad u wayn oo aduunyadu ka haybaysato oo ilbanimo leh facwayn.walaalkeen waxa uu marlabaad noqday dunida islaamka mid u taliya oo xukumaayay sucuudiga iyo carab oo dhan afrika iyo aasiya islaamka ku nool oo dhan oo u ahaa madax wayne,xiligaa waxaa u fadhin jiray saylac,mogdisho,harar wakiil ay soo dirtay dawlada Turkigu.W alaalkeen waligiiba waa uu jeclaa dadka soomaalida ah waana qiimeeyaa waxa uu garanayaa in soomaalidu tahay dad geesi yaal ah oo qableh iyo isla waynaan oo ka faa naan carab daciif ah iyo gaalo waligoodba.

Walaalkeen dawladii islaamka dhan xukumaysay oo difaacaysay dalalka islaamka oo dhan ee CISMAANIYIINTA waxaa gaaladii reer galbeed ee ingiriis hogaaminaayay ka raacay carab oo sucuudi u horeeyo,xariigii TURKI xiraba way furaan,way jaajuusaan aakhirkiina way jabiyeen carabtii iyo gaaladii cadaanka oo wada socdaa TURKIGA halkaasaa u danbaysay islaam danbe oo is xukuma ilaa maanta.Carab waxay u quuri wayday walaalkeen saldanadaa illaahay siiyay iyo hogaankaa uu hogaaminaayo islaamka.ilaamaantana waxay la socdaan gaaladii cadaanka ahayd mana rabaan in Turki yeesho xoog iyo hormar oo uu muuqdo.

Hada waxay diidayaan soo galida uu soogalay soomaaliya laba sababood darteed. (1)In uusan u dhisin dawlad soomaaliya (2)In uusan dhaqaale ka helin soomaaliya.Macnahaa ah qodobka koobaad carabi hadii uu Turki dhiso dawlad soomaaliyeed dadkana wax baro waxaan garanaynaa cadawgeena waana hormaraynaa tacliin iyo farsamo dhan walbaba,markaa dadkii soomaaliyeed ee carab iska daba taagnaa waxna aan ku haysan ayaa isaga haraya carabnimaan lugooyada soomaaliyeed ah.markaa carabi waxay aragtaa in ay luminayso dadkii hoos joogay ee soomaaliyeed ee amaan sanaa carabta.markaa madoonayso carabi in dadkaan hayinka u ah laga qaato oo ay lumiso.markaa sina u yeeli mayso cidayha ayay ku dagaalamaysaa carabi oo marabto dawlad hada dhisanta oo soomaaliyeed.

Qodobka labaad Waa lawada ogyahay in soomaaliya uu dhex jiifo dahabka madoow ama shiidaal ama saliida cayriin,in reer galbeed waa hore sahamiyay oo calaamadiyay waa ogyihiin in uu soo saarayana dhawaan waa la ogyahay.Sidaa daraadeed soomaaliya oo turki dhisay oo dawlad ah haday dhacdo waxaa reer galbeed ku xiga oo ka faa iidaya ganaacsiga iyo hormarka soomaaliya Turkiga xaqna u leh tana waa loo diidan yahay.Turkina waxa uu rabaa in koow khayradka dalkan soomaalidu ka faa iidaysato iyadoo waxooda aan reer galbeed ka dhacayn kana khiyaamaynin ee heshiis ah.marka labaadna taa waxaa lagu gaari karaa soomaaliya oo hadli karta oo leh dawlad xoogan nimaad iyo kala danbayn oo heshiis gali karata si isku kalsooni leh.kadibna Turkigu uu isna ka faaiido oo sheerkiisa ka helo wixii shisheeye kaligii qaadan lahaa.waana sax walaal muslim ah oo i dhisay in uu noolaado isna waa rabnaa.

Carab waxa kale oo ay ka masayrsan tahay in dawlad aan noqono oo shiidaalkeena la soo saaro waayo waa ka hormaraynaa,sidaa dareed bay hada u sii xiranayaan dakada heena oo waxbadan laga dhoofin doono.soomaaliya waxay tahay meel dhaqaale oo shidmaysa aayaha dhaw.maantana carab baa inoogu daran cadawgeena. waxaana hada dhibka wada carab oo adeegsanaysa DAWLAD DIID imaanka beelay oo hooyadii qarxinaaya.

Reer galbeedku carabtan masayrsan ayay dirayaan waana soo dhawaynayaan in turkiga laga saaro soomaaliya,laakiin iyagu uma soo bareerayaan turkiga mana fara gashanayaan arimihiisa si toos ah carabkay diranayaan. carabku muslim iyo diin buu kuugu soo gabanayaa laakiin gaalkuu la socdaa raac san yahay aduuna kugu maqan yahay.carabku marabo soomaali noolaata.hesha dawlad.

TURKIGA YAA RAACSAN YAASE CARAB RAACSAN

Carab waxaa raacsan intii waligoodba u diidanayd soomaali nidaam iyo dawlad nimo oo ah DAWLAD DIID waxayna ka helaan lacag.waxayna fuliyaan qaraxyo iyo in la curyaamiyo dawladii timaadba.waxaa hada ku biiray madaxda dawlad goboleedyada ee ku shiray KISMANYO.Laakiin shacabka ay xukumaan madaxda ku shirtay kismaanyo lama qabaan fikirkaa qaran dumis ee dawlada lagu duminayo.carabi waxay haysataa madaxda gobolada iyo DAWLAD DIID.

Turkiga waxaa raacsan DAWLAD DOON oo ay uugu horeeyaan madaxwaynaha,raysal wasaaraha iyo golihiisa labada aqal iyo dad waynaha soomaaliyeed degmo iyo gobol walba iyo caasimada soomaaliya shacabka ku nool badan kiisa.Umada soomaaliyeed waxay tagqaan cadawgeeda iyo nas teexeeda cida ay kala yihiin maanta.Maanta Turki oo kaliya ayaa ah saaxibka soomaaliya,walaalka soomaaliya,garabka soomaaliya oo diyaar u ah in uu garab nagu siiyo dawalad nimo amaan iyo kala danbayn buuxda.Waxaa hadaba aan ogaanay in carab iyo daba dhilifkoodu yihiin cadawga soomaaliyeed,waana in aan iska dhicinaa oo guryaha ka soo baxnaa.waa inaan guyaheena ku dhajinaa laba calan oo siman oo ah kan soomaaliya iyo kan Walaalkeen TURKI waxaan cod sanayaa walaala yaal soomaaliyeey aan calanka turkiga ku dhajino guri kasta laa miyada hoteelada isagoo aan garab surayno keena cirka u eg ee qiimaha badan.

Reer galbeed iyo carab waxay ku duulaan yihiin in isbaaro loo dhigto oo la curyaamiyo oo la niyad jabiyo walaalkeen turki si uu san u ceeshin soomaaliyana u dhisin.CADAWGA TURKIGA WAA CADAWGA SOOMAALIYA.Maanta dagaalkeenu waa inaga iyo carab oo inagu soo duushay.kuwa daba dhilifka u ah waa argagixiso ogaada taas.

DARDAARAN

Goob walba aan ka taagno calankeena iyo kan turkiga.aan muujino in aan nahay dad abaal leh oo gartay cadawgooda oo neceb wixii neceb turki oo ah ninka maanta iga qaaday dhulka anoo cadaw ugu jiidayo.soomaaliyeey miyaynaan dhiig lahayn iyo damiir miyaydaan arag duulanka carab inagu soo qaaday ee cad,miyaydaan arag in la rabo in turki dub uga baxo soomaaliya oo la niyad jabinaayo? dagaalka heerka uu maraayo miyaydaan arag? carab shalay iima soo gurmanayn maxaa keenay maalintii turki dalkeena soo galay inay ina soo weeraraan?

dhalin yarada soomaaliyeed haku labistaan funaanado ay ku sawiran tahay calanka turkiga iyo keena maanta halbaynu nahay waa midawnay cadawgeenuna waa hal.

Dawlada soomaaliyeed ee aan jecelahay ee ay hogaaminayaan Geesiyada FARMAAJO iyo KHAYRE turkiga hagarab istaagaan si cad.maanta dagaalku waa mid lagu kala adkaanayo meel mawada joogayno kuwa hortaagan dawlada soomaaliyeed 27 sanadood.maanta madaxwaynaheena ayaa na horkacaya waa dhimanaynaa oo dagaalamaynaa joogsanamayno ilaa dalkeena aan xorayno gees ka gees oo sugno.dadku waa laba uun DAWLAD DOON soomaali ah wadani ah iimaan leh jecel difaaca diinta iyo dadka iyo dalka iyo DAWLAD DIID daba dhilif ah qab yaala diiste ah damiir laawe ah habarti dile ah diita iyo dadka iyo dalka iibsade ah. labadan ayaa diriraya midbaana haraaya.waxaana hubaa in uu guulaysanayo DAWLAD DOON.

Hadaynu nahay wadaniyiinta ah DAWLAD DOON waxaa naga go an dagaal wax kale ma aqbalayno arinku waa dagaal dagaal dagaal xabad waxaan ahayn walaahi iyo bilaahi iyo talaahi in aanan rabin. waa dhamaatay soomaaliya in dawlad nimadeeda koox yar oo DAWLAD DIID ahi afduubku haysato.guryaha ay ku jireen waa kala soobaxaynaa waana dabar jaraynaa.dagaalkani maha mid joogsanaya ilaa aan sifayno DAWLAD DIID.

 

Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Dagaalka Dawladaha Carbeed kaga saarayaan Soomaaliya walaakeen Turki miyaad dareenteen? "

  1. Asc. Yusuf Cumar, walaal cadowga turkiga waa cadowga Soomaaliya waqtiga hadda la joogo, berina wax waa isbedeli karaan laakiin sida cad carab waa LA adeegdana maahane ayaa good nooma haystaan, kuwa gadaal ka soo riixaya qaar ka mid ah carabta ayaa ka dhib badan.
    Amiga waxaa ii muuqata in daalka IYO tabar darada naga badatay ee ah raadadka colaadda IYO saboolnimada inay na halmaansiiyaan sheegashada danaheena IYO fahamka danaha guud ayaan nalaga leeyahay.
    Haddii dhibtaas aan ka soo kabano, Alle in badan San ka codsano inuu nawaafajiyo sheegashada danaheena mustaqbalka show IYO kan fog.Inuu nakala baro saaxiib ka IYO cadowga Soomaaliya.
    Waxaa xikmad ah ee la Yuri qofka quudkiisa hanan karin go’aankiisa ma gaari karo. Maanta waxaan la mid nahay cunug yar oo waalidiintii dhinteen,dhaqaalaha at haystaana soo damcaayo dugaag walba.
    Alle bariga aan badino Ramada Alle xagiisa way ka dhowdahay,dowlada TUKIGANA waa saaxiib ka Soomaaliya.
    Mahadsanid.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.