Home » News »

Madaxda in la adeeco Ilaah baa na faray iyo Ras’uulkeena Maxamed (arag daliilo cad-cad)


U adeec madaxdaada si la mid ah sida ay Alle iyo Rasuulkiisa Maxamed ku fareen.


Asalaamu Caleykum walaalaha Soomaaliyeed meel aad joogtaanba,

Bacda salaan, sida aan ka wada warqabno hadaan Soomaali nahay waxaan 27 sano ka hor si fudud isaga bur-burinay dowladdii aan laheyn, ayada oo madaxdii dalka hogaamineysayna laga dhigay qaar la dilay iyo kuwo dalka naftooda ugala cararay.

Intaas waxaa dheer, haddii aan nahay umad muslim ah, waxaad moodaa in aan xarka goosanay oo aanay jirin haba yaraatee wax wanaag ah oo aan ku dhaqmeyno iyo mabaadi’ aan aaminsanahay toona, balse taas badalkeeda ay muuqato in aan ku socono wado qaldan oo baal marsan tii ay Alle (swt) iyo Nabigeena Maxamed (cws) noo tilmaameen.

Walaaleyaal,

Ma rabo in aan hadalka sii badiyo ee bal aan eegno waxa uu Islaamka ka qabo in loola mucaamilo madaxda umadda u talisa.

Alle (cwj) waxuu suuradda An-Nisaa, Jabtarka 4-aad, aayadda 59-aad “4:59” noogu sheegay:

 

 

 

 

 

 

 

 

“Dadkii xaqa rumeeyayow, adeeca Allahii idin abuurtay iyo Rasuulkiisa iyo kuwa madaxda idiin ah.  Laakiin haddii uu dhaco isfahan waa, u noqda Ilaah iyo Rasuulkiisa, waa haddii aad tihiin kuwii Ilaah iyo maalinta aakhiro rumeysan, taasaa adinkana idiin kheyr iyo caaqiiba roon.”

“O you who have believed, obey Allah and obey the Messenger and those in authority among you. And if you disagree over anything, refer it to Allah and the Messenger, if you should believe in Allah and the Last Day. That is the best [way] and best in result. ”

Asxaabigii Abu Hurayra waxaa laga soo wariyay in uu yiri, Rasuulkii Alle waxuu yiri “qof kasta oo i raaca, waxuu raacay Alle, qof kasta oo i diidana waxuu diiday Alle, sidoo kalena, qof kasta oo raaca madaxda aan aniga magacaabay, aniga ayuu i raacay, qof kasta oo ka hor yimaadana, aniga ayuu iga hor yimid,” xadiiskaan waxaa laga soo wariyay Al-Bukhari.

Sidoo kale, Nabigeena Maxamed waxaa laga soo wariyay in uu sii sheegay in ay imaan doonaan oo ay asaga xukunka Islaamka uga danbeyn doonaan kuwo (madax) aanan raaci doonin wadada uu jideeyay, sidaas oo ay tahayna, waxuu umadiisa kula dar-daarmay in madaxdaas la adeeco oo aanan laga hor imaan.

Soomaaliyey, haddii aad tihiin kuwo Alle iyo Ras’uulkiisa Maxamed rumeeyay, aan xaqa isu dardaarano, madaxdeenana aan la shaqeyno oo borobogaanka iyo mucaaradada joogtada ah ee lagu hayo aan ka deyno, haddii kale, waxaa  hubaal ah in aanan waligeen horumar gaari doonin, ubadka-yagana aan dhaxal seejin doono.

Qore: Aden Colujoog, qoraa madax banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.