Home » News »

Odayaasha Dhaqanka Degmada Luuq oo kasoo horjeestay shir ka dhici lahaa degmada Doolow (Dhageyso)

Odoyaasha degmada Luuq oo ka soo horjeestay Qorshe Jubaland ay ku dooneyso Maamulo in ay ugu sameyso Gobolka Gedo iyo  in aysan ka qeyb geleynin shirka Dolow.

Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxay diidmo ay ka muujiyeen qorsheyaal Dowlad Goboleedka Jubbaland ay maamulo heer degmo ay ugu sameynayso degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena Odoyaashu ay qaadaceen shirweyne ay soo abaabushey Jubbaland ee lagu casuumay ergooyin ka kalaimaanaya degmooyinka Gobolka Gedo, kaasi oo lagu wado in  maalinta beri ah  uu ka furmo degmada Dolow ee Gobolka.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dhaqanka ee Gobolka Gedo oo la hadlayey GOOBJOOG ayaa sheegayinaysan xilligan suurta gal ahayn in degmooyinka Gobolka Gedo laga sameeyo Maamulo dadku ayan raali ka ahayn, waayo weli ma jirto ayuu yiri nabad gelyo la isku haleen karo oo suurta gelin karta in degmooyinka Gobolka laga dhiso maamulo ay gar wadeen u tahay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ugaaska ayaa waxuu intaasi ku darey inaysan raali ka ahayn, islamarkaana uusan suurta gal ahayn  shirka la sheegay inuu ka furmayo degmada Dolow ee loogu baaqey in ay ka soo qeyb galaan Ergooyin ka kala imaanaya degmooyinka Gobolka Gedo, waxuuna sheegay shirkaasi in ay qaadaceen, isagoona sababta  ayan ugu qeyb galeynin ku tilmaamay in aanan lagala tashan shirkaasi.

Hoos ka dhageyso codka odayaasha oo dhameystiran.

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.