|
|
Allgedo News, June
2, 2008
|
Fursadii ku dhaaftaayi, way adag
tahay in ay dib kuu soo marto!
Inta aanay
kasii darin arrinta Soomaaliya,
Security Council-kana uusan
arrimaha Soomaaliya u xilsaarin
Trusteeship Council iyo dowlad
gaar ah oo u carbisa biseyl
dowlad-nimo, Soomaalida waxaa la
gudboon oo waajib ku ah in ay
dhexdooda ka heshiiyaan
Waa
xaqiiqo in ay umadda
Soomaaliyeed ku habsatay
mamsiibo aad u balaaran oo la
oran karo waa caro Rabi oo ku
dhacday iyo danbi ay galeen oo
laga goynayo.
Soomaaliya maanta waxaa la oran
karaa waxay u bur-burtay si ay
adag tahay in ay uga soo kabato.
Waxaa bur-buray nidaamkii
dowliga ahaa ee wax kala hagi
jiray iyo dhamaan ilihii
noolasha iyo horumarka dalka iyo
dadka Soomaaliyeed.
Qaran-jabkii Soomaaliya kaddib,
haba yaraatee lama helin dad
wadaniyiin ah oo dalka iyo dadka
wixii haray bad-baadiya.
Bur-burkii dowladdii
Soomaaliyeed kaddib, Soomaaliya
dal iyo dadba waxay ku dhacday
afka kuwo aan wax qorin waxna
akhrin oo la magac baxay dagaal
oogeyaal (warlords.)
Sharaftii umadda Soomaaliyeed,
diintii, dhaqankii iyo
qaranimadii oo dhan waxaa ka
weynaaday u adeeggidda iyo
aaminaadda dano shaqsi ah iyo
qabyaaladda meheradda u noqotay
umadda Soomaaliyeed meel ay
joogtaba.
Umadda Soomaaliya meel ay
joogtaba waxay ka bixi weysay is
dil, in ay is iibsato, is
jaajuusid, u kala hormarid iyo u
adeegid cadowga umadda
Soomaaliyeed, isqab-qabsi, is
eedeyn, is necbeysi, far isku
fiiq, isu tur la'aan, isu
garaabid la'aan iyo kala gar
qaadasho la'aan.
Haddaba, si aan mar kale
wax uga ogaano umaddaan
mucjisada ah, waxaa la oran
karaa waxay u kala qeybsan tahay
afar qeybood oo kala ah:-
1. Qab-qable dagaal (warlord) oo ah
kan majaraha u haya siyaasadda
Soomaaliyeed (ogow
wax ma qoro waxna ma akhriyo e'.)
2. Aqoon yahano ku kala xiran kana shidaal qaata dagaal oogaha (warlord)
3. Culimo diimeed aanan isku dariiqo aheyn (different sects),
isla markaana qudhooda ku kala
xiran dowlado ama MUFTIYIIN
ajnabi ah oo uu badankoodu yahay
Carab.
4. Iyo bulshada inteeda kale oo ayaga oo aan marnaba wax is weydiin ku
qasban in ay raacaan wadada ay
dagaal oogaha iyo aqoon
yahanadooda maraan.
Akhriste, Culimada iyo
dhalinyarada diin u dirirka ah
waaba la gartaye, waxaad is
weydiin kartaa, sababta ay aqoon
yahanada Soomaaliyeed u daba
socdaan dagaal oogeyaasha aan
wax qorin waxna akhrin, siyaasad
ay dal iyo dad ku hogaamiyaan
iskaba daaye? Jawaabtu
waxay tahay dhowrkaan qodob ee
soo socda:-
1. Waxaa jira isku xirnaasho qabiil oo u dhaxeysa dagaal oogaha, aqoon
yahanka iyo qabiilka ay kasoo
jeedaan (tribal
affiliation/tribal
string.)
2. Caadiyan, dagaal oogaha xirfadda uu yaqaano ee uu ku shaqeysto waa
adeegsiga qabiilka. Si uu
haddaba dantiisa u gaaro, shaqo
kuma lahan in uu arko dal iyo
dad nabad ah oo degan, balse
asaga waaba la gartaye, waa
maxay xiriirka ka dhaxeeya
dagaal oogaha, aqoon yahanka iyo
qabiilka ay kasoo jeedaan?
Jawaabta su'aashaana waa
dhowrkaan qodoab ee soo socda:
1. Aqoon yahanka iyo dagaal oogaha sidaan korba kusoo sheegay waxaa ka
dhaxeeya xiriir qabiil (tribal
affiliation.)
2. Aqoon yahanka si uu u xaqiijiyo in reerkiisa (qabiilkiisa)
uu u noqdo mid had iyo jeeraale
wax dulma ee umadda Soomaaliyeed
dhexdeeda xuquuq saa'id ah ka
qaata, waxuu inta badan intii
karaankiis ah isku dayaa in uu u
dhego nuglaado qeylo dhaanta
qabiilka huwan ee uga imaaneysa
dagaal oogaha iyo duqeyda ay
isku reerka yihiin.
3. Aqoon yahanka Soomaaliyeed inta badan waa kan ruwaayadda dalka
Soomaaliyeed lagu bur-buriyay
gadaal ka jila (main
charecter that acts concert
behind the
scene.)
4. Aqoon yahanka Soomaaliyeed iyo dagaal oogahiisa ayaa waxaa ka dhaxeeya
wada shaqeyn iyo is fahan ku
dhisan qabyaalad iyo sidii ay u
difaaci lahaayeen danaha
reerkooda. Sidaas awgeedna, wada
shaqeyntooda ayaa waxay
suurtagalisaa in ay soo jiitaan
kuna soo xirmaan inta badan
qabiilka ama jifada ay ka
dhasheen oo u arka in ay yihiin
siyaasiyiintooda iyo aqoon
yahanadooda.
Haddaba, haddii aad qodobada
kore si fiican ugu kuur gasho,
waxaa kuu soo baxaya nidaamka
xaaraanta ah ee daneysiga iyo
qabyaaladda ku dhisan ee
Soomaaliya lagu bur-buriyay in
aanay cidna ka madax banaaneyn.
Si kastaba arrintu ha ahaatee,
anaga oo wada og fool xumada,
bur-burka iyo baaxadda ay
leedahay dhibka ay umadda
Soomaaliyeed soo martay ilaa iyo
haddana ay ku sugan tahay,
waxaan qabaa in ay umadda
Soomaaliyeed shuruud la'aan isu
cafiso, meelna iska wada dhigto
adeegsiga TABAHA GURACAN
EE DANEYSIGA RAQIISKA AH IYO
QABYAALADDA KU DHISAN,
loona soo wada jeesto sidii ay
ku suurtagali laheyd dib u
hanashada qaranimadii, madax
banaanidii iyo sharaftii
Soomaaliyeed ee luntay.
Si haddaba ay taasi u
suurtagasho, loona badabaadiyo
dal, dad iyo duunyo wixii haray,
waxaan qabaa in ay muhiim tahay
in ay umadda Soomaaliyeed ka
faa'ideysato fursadda qaaliga ah
ee maanta ka jirta dalka
Jabuuti
oo ah midda lagu
dhex-dhexaadinayo dowladda KMG
ah iyo mucaaradka.
Ilaah ka sokow, waxaan halkan
mahad balaaran ugu soo
jeedinayaa dhamaan xubnaha ka
socda bulshada Caalamka, kuwa ka
socda dowladda KMG ah iyo kuwa
ka socda mucaaradka ee
dhamaantood daneynaya in shirka
Jabuuti ay kasoo baxaan miro
dhaxal gal ah oo dan u ah dadka,
diinta iyo dalka Soomaaliyeed.
XASUUSIN:
Qofkii jecel in ay
Soomaaliya nabad hesho ee ay
Qaranimadeedii dib u hanato, ha
xasuusto IN FURSADII MAR
KU DHAAFTAA AY ADAG TAHAY IN AY
DIB KUUSOO MARTO!.
Sidaas awgeed, haddii Golaha
Amaanka ee maanta doonaya in ay
dalka Jabuuti ku
dhex-dhexaadiyaan dowladda KMG
ah iyo mucaaradka ay ka quustaan
in dhex-dhexaadintaan ay
shaqeyso, Soomaaliyana ay dowlad
la'aan soo aheyd 19 sano, waxaa
suurtagal ah in kulanka danbe ee
Golaha Amaanka uu ka yeesho
arrin Soomaaliyeed la'iskula soo
qaado sidii dalka loo gelin
lahaa
"Trusteeship",
Golaha Amaanka ee hadda
dhex-dhexaadinta Soomaalida ka
dhex wadana ay arrimaha
Soomaaliya gebi ahaanba ku
wareejiso faraceeda gaarka ah ee
Trusteeship
Council.
Walaalkeyga ama walaasheyda
Soomaaliga ahow, garo oo haddii
ay arrinta Soomaaliya
mustaqbalka ku wareegto "Trusteeship
Council",
macnaheedu waxaa weeye "Soomaalidu
isma xukumi karto ee muddo
mucayin ah oo uu Golaha Amaanku
gooyay gacanta halagu hayo."
Taas macnaheedu waxaa kale oo uu
noqon karaa, xataa in Itoobiyada
maanta Soomaaliya gacanta ku
haysa Soomaaliya in loo
sharciyeeyo in ay sii hayso
muddo cayiman oo noqon karta 10,
20, 30 sano ama wax ka badan.
Mar kale, xasuuso haddii ay
arrintaan mustaqbalka nagu
dhacdo in ay Qaramada Midoobay
balan qaadi doonto in ay dhan
walba ka caawin doonto Itoobiya
ama dowladdii kale ee Soomaaliya
arrimaheeda lagu wareejiyo.
Si aanay haddaba nasiib daradaas
mar kale noogu dhicin oo aanan
gumeysi buuxa u galin, waxaan
qabaa in ay haboon tahay in
aanan dayicin ka faa'ideysiga
fursadda qaaliga ah ee lagu
dhex-dhexaadinayo dowladda KMG
ah iyo Mucaaradka ee hadda ka
socota dalka Jabuuti.
Waad
mahadsan tihiin.
Aden A. Ali (Colujog), President
of EADO
(East African Development
Organization)
adencolujoog@yahoo.com
|
|
|
|