WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 25, 2009

Ururka dhaliyarada Degmada Caabudwaaq ayaa si buuxda u sheegay inay taageerayaan oo ay soo dhaweynayaa shirka Columbus, Ohio ka dhacaya dhawaan
 

Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Deg. C/waaq - Abukar Nur Halane

Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Deg. Caabudwaaq Abuukar Nuur Xalane oo ka hadlayey shirka beesha Sade ay isugu imaanayaan dhawaan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka in uu yahey mid aad muhiim u ah ayna jecel yihiin inuu noqdo mid wax ka badala afkaaraha qaldan iyo tala xumada haysata deegaanada ay beeshu degto oo aan laheyn wax hurumar ah, sidaa darteedna loo baahan yahey in uu wax ka badalo marxaladaha cuuryaamiyey deegaanada beesha.

Waxaa sidoo kale uu baaq u jeediyey guud ahaan dhalinyarada beesha ee ku sugan gudaha iyo dibada inay siiyaan taageero niyad ah maadaama ay yihiin jiilka loo baahan yahey in ay wax u kordhiyaan deegaanadooda iyo dadkooda muda dheer ahaa kuwo ka haray horukaca Somaliya.

Dhinaca kale, waxaa uu ugu baaqey gudiga qaban qaabada shirka Columbus in ay ka feejignaaaan wax kasta oo curyaamin kara horukaca shirka iyo dadaalkooda ay mudada kusoo taamayeen isagoo talo ahaana usoo jeeediyay in ay xariir la sameeyaan guud ahaan deegaanada looga hadlayo shirkaasi.


C/kariin Axmed Bulxan, Caabudwaaq-Somaliya
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

 

 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com