|
|
Allgedo News, April
25, 2008
|
|
Xildhibaano
ka tirsan Baalrlamaanka FKMG oo
soo gaarey Garbahaarey
iyoXilliga Doorashada
Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo
waqti loo qabtey |
Garabahaarey,
Somalia (AOL)
- Magaalada Garbahaarey ee
Xarunta Gobolka Gedo ayaa haatan
waxaa ka soconaya qaban qaabo
balaaran iyo diyaar garoowgii
ugu dambeeyey oo loogu
diyaargaroowayo Tartanka
doorshada Xilka Gudoomiyaha
Gobolka Gedo iyo ku xigeenadiisa
oo si rasmi ah loogu dhawaaqay
in Magaalada Garbahaarey ay ka
dhacdo Maalinta Axada ah oo
taariikhduna ay ku beegan tahay
April 27, 2008.
Shaley galab ilaa xaleyna waxaa
magaalada Garbahaarey soo gaarey
ilaa lix mudane oo ka tirsan
Baarlamaanka FKMG ah ee
Soomaaliya, kana soo jeeda
Gobolkan Gedo, kuwaasi oo ka soo
kicitamay Magaalada Baydhabo,
xildhibaanadaasi ayaa waxaa ka
mid ah Xasan deer, C/rixmaan
Indho buur, Ardooy, Xuseen
Cadaawe, Bulo Xisbiyo iyo
Ibraahin Ceymoy.
Sidoo kale, Wasiiro iyo
Xildhibaano kale ayaa lagu wadaa
in Malinta Doorshada ay ka soo
kicitimaan dhinaca Magaalada
Muqdisho, si ay goob joog ugu
ahaadaan tartanka Doorshada
Gobolka Gedo.
Xubnaha u sharaxan xilka
Madaxtinimada Gudoomiyaha
Gobolka Gedo ayaa waxaa ka mid
ah Aden Ibraahin Aw-Xrsi, Xuseen
Sh. Cabdi Iasmaaciil iyo Jamaal
Xasan Sarey, inkastoo Seddexdan
Mas'uul dhexdooda ayan ka muuqan
wax isu tanaasul ah ayaa mid
weliba waxuu muujinayaa kalsooni
uu ku qabo in jagadaasi uu ku
guulaysan doono.
Goobaha dadku ay isugu yimaadaan
ee Magaalada Garbahaarey ayaa
waxaa hareeyey hadal haynta ku
saabsan cida ku guulaysan doonto
jagadaasi, inkastoo dadku qaar
ay ka bixinayaan saadaal, balse
waxa la ogaan doonaa natiijada
ka soo bixi doonta 27 bishan oo
lagu wado in maalintaasi ay
qabsoonto tartanka doorashada
Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Ku
xigeenadiisa.
Axmed Cumar Saalixi,
Garbahaarey-Gedo.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|