Home » News »

Hay’adda HIRDA oo Dugsiyo Waxbarasho ka hergelisey Xerya ay ku jiraan barakacayaal ku yaala Gobolka Gedo (Sawirro)

Baardheere, Somalia (AOL) – Goobaha laga hergeliyey dugsiyada waxbarasho ee ardeydu ay wax ku baranayaan sida lacag la’aanta ah ayaa waxaa ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku kala yaala degmooyinka Baardheere, Luuq, Baladxaawo iyo Dolow, deegaanadaasi ayaa muddo ka badan ilaa 7 sanno waxaa ku kala nool qoysas kumanaan gaaraya oo ay deegaanadooda ka sal kaciyeen abaaro, Colaado iyo dhibaatooyin kale ee xaga nololsha ah, waxayna badankooda ay ka kala yimaadeen deegaano ka kala tirsan Gobolada Bay, Bakool, J/dhexe iyo Gedo.

Xasan Cabdi Keynaan oo ah Madaxa Hay,adda  HIRDA ee Afrika oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay dadka ka faa,ideysanaya fursadahan waxbarasho ee lacag la,anta ah  in ay isugu jiraan caruurta gaartey heerka waxbarashada iyo dad waaweyn oo aanan horey waxba u baran, dhamaantoodna waxay degan yahiin  xeryaha Barakacayaasha eek u kala yaala degmooyinka  Baardheere, Luuq, Baladxaawo iyo Dolow, tiradooduna waa ku dhowaad ilaa 5 kun oo Ruux.

Talaabadani ayuu sheegay hay,adooda in ay ugu go,leedahay kor u qaadida waxbarashada Gobolka iyo sidii dadka danyarta ah ay u heli lahaayeen waxbarasho,isagoona tilmaamay Xeryaha ay ku jiraan Barakacayaasha in ay ka hergeliyeen Dhismayaasha Dugsiyo waxbarasho, musqulo iyo Qalabka loo isticmaalo dugsiyad.

Hergelinta Mashruucan balaaran ayuu sheegay in ay gacan ka  siisey Hay’adda UNICEF, waxaana howl gelinay ayuu yiri Macalamiin Tiradodu at gaareyso ilaa 97 macalin kuwaasi oo labadii bilood ee ugu dambeeyey ka shaqo bilaabay dugsiyada Barakacayaasha ee ku kala yaala  afartaasi degmo.

Qaar ka mid ah Waalidiinta iyo Guddiyada Waxbarashada degmooyinka Baardheere,Luuq,Baladxaawo iyo Dolow ayaa soo dhaweeyey dugsiyada waxbarasho ee loo sameeyey dhalaanka Qoysaska Barakacayaasha ah, waxayna talaabadani ay ku tilmaameen  isku daygii ugu balaarnaa ee wax looga qabanayo horomarinta waxbarashada Gobolka.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.