Allgedo News, June
1, 2008
|
Gen. Dhuumaal oo Raaligalin ka Baxshay
Xadgudubkii C/qaasim
General Yuusuf
Dhuumaal, Taliyaha Baarista Dambiyada
Ciidanka Poilce-ka Soomaaliyeed oo
dhawaan ka hadlay Xadgudubkii loo
geystay Madaxeynihii hore Dr. C/qaasim
Salaad Xasan oo ciidammo Itoobiyaan iyo
kuwa DFKG ay si khilaafsan sharuucda
calaamka iyo kan Dowladda jirta ku
dhisan tahay.
Generaalka oo ka
hadlayeey masuuliyadda Ciidanka
Police-ka Soomaaliyeed ayaa si carro leh
raaligalin uga baxshay sidii fool-xumada
ahayd ee loola dhaqmay Madaxeyne C/qaasim,
isagoo intaa ku daray in Ciidanka
Police-ku ay qorshaynayaan in ammaanka
Madaxweynaha iyo gurigiisa ay illaalin
doonnaan.
Xadgudubka loo gaysanayo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo
gurigiisa waa markii labbaad.
Haddaba maxay tahay
saamaynta xadgudubkan iyo sababta loo
sameeyeey?
Sababta loo yeelay waa
saddax arrimood:
Midda hore, qolooyinka xadgudubka
sammeeyeey waxay u arkaan in C/qaasim uu
yahay ninka hoggaamiya kooxaha la
dagaalama Ciidammada Itoobiya iyo kuwa
DFKG, sida Ururka Dib u Xoreynta, golaha
Midnimada Beelaha Hawiye iyo waliba
aqoonyahanno iyo siyaasiyiin soomaali oo
dhan ka kooban.
Midda labaad, qolooyinka
xadgudubka sammeeyeey waxay is leeyihiin
halkii aad ka dili lahaydeen C/qaasim
bahdil ku sameeya.
Midda ugu danbaysa, waxay
isleeyihiin haddii bahdilka
Madaxweynihii hore ay arkaan ummadda
dagalamysa way baqi doonnaan.
Saamaynta Bahdilka Madaxweynihii hore ee
Soomaaliya
Saamynta arrintani waa
mid meello badan taabanaysa, tan ugu
mihiimsan, waxay bahdil ku tahay
sharafta iyo madax-bannaanida Wadanka
Soomaaliya.
Marka xiga waxay bahdil
iyo sharaf dhac ku tahay qof kasta oo
Soomaali ah, maxaa yeelay Madaxweynihii
hore iyo Madaxweynaha jooga, waxay
leeyihiin xurmo iyo qadarin isku mid ah,
waxa kaliya ee ay ku kala duwan yihiin
waa maamulka.
Mar kale, waxay bahdil ku
tahay qof kasta oo Dowladda FKG xil ka
haya sida Madaxweynaha, wasiirada,
xildhibaanada, taliyeyaasha ciimmada (polic-ka,
Xoogga, iyo Nabad-sugudda) iwm, oo ilaa
hadda aysan jirin cid ka hadashay
Gen. Dhuumaal iyo Xildhibaan Caasha
Cabdalla mooyee!!! Arrintani waa
arrin qaran, mana ahan in loo eego
figrada laga qabo C/qaasim ee ku saabsan
wanaagiisa ama xumaantiisa. Sidaas
daraateedna, shaqsiyaadka xilalka qaran
sheeganya in ay hayaan waa
masuuliyadooda in ay ka hadlaan hadii
aysan wax ka qaban Karin.
Dhinaca kale, ammusnaanta
adduunku uu ka aamusan yahay
xadgudubyada Soomaaliya ka dhaca oo ay
tani ka mid tahay waxay muujinaysaa in
ay luntay sharuucdii lugu kala danbayn
jirey. Haddii ay sharuucdii caalamku
wali tixgalin leedahay, waa danbi dhacay
oo maxkamad sugaya.
Dambiyada laga gallo
sharafta iyo madaxbannaanida Wadanka
Soomaaliya, iyo tacadiyada loo gaysto
dadka rayidk ah ayaa noqday kuwo qof
waliba meel ka eego oo aan lahayn sharci
ay ka baqaan kuwa sameeya dunuubtaas.
Ugu danbayntii General
Dhuumaal iyo Xildhibaan Caasha Cabdalla,
waa ku mahadsan yihiin sida ay u
muujiyeen dareenkooda shaqsiyadeed,
laakiin waxaa ceeb weyn ah in ay la
shaqeeyaan qolo dowlad sheeganaysa oo
aan tixgalinayn haba yaratee xuquuqda
bani aadamka, sharuucda aadamka,
sharafta iyo madax-bannaanida Wadanka
Soomaaliya.
A. Gurato
|