|
|
Allgedo News, April
28, 2008
|
Faalo:
Maxay tahay sababta mar kale dib
u dhaca u keentay doorashadii
guddoomiyaha Gobolka Gedo ee la
rabay in la qabto maanta?
Sida hoos ka muuqataba, muddo
saddex maalmood gudahood ah ayaa
waxaa wasaaradda Arrimaha gudaha
ee Dowladda KMG ah ay kasoo
baxeen go'aano is burinaya oo la
xariira xiliga rasmiga ah ee la
qabanayo doorashada gudoomiyaha
Gobolka Gedo.
Waxaa jira warar sheegaya in ay
jiraan sababo dhowr ah oo ilaa
iyo hadda la'isku mari la'yahay,
kuwaasoo caqabad ku noqday in
waqti mucayin ah loo qabto
doorashada gudoomiyaha gobolka
Gedo.
Sababaha hor taagan in si
fudud loo dhameys tiro maamul u
sameynta Gobolka Gedo ayaa waxaa
ka mid ah:-
1. Warqad uu horay u qoray Aden Madoobe oo ah afhayeenka Baarlamaanka
Dowladda KMG ah oo sheegeysay in
aanay Degmada Luuq ka qeyb gali
karin doorashada gudoomiyaha
gobolka Gedo oo la rabay in ay
ka dhacdo magaalada Garbahaarey.
Sida la sheegayo, go'aanka uu
gaaray Aden Madoobe ee uu ku
diiday in ay Degmada Luuq kaga
qeyb gasho doorashada
gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa
waxaa la og wasaaradda Arrimaha
gudaha ee isla dowladda KMG ah
oo uu si hoose oo qaldan wax uga
dhaadhiciyay.
2. Aden Madoobe iyo wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa waxay qiil uga
dhigteen mamnuucidda Degmada
Luuq ay ka mamnuuceen in ay wax
ka doorato gudoomiyaha gobolka
Gedo in ay tahay doorashadii
dhawaan ka dhacday Luuq oo ay ku
macneeyeen in aanan loo dhameyn
oo uu weli qilaaf weyn ka taagan
yahay. Sida ay yiraahdeen,
doorashada gudoomiyaha gobolka
Gedo ee la rabay in ay ka dhacdo
Garbahaarey waxaa ka qeyb qaadan
karo oo kaliya shanta degmo ee
kale ee gobolka Gedo ku taal.
3. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in qilaaf balaaran oo isfahan
la'aaneed oo horay uga dhaxeeyay
maamulada degmooyinka B/xaawo,
Dolow iyo Luuq ay iyana sababtay
in uu Aden Madoobe helo sabab
kale oo sii taageereysa
go'aankiisa qaldan ee uu
maamulka Luuq kaga mamnuucay in
aanay degmada Luuq ka qeyb galin
doorashada gudoomiyaha gobolka
Gedo.
Sababahaas saddexda ah ee kor ku
xusan awgood, iyo ayada oo Aden
Madoobe uu doonayo in qilaafyada
yar-yar ee hadda ka dhex taagan
qaar ka mid ah maamulada gobolka
Gedo uu buun-buuniyo si uu ugu
guuleysto in Degmooyinka Luuq
iyo Baardheere uu midba mar ka
abuuro xaalad deganaasho
la'aaneed.
Aden Madoobe iyo xubno kale oo
dhowr ah oo ka tirsan maamulka
Dowladda KMG ah ee taagta daran
ayaa waxaa haboonaan laheyd in
ay fahmaan in beesha Sade ay si
weyn ula socoto siyaasadaha
madhaleyska ah ee ku wajahan
isku dirka iyo kala qeybinta
beesha Sade ee walaalaha ah.
Dhanka kalena, waxaa iyana
fiicnaan laheyd in qaar ka mid
ah mas'uuliyiinta beesha Sade ee
garan la' dabaal joogteynta
siyaasadeed ee Aden Madoobe iyo
xulafadiisa in ay si fiican u
garan lahaayeen qaabka ay
ciyaarta u socoto.
Doorashadii ka dhacday Degmada
Luuq waxaa goob joog ka ahaa
xubno ka tirsan Dowladda KMG ah
oo ansixiyay in ay Degmadaasi ka
dhacday doorasho xaq ah, isla
markaana gudoomiye loo doortay
Canjeex Buule Great.
Haddaba su'aasha meesha ku
jirtaayi waxay tahay, mar haddii
Degmada Luuq loo dhisay maamul
mideysan oo ay bulshooyinka ku
dhaqan oo dhan ka raali noqdeen,
isla markaana ay dowladda KMG ah
goob joog ka ahyed oo ay
aqbashay natiijadii kasoo baxday
doorashadaas, maxay tahay hadda
qeyla dhaanta kasoo yeertay Aden
Madoobe iyo wasaaradda Arrimaha
gudaha ee ay ku sheegayaan in
maamulkii Luuq lagu dhisay aanan
loo dhameyn?
Isku soo duuboo, waxaa xaqiiqo
ah haddii ay maanta hergasho
qorshaha sumeysan ee ay wataan
Aden Madoobe iyo xulafadiisa oo
ah in Degmada Luuq laga reebo in
ay ka qeyb qaadato doorashada
gudoomiyaha gobolka Gedo, waxaa
haddana ku xigi doonta in
marsiiso kale loo raadiyo in
Degmooyinka Baardheere
iyo Ceelwaaq
aanay la shaqeyn karin kana mid
noqon karin maamulka Gobolka
Gedo ayada oo haddana lala imaan
doono marsiisooyin hor leh oo
aan hadda miiska saarneyn.
Sidaas awgeedna, ujeedada dhabta
ah ee Aden Madoobe iyo
xulafadiisa u qarsoon ayaa waxay
tahay in Degmooyinka ay rabaan
in ay maamulaan beesha Sade ay
noqdaan oo kaliya saddex degmo
oo kala ah: Garbahaarey, B/Xaawo
iyo Dolow.
Ugu danbeyntii,
waxaan ku war gelinayaa kulana
talinayaa bulshada Sade meel ay
joogtaba in ay iska jiraan oo ay
si weyn uga feejignaadaan
siyaasadaha sumeysan ee ay Aden
Madoobe iyo kuwa ka danbeeya ay
rabaan in ay ku kala dilaan
beesha Sade, isla markaana ay ku
kala qeybiyaan degmooyinka iyo
bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.
Hoos ka eeg jahawareerka
saddex maalmood gudahood ay
wasaaradda Arrimaha Gudaha ee
dowladda KMG ah ku sameysay
bulshada ku dhaqan gobolka Gedo
oo ay maalinba maalinta ka
danbeysa bedelayeen waqtiga
doorashada gudoomiyaha gobolka
gedo ay dhaceyso:-
War Deg-Deg ah: oo la
xariira doorashadii gudoomiyaha
Gobolka Gedo oo maalin lasoo hor
mariyay
Xubnahii ka socdey Baarlamaanka
KMG oo Maanta la hadley
dadweynaha Garbahaarey iyo
Tartankii doorashada Gobolka
Gedo oo dib loo dhigay
Xildhibaano ka tirsan
Baalrlamaanka FKMG oo soo gaarey
Garbahaarey iyo Xilliga
Doorashada Gudoomiyaha Gobolka
Gedo oo waqti loo qabtey
Maxamed Cusman Warsame,
Bremen/Germany.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|