WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 29, 2008

Beeraleyda B/dheere iyo Tuulooyinka hoos yimaada oo loo Qeybiyey Abuurka Beeraha

Baardheere, Somalia (AOL) - Ururka Horomarinta Beeraha Degmada Baardheere (BADA) ayaa ka bilaabay Degmada Baardheere iyo tuulooyinkeeda howl balaaran oo Beeraleyda Waraabka ah loogu qeybinayo Abuurka Beeraha, iyadoo Abuurkaasina ay ku deeqday hay'adda Caalamiga ah ee NCA oo ka howlgasha deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Abuurka loo qeybiyey beeralayda Waraabka Degmada Baardheere iyo Tuulooyinka ku xeeran ayaa dhan ilaa 500Kg oo ah Abuurka Nooca basasha ah, iyadoo Abuurkaasina loo qeybiyey 94 Tuulo oo hoos yimaada Degmadan oo ku tiirsan dhinaca Waxsoosaarka Beeraha waraaabka ah,beeraleydii loo qeybiyey gargaarkani Abuur ayaa si weyn u soo dhaweeyen.

Gudoomiyaha Ururka Horomarinta Beeraha Degmada Baardheere.Cabdulaahi Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Abuurkan Basasha ah uu yahay mid gar gaar ah oo Hay'adda NCA ay ugu tala gashey in la siiyo beeraleyda waraabka ah ee Degmada Baardheere iyo Deegaanada ku xeeran, isagoo ku amaanay hay'adda NCA in had iyo jeer ay kaalmo labar bar taagan tahay Beeraleyda Baardheere. Cabdulaahi Sheekh Axmed ayaa intaasi ku darey gargaarkan Abuur ee haatan la gudoonsiiyey beeraleyda Baardheere inuu wax weyn uu ka tari doono waxsoosaarka beeraha, maadama ayuu yiri labadii sano ee u dambeyey beeraleydu ay la kulmeen hoos u dhac balaaran oo ku yimid mirahii ay goosan jireen, taasi oo sabab u ahayd Roobabkii ka da'ay deegaanka oo aad u yaraa iyo shidaalkii Matoorada oo qiimahiisu uu cirka isku shareeray.

Sidoo kale, madaxa Qeybta Cuntada iyo Beeraha ee Hay'adda NCA. Cali Cabdile oo hadal kooban u jeediyey beeraleydii la gudoonsiinayey Abuurka beeraha ayaa waxaa uu sheegay in hay,adoodu ahmiyad gaar ah ay siinayso sidii Beeraleyda looga taageeri lahaa dhanka wax soosaarka, isagoo sheegay in horey qaar ka mid ah beeraleyda Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo in ay ay u qeybiyeen Matooro, Shidaal, Qalabka Matoorada iyo Abuurka Beeraha, waxuuna uu sheegay in taageerada noocani oo kale ah in ay sii wadi doonaan oo loo fidinayo Beeraleyda Gobolka.

Dhinaca kale, gar-gaar abuur ah waxaa hay'adda NCA ay gaarsiisey Beeraleyda waraabka ah ee ku dhaqan deg. Buurdhuubo iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyadoo gargaarkaasina uu isugu jiro Noocyada kala ah Abuurka Basasha iyo Abuurka Mooska oo gaaraya ilaa 7000 oo xabo. Abuurkan loo qeybiyey Beeraleyda Baardheere ayaa ku soo beegmaya xilli xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ay la soo deristey Boqolaal beeraley ah oo ku dhaqan deegaanka, kuwaasi oo labadii sano u dambeeyey ka cabanayey hoos u dhac ku yimid waxsoo saarkooda ku aadan dhinaca qodaalka.



Axmed Cumar Saalixi, Baardheere-Gedo.





Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com