Home » News »

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho, xilkana loo dhaariyay

Muqdisho, Somalia (AOL) – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo gelinkii dambe ee maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaattay Prof. Ali Mohamed Gedi Ra’iisul wasaarihii hore Xukuumaddii FKMG ah ee Soomaaliya, Mr. Abdulwahab Ugaas Hussein Ugaas Khalif Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, waxaanu carabaabay in dalku ka gudbayo marxalado kala duwan, una tallaabayo heer shacabku dareemo kalsooni ay ku qabaan dowladdooda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muujiyay niyadsamidda uu ku qabo inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isaga oo kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Mr. Hassan Ali Khaire kalsoonida ay siiyeen ee ah magacaabiddiisa, waxaanu codsaday in lagu taageero geedi socodka uu ku xoojin doono howlaha Wasaaradda, Ergadeeda iyo Siyaasadda Dibadda.

Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
ppr@mfa.gov.so

Note: please click on the link below to see the photos
https://www.facebook.com/MfaSomalia/posts/2024239934488225

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.