|
|
Allgedo News, May
16, 2008
|
|
 |
Faalo:
Maxaad ka taqaan Ahmedou
Ould-Abdallah: U qaabilsanaha
Qaramada Midoobay ee Arrimaha
Soomaaliya?
By Abdiweli Hassan
abdihass55@hotmail.com |
|
Ambassador Ahmedou Ould-Abdallah |
Ambassador Ahmedou Ould-Abdallah
waa u qaabilsanaha Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay
Arrimaha Soomaaliya. Wuxuu u
dhashay waddanka Mauritania (Muritaaniya)
ee ku yaal waqooyi-galbeed
Afrika. Wuxuu ka soo qabtay
jagooyin heer Wasiir ah waddanka
Muritaaniya ay ku jirto Wasiirka
Arrimha Dibadda. Wuxuu aad uga
soo shaqeeyay hawlaha
Diblomaasiyadda, isagoo soo
noqday Safiirka Muritaaniya ee
Belgium, Luxembourg, Holland,
Midowga Yurub iyo Maraykanka.
Waa siyaasi rug caddaa ah oo aad
u yaqaan sida siyaasadda
caalamku u shaqayso, gaar ahaan
sida waddamada reer galbeedku
ula dhaqmaan waddamada Afrika
iyo dunida saddexaad.
Ahmedou Ould-Abdallah (oo
dhaqanka Muritaaniya la macna ah
Axmed-kii ina Abdullaahi) wuxuu
dhashay sannadkii 1940-kii.
Kaddib shaqooyinkiisii
diblomaasiyadeed ee waddankiisa,
wuxuu u wareegay dhinaca
hawalaha Qaramada Midoobay (QM).
Wuxuu muddo lix sano ah soo ahaa
Madaxa Arrimaha Dhaqaalaha
Afrika ee QM, isagoo kaddibna
ahaa u qaabilsanaha Madaxii QM
Butrus-Butrus Qaali ee Arrimaha
Burundi 1993-1995-kii. Wuxuu aad
uga shaqeeyay sidii Burundi
looga baajin lahaa dagaal jinsi
xasuuq ah inuu ka dhaco, sidii
ka dhacdayba waddanka la deriska
ah ee Ruwaanda. Wuxuu
isticmaalay dhammaan wixii
xariir dublimaasiyad iyo
siyaasadeed uu la lahaa
shaqsiyaadka iyo dawladahaba
sidii Burundi looga joojin lahaa
dagaalkii Sokeeye ee socday.
Wuxuu sidoo kale hor istaagay
qorshihii Madaxiisa
Butrus-Butrus Qaali kaasoo ahaa
in ciidamo nabad-ilaalineed oo
QM ah la geeyo Burundi.
Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu
qabay in arrinta Burundi lagu
xalliyo si Afrikaannimo ah oo
wadahadal iyo is-qancin loo maro
mushkiladda, isagoo ka
dhaadhiciyay saaxiibadiis in
Ciidamo shisheeye ay mushkillada
jirta sii ballaarinayaan,
dhaqaale aad u fara badan ku
baxayo, isla markaana ay
abuurmayaan maslaxado shisheeye
oo ku hardama arrimaha Burundi.
Sidaas darteed, ayuu yiri waa in
mushkiladda Burundi aan loo
rarin heer caalami ah. Isagoo
arrintaas aad u xoojinaya ayuu
qoray buug uu ugu magac daray:
Burundi on the Brink. Wuxuu ku
faahfaahiyay buuggiisa in
Burundi aysan u baahnayn
koofiyado Buluug ah (oo uu ula
jeedo Ciidamo QM ah), balse ay u
baahan tahay dhakhaatiir
cilmi-nafsiga ah
(psychiatrists).
Waxaa haddaba yaab leh oo arrin
laga xumaado ah in Ahmedou
Ould-Abdallah uu u ololeeyo in
ciidamo QM ah la geeyo
Soomaaliya. Wuxuu aad uga
fogaaday fikirkiisii iyo
mabda’iisii uu aaminsanaa
waqtigii uu isla hawshan uu
hadda ka hayo Soomaaliya ka
hayay Burundi. Sida lala socdana
Burundi dhibaatadeedii waxaa
lagu xaliyay wadahadal, iyo
awood qaybsi, iyadoo kuwii hor
istaagayna la geeyay Maxkamadda
Dambiyada ee Aruusha. Maantana
ayba reer Burundi u soo diraan
Ciidamo Soomaaliya.
Waxaa cad in Ahmedou
Ould-Abdallah uu si ku talo gal
ah ugu samaynayo Soomaaliya wax
uusan mabda’ ahaan aaminsanayn.
Wuxuu og yahay in waqtigii
hawshii Operation Restore Hope
(1992-1995) ee Soomaaliya ay ku
dhammaatay fashil ku yimid QM
isla markaana ay sii fogaysay
mushkiladdii Soomaaliya. Wuxuu
si fiican cashar uga qaatay
fashilkaas isagoo uga
faa’iidaystay inuu Burundi ka
weeciyo waddadaas. Haddase waxaa
muuqata inuu damac ka galay ka
qayb qaadashada Qandaraaska
Soomaaliya (eeg
maqaalkii hore, April 2007 ee uu
cinwaankiisu ahaa:
Maxaad ka taqaan dadka Shisheeye
ee Saamaynta ugu wayn ku leh
siyaasadda Soomaaliya? Dr.
Jendayi Frazer, Amb. Michael E.
Ranneberger, Meles Zenawi,
Isaias Afewerki, Amb. David
Shinn).
Ahmedou
Ould-Abdallah wuxuu wax badan ka
soo shaqeeyay hay’ado caalami ah
oo Madax bannaan sida isagoo
ahaa madaxii Hay’adda Global
Coalition for Africa ee
fadhigeedu yahay Maraykanka, iyo
Hay’adda World Future Council.
Sidoo kale wuxuu shaqooyin aad u
badan ka soo qabtay QM sida U
qaabilsanihii Madaxa QM ee
Arrimaha Galbeedka Afrika,
halkaas oo uu ka qayb qaatay
nadab ku soo dabaaliddii
Siraliyoon, Laybeeriya,
Mushkiladihii Xuduudyada ee
Kameroon iyo Nayjeeriya iyo
Arrimo kaleba. Wuxuu jagada
Madaxa QM kula tartamay Kofi
Annan iyo rag kale, balse waxaa
kaga guulaystay Kofi Annan oo
kala wareegay Butrus-Butrus
Qaali. Waana nin aad u dhex
galay Xafiisyada looga taliyo
Caalamka, gaar ahaan Reer
Galbeedka iyo QM.
Dhinaca Waxbarashadiisii, wuxuu
dugsiga sare kaga baxay Senegaal,
isagoo culuunta dhaqaalaha ku
bartay Jaamacadda Grenoble iyo
Jaamacadda Paris, Faransiiska,
1966 iyo Jaamacadda Sorbonne oo
uu ku bartay culuunta siyaasadda,
1967.
Amb. Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu
ku doodayaa in bulshada caalamku
ay ilowday Soomaaliya ayna tahay
in ciidamo caalami ah la keeno,
iyadoo isla markaana safiirka
Ugaanda u qaabilsan QM Mr.
Francis Butagira, uu ka codsaday
Golaha Ammaanka ee QM in la
siiyo ciidamada ka jooga
Soomaaliya oo marka lagu daro
kuwa Burundi isku ah ilaa 2000
dhaqaale gaaraya 817 Milyan oo
doolarka Maraykanka ah muddo lix
bilood ah. Waxaa muuqata inuu
jiro tartan dhaqaale ee
Qandaraaska Soomaaliya.
Haddaba, Waxaa la gudboon
ummadda Soomaaliyeed inay
hurdada ka toosaan, damiirkooda
dhintayna nooleeyaan, una
daneeyaan maslaxadda Ummadda
taagta daran ee mana-xayaashu
dushooda qandaraasyada ku kala
gadanayaan. Waxaan leenahay waa
in la asturaa cawradeena
bannaanka daadsan ee haweenka,
carruurta, maatada, waayeelka ay
qaarna qaxootiga ku yihiin
daafaha caalamka kuna haystaan
dhibaatooyin adduunyo kuwii ugu
xumaa. Waxay luminayaan hadyigii
diinteena Islaamka, waxay u
dayacan yihiin xumaan oo idil.
Waxaa looga bixi karaa
dhibaatada taagan in la soo
celiyo Amniga iyo Sharciga, la
iskuna tanaasulo.
Waa in la yiraahdaa Maya
Qorshaha Ciidamo shisheeye ee
Ahmedou Ould-Abdallah; Good Bye
Addis-Ababa; Good Bye Asmara.
Haa Wadahadal iyo is-qancin,
Caawin Dadka Dhibaataysan, Nabad
iyo Nidaam wixii ka shaqaynaya
ee Soomaali iyo Caalamkaba ah.
|
|
|
|