Home » News »

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada oo ku guul dareystay in ay heshiis rasmi ah gaaraan (arag sababta)


Qore: Aden Colujoog, qoraa madax banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.


Shir loogu yeeray in uu yahay mid wada tashi oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka furmay bishii hore ee October 28, socdayna ilaa iyo November 5, 2017, ayaa waxaa kasoo baxay 6 qodob oo lagu sheegay in ay yihiin heshiis ay gaareen labada dhinac.

Halkaan Gujji si aad u aragto bayaanka oo dhan

Haddaba, kaddib markii aan si fiican u akhriyay qoraalka, waxa kaliya ee iiga soo baxay waa:

  1. In uusan qoraalku laheyn gunaanad (conclusion)
  2. In uu qoraalku u qoran yahay sidii mid horu dhac u ah mid kale oo soo socda (Post-Draft Outlining)
  3. In uu u eg yahay mid ay labada dhinac ku maaweelinayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee uusan meesha kasoo bixin go’aan rasmi ah
  4. In uu u eg yahay mid ujeedkiisu yahay kala bedelasho agende-yaal siyaasadeed (exchange of political basket case) uu nuxurkiisu yahay: AAN KALA WAR-WAREEGNO intii muddo ah!
  5. In uu u eg yahay mid inta badan ay dowladda dhexe ee Federaalka u hogaansantay ajandooyinkii ay wateen guddoomiye-yaasha maamul goboleedyada
  6. In ay cadahay in uusan qoraalka meelna uga qorneyn xal u helidda qodobadii dastuuriga ahaa ee qilaafka keenay
  7. In ay maamul goboleedyada u muuqdaan in ay la wareegeen howshii ay lahaayeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanada labada aqalna ay u muuqdaan kuwo howl gab ah
  8. In ay muuqato in hadda iyo mar dhow toona aanay labada dhinac diyaar u aheyn in dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka dalka, kaasoo ah meesha ay sartaba ka qurantay
  9. Iyo, inta uu xaalku halkaan taagan yahay, in aanay marnaba suurtagal noqon doonin in uu dhamaado buuqa iyo isfahan waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta maamul Goboleedyada.

Sidaas awgeed, marba haddii mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee loo hanweynaa uu xaalkoodu maraayo in ay hogaamiye-yaasha maamul Goboleedyada la galaan heshiis ku sheeg aanan jirin, qodobada halkaas kasoo baxayna ay yihiin kuwo ay kuwada guul dareysteen soo bandhigiddooda, waxaan umadda Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta sare ee Federaalka kula talinayaa qodobada soo socda:

  1. In aanan laga quusan dowladda dhexe ee waqti la siiyo ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan, waayo; waxaan rumeysnahay go’aan ku sheegga  QARABA-QARBADA ah ee ay maanta la galeen madaxda maamul goboleedyada dan baa u geysay ee ma ahan mid ay jeclaayeen in uu sidaas u dhaco.
  2. In ay mas’uuliyiinta sare ee dowladda dhexe ee Federaalka ogaadaan, in uu shacabka Soomaaliyeed ogyahay, garana karo in go’aan ku sheeggii maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha uusan u cuntamin umadda Soomaaliyeed, sidaas awgeedna, wali la sugaayo in waqti aan fogeyn DASTUURKA dalka dib u habeyn lagu sameeyo, hogaan Garsoor oo madax banaana la sameeyo, sidoo kalena, labada aqal ee Baarlamaanka loo madax banaaneeyo in ay howshooda si dastuuri ah oo sharci Qarameedka dalka u yaal waafaqsan u gutaan.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.