Home » News »

Dastuurka Soomaaliya waa qariban yahay ee dib haloogu noqdo (Akhri sababta)


Qore: Aden Colujoog, qoraa madax-banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.


Qormo hore oo aan cinwaan uga dhigay “Isfahan waaga waxa keenay waa Dastuurka ee ma ahan Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada“, ayaa waxaan kusoo gudbiyay in qodobada Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee 52, Qodobkiisa 1-aad, iyo kan 53, Qodobkiisa 1aad  ay ahaayeen kuwii dhaliyay isfahan waaga ilaa iyo hadda ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Halkaan Guji si aad u akhriso qormada aan tixraacayo

Mar kale, halkaan waxaan kusoo gudbinayaa iska hor imaad Qodobo Sharciga ku jira oo keenay in uu madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dhawaaqo in uu dalka ku jiro xaalad Deg-Deg ah, kaasoo labada Goble ee Baarlamaanka ka codsaday in ay kulan aan caadi aheyn isugu yimaadaan maanta oo ay taariikhdu tahay Sabti, October 21, 2017, balse sida aan ku arkay warqad lasoo dhex dhigay baraha kulanka bulshada qaarkood uu golaha baarlamaanka ku wargeliyay madaxweynaha in aanay suurtagal aheyn in uu kulankaas dhaco maalinta uu madaxweynaha codsaday.

Haddaba, maxaa qaldan oo uu amarka madaxweynaha u socon waayay oo kulankii uu codsaday dib loogu dhigay?  Ma madaxweynaha ayaanan war u hayn qodobada Dastuurka marka uu rabo in uu talaabo sharci ah qaado, ma xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka ayaa sharciga daba maraya, mise Dastuurka qudhiisa ayaan aheyn mid si sax ah u qoran oo iska hor imaanaya?

Jawaabta su’aalahaas kore ayaa waxay tahay, ma ahan waxa qaldan madaxweynaha iyo xubnaha Baarlamaanka labada Gole toona ee waxa qaldan ee mar kasta buuqa dhalinaya waa Sharciga oo aanan qaab sax ah u qorneyn.

Sida ku cad, Qodobka 90aad Xarafkiisa (a) ee qeexaya Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha ayaa waxuu leeyahay “madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg-degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.

Haddaba, sida muuqata, waa qodobkaan midka uu madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u cuskaday codsigiisa la xariira in ay labada Gole kulan deg-deg ah isugu yimaadaan, kaasoo aanan u dhicin sidii uu madaxweynaha ugu talagalay.

Iminkana hoos ka akhri qodobka ay labada Gole u cuskadeen in ay ku jabiyaan kulanka Deg-Degga ah ee uu madaxweynaha codsaday:

Qodobka 131aad ee qeexaya ku dhawaaqista marka xaalad Deg-Deg ah lagu soo rogi karo dalka ayaa u qoran sida soo socota:

(1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an.

(2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda.

(3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi 47  JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta.

(4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso.

(5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya.

(6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii adgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah.

(7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.

Halkaan ka akhri Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee aan qabo in uu u baahan yahay in dib loogu noqdo


XASUUSIN:  Haddaba, qofkii si fiican ugu kuurgala qaabka qariban ee aan qeexneyn ee uu u qoran yahay Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan labada qodob ee aan kor ku xusay iyo labadii ka horeeyayba, iyo ayada oo waliba qaab qoraalka qodobo badan oo Dastuurka ah uu yahay mid abuuraya FAHAN DARO la xariirta qaabka ay jimlooyinka (sentences) isugu xiran yihiin iyo waliba qaab qaraacidda xarfaha oo uu ku jiro qaldaad (typo) sida nambarka 3-aad ee Qodobka 90aad ee kor ku xusan oo ay adag tahay in la fahmo nuxurka uu xambaarsan yahay sharci ahaan.

DIGNIIN:  Ka muwaadin ahaan, waxaan ka digayaa haddii aanan si DEG-DEG ah dib loogu noqon Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo u eg mid ay soo qoreen dad aanan sharciga iyo qaab qoraalka wax ka aqoon, in aanan laga bixi doonin qas iyo isfahan la’aan joogta ah.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.