Allgedo News, May
23, 2009
|
Hanbalyo iyo
bogaadin ku socoto shirka ka furmi doono
Columbus Ohio
By Hussein Mohamed (Bikolo)
Norway (AOL) - Haddii aan nahay
dadka dagan Norway iyo swedan ee ku
abtirsada Beesha Sade waxaan Hambalyo,
Bogaadin iyo taageero u diraynaa
shirwaynaha Beesha Sade ee ka dhici
doona in shaa allaahu Columbus, Ohio
dhamaan beesha Sade meelkasta oo ay
joogtana waxaan ka codsanaynaa in ay
taageerto shirkaas, waayo waxaan u
aragnaa shirkaas in uu yahay midka kali
ah ee lagu gaarikaro horumar iyo
iskaashi buuxo,waana shirkii ugu
horeeyay ee lagu dhawaaqo in Sade laguna
heshiisiinayo laguna midaynayo
walaaleyaal arintaas waxa kawayn oo aan
raadinayno waa maxay? jawaabtu waa
waxbana.
Sidaas darteed waa maalin munaasabad
gaar ah noo leh 28/5/009, Allana waxaan
kabaryaynaa in uu noo hergaliyo arintaan
ah in Sade dal iyo dibadbo ay midoobaan.
Dhanka kale, waxaan Allah (SWT) ka
beryeynaa inuu ka saaro shacbiga
Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan
dhibka ay maant Qaranimadii ku waayeen
Dadka dhahayo shirkaan looma dhamana
walaale waxaan kuu sheegaynaa war
anagubo kama aana sooqaybgalina waana
taageersanahaye adiga oo goobta joogo
maxaad udiidaysaa? Hadii ay tahay
talo aanan anigu ogayn aqbal ma ahan dee
walaale taas talo ma ahane ama shirka
taageer ama aan ku taageernee wax ka
wanaagsan keen, arinkii soomaalina ay la
duntay ilaa hadana ay dowlad laladahay
qiimo malahane oo ahaa Iitalin maysid,
kuu talinaayo, wadatashanmayno, Iga
tagimaysid iyo kaatagimaayo Aqli ma
ahaane dadka aqoonta leh ee maanta noo
kacay taageera una duceeya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|